Sign in to follow this  
General Duke

Xusni Mubarak: We support the TFG understand Ethiopias support??

Recommended Posts

QAAHIRA: Xusni Mubaarak oo ay is fahmeen Madaxda Itoobiya iyo isagoo cadeeyey inuu taageerayo DFKS

Posted to the Web Jan 04, 18:56

 

mubarak.jpg

 

 

Qaahira: (pp)- Wafdi ka socda dalka Itoobiya oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Itoobiya Seyuum Mesfin ayaa booqday dalka Masar , halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha dalka Masar Mudane. Xusni Mubaarak.

 

Labada Masuul oo ka hadlay arrimo dhowra ayaa Waxaa Madaxweyne Xusni Mubaarak uu si cad u sheegay inuu aad ula socdo sababta ay dawlada Itoobiya ay ciidamadeedu ay guddaha ugu galeen dalka Soomaaliya, isagoo Xusni Mubaarak oo hadalkiisaas uu ku sii xoojiyey in dowlada Itoobiya ay u yeeratay Dowlada Federaalka Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Kenya dabayaaqadii 2004-tii.

 

Xusni Mubaarak oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee ka soo jeeda dal carbeed oo xoog badan ayaa horay si toosa uga soo horjeeday dowlada Federaalka Soomaaliya , isagoo dhanka hoose taakulo ka siinayey horjoogayaashii maxaakiimta ee Labada Asbuuc ku bur-buray.

 

Mudane Xusni Mubaarak ayaa si cad ugu dhawaaqay shir saxaafadeed uu ka jeediyey magaalada Qaahira , waqti uu goobtaas la joogay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Itoobiya Seyuum Mesfin, inuu si fiican u taageersan yahay dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dowlada Masar gacan ka geysanayso nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.

 

Waqtigii ay ciidamada Itoobiya ee taageera Dowlada Federaalka Soomaaliya ay galeen gudaha soomaaliya , dowlada masar waxay ugu baaqday dalka Itoobiya inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, Waxaase waqtigan loo maleeyaa, in dowlada Federaalka Soomaaliya ay kaga awood badiday dhanka siyaasada dalal badan oo Carbeed oo horay u taageeri jiray horjoogayashii maxaakiimta ee bur-buray, marka laga reebo dalka Yeman oo taageero aan kala harlahayn la garab taagnaa DFKS.

 

Si kastaba, dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxdeedu wax taageero ah horay ugama helin dalalka Carabta , waxaana DFKS ay horay codsiyo dhaqaale ugu gudbisatay dalalka ku midaysan Jaamacada carabta , codsigaas ayaa noqday mid basbeelay, kaddib markii ay ka dhego adaygeen Jaamacada Carabtu inay wax taageero dhaqaale ay siiyaan dowlada soomaaliya, iyagoo ku colaadinaya u janjeerka ay dowlada Federaalka Soomaaliya siyaasadeedu ay u janjeerto dhanka dalalka Afrika.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xusni Mubarak oo sheegay inuu fahansan yahay Sababta ay Ciidamada Itoobiya u galeen dalka Somaliya

 

Last Updated::2007-01-04 16:53:51

 

Qaahira:- Madaxweynaha dalka Masar ayaa qaabilay wafdi balaaran oo ka socda dowlada Itoobiya oo safar ku jooga Qaahira.

 

Xusni Mubaarak oo la hadlayay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Itoobiya Seyuum Mesfin ayaa u sheegay in dowlada Masar ay fahansan tahay sababta ay ciidamada Itoobiya u galeen dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay galeen dalka Soomaaliya ayagoo ka jawaabaya codsi uga yimid Dowlada Soomaaliya.

 

Wuxuuna sheegay Xusni mubaarak in uu ay dowladiisa taageersan tahay dowlada Federaalka, isla markaana ay dooneyso in arrimaha Soomaaliya lagu dhameeyo jid nabadeed.

 

Dowlada Masar ayaa sheegtay in ay la socoto codsiga ay dowlada Itoobiya ka jawaabeysay markii ay gashay dalka Somaliya, inkastoo ay dowladaasi kamid ahayd dowladihi Carabta ee ugu baaqay Itoobiya in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya.

 

[...Inkastoo ay Masar kamid tahay Jaamacada Carabta iyo dalalkii ku baaqay in Itoobiya ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, hadana hadaanu nahay dalka Masar Waanu fahansanahay in ciidamada Itoobiya ay galeen dalka Soomaaliya si ay gacan u siiyaan ciidamada DFKMG, arrintaasina ay codsatay xukuumada Soomaliya...] ayuu yiri Maxamed Xusni Mubaarak Madaxweynaha dalka Masar oo qaabilay wafdiga ka yimid dalka Itoobiya.

 

Dowlada Itoobiya ayaa wafduud kala gedisan u dirtay dalalka Masar, Jabuuti, Sudaan iyo Kenya si ay uga dhaadhiciso dalalkaasi hawlaha ay ciidamada Itoobiya ka qabanayaan dalka Soomaaliya gudihiisa.

 

Dalalka Masar iyo Itoobiya ayaa lagu sheegaa in ay yihiin kuwo si weyn isugu haya siyaasada Afrika gaar ahaan dhinaca Somaliya.

 

Balse Dowlada Masar ayaa markii ugu horeysay muujisay dabecsanaan la xariirta dhinaca Somaliya iyo Itoobiya, ayadoo arrintaasi loo aaneenayo Dowlada Maraykanka oo ayadu taageertay in ciidamada Itoobiya ay galaan dalka Soomaaliya.

 

Dalka Masar ayaa kamid ah dalalka Afrika ee xiriirka dhaw la leh xukuumada Maraykanka.

 

Cabdullahi Haji

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Egypt "understands" Ethiopia's Somali intervention

04 Jan 2007 12:25:24 GMT

Source: Reuters

 

More SHARM EL SHEIKH, Egypt, Jan 4 (Reuters) - Egypt said on Thursday it understood why Ethiopia intervened militarily against Islamists in Somalia, despite an earlier Arab consensus that Ethiopian troops should withdraw.

 

Egyptian presidential spokesman Suleiman Awad said President Hosni Mubarak stated the Egyptian position at a meeting with Ethiopian Foreign Minister Seyoum Mesfin.

 

"President Mubarak expressed his understanding for the reasons behind the Ethiopian intervention in Somalia, which was based upon the request of the legitimate interim Somali government," Awad told reporters after the meeting.

 

Before the Somali government and Ethiopian troops captured the capital Mogadishu last month, Arab governments said unanimously that Ethiopian troops should leave the country, which is a member of the Cairo-based Arab League.

 

But conservative Arab governments such as Egypt's also had reservations about the Somalia Islamic Courts Council (SICC), which had imposed sharia law across much of southern Somalia.

 

Awad added that Mubarak said he supported the deployment of an African peacekeeping force in Somalia.

 

The SICC fled Mogadishu last week in the face of advancing government troops backed by Ethiopian tanks and warplanes.

 

Many Somalis say they resent the government as an Ethiopian puppet propelled to power by Ethiopian troops, and analysts say the SICC may still launch an insurgency against a government they see as supported by a hated, Christian-led "occupier".

 

In November, a U.N. report said Egypt was among a number of countries had provided training to the SICC. It said a senior retired Egyptian officer, who is also a member of the Muslim Brotherhood, was aboard a vessel carrying arms to Somalia.

 

At the time, an Egyptian Foreign Ministry spokesman said the report was "totally untrue".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this