Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

General Ilkajiir is about to announce his candidacy for Puntland presidency

Recommended Posts

Somalia: 'I will not extend my term,' says Puntland leader

26 May 26, 2008 - 4:04:16 PM

 

BOSSASO, Somalia May 26 (Garowe Online) - The president of Somalia's Puntland regional authority told a crowd Sunday that he has no plans to extend his four-year term, which ends in January 2009.

 

President Mohamud "Adde" Muse was speaking at a meeting in Bossaso that was attended by various government officials, where discussion of the region's deteriorating security was central on the agenda.

 

"I am aware that some have spread reports that me and [somali President] Abdullahi Yusuf have agreed to for me to extend my term…and some people have [already] issued a declaration opposing this [extension rumor]," President Muse told the crowd.

 

"There is no truth in these reports and I will not add a single day [to my term]," he added.

 

The Puntland leader thanked the DRC agency for organizing the seminar on security, while urging the people of Puntland to cooperate with the security forces.

 

Mohamud Hassan, a clan elder, said the traditional leaders were playing their positive role in helping maintain order, but he commented that the administration's role in security is "lacking."

 

Citing confidential sources, Somali news agency Garowe Online reported last week that there was a secret agreement between Somalia's President Yusuf and Puntland leader Muse regarding a proposal to extend Muse's term for a one-year period.

 

People close to President Muse are pressuring him to either extend his term by one year, or compete a second time for the Puntland presidency, the sources added.

 

Foreign oil companies have spent significant amounts of money on Muse' s ability to deliver on an agreement giving them exclusive rights to explore for oil and natural gas in Puntland.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

I went to his meeting on Monday, it was great and he is on my short list of candidates, that I will endorse.

 

A competent, capable well educated individual.

 

A general & a CPA who seems like a breath of fresh air.

 

Anyon who doubts that he is not a serious candidate is joking and he has the support of many outside of Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntlanders Welcomed General Abdullahi’s Presidential Bid

 

General Abdullahi Ahmed Jama was enthusiastically received by thousands of Puntlanders and other Somalis hailing from throughout the North America and Europe. The huge reception was attended by over 500 cheering—clapping men and women, traditional leaders, former politicians, intellectuals, artists, community leaders, activists, students and ordinary supporters.
Amongst the welcoming throngs was the former Puntland President the honorable Mohamed Abdi Hashi.
President Hashi was once the head of United Somali Party and one of the key founders of the Puntland State. In his speech, he joined others to reiterate his disappointment with the current Puntland Administration, while underscoring the importance of the upcoming elections.

 

They all expressed deep concern regarding proposed plans to prolong term for the incumbent president—Mr. Adde Muse, beyond the 2009 day specified for Puntland's presidentialelection contest.

 

All the speakers showed their enthusiastic support for Jama's candidacy. Former colleagues in the Somali National Armed Forces spoke of his unique leadership qualities andthe general'sextraordinary record of accomplishments.

 

It was pointed out that, though a genuine national hero, Gen. Jama had refused to participate in the internecine wars of the so-called civil war that pitted sister Somali communities against one another, whilst many others fully participated in that bloody war.

 

Many speakers spoke of his spotless record and dedication to the common weal. Similarly, about half-a-dozen Somali artists—both men and women—sang about and recited moving poetry about the timeliness of Gen. Jama's candidacy considering the dire need for good governance and his kind transformational leadership in Puntland and throughout Somalia.

 

The General spoke of his quest in simple but unyielding terms of dedication to principle and duty. He emphasized peace, cooperation and development as cornerstones of his campaign and leadership style.

 

Since the Memorial Day weekend events, the news of the General's candidacy has spread far and wide. Considerable pledges of support are reaching the General from many Puntlanders from the Home region as well as all corners of the world. These messages of support are being spearheaded by those jubilant supporters, who know him best.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aragtideyda ku aadan musharax Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac “ilka jiir”

May 31, 2008

 

Ruux waliba inta uu hamigiisu gaarsiisanyahay ayuu hantiyaa, hadaan dedaalkiisu hagran. Hogaankuna waa tayada iyo toosinta iyo saamayn ku yeelashada bulsha weynta guud. Waa awood, xirfad, haybad, iyo aqoon loo hibeeyo hanaan-wadaha wanaagsan ee umada horkaca. Ararta hadalkeyga hadaan hor u dhaafo, oo aan qormadan dulucdeeda hoos ugu daadago, waxaan maqaalkeygan aan ku bandhigayaa aragtidayda ku aadan musharaxa madaxweynenimada Puntland ee Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka jiir).

 

Hadaba Markii aan u kuur-galay waxaa lagama maarmaan noqotey in aan baaro oo aan bidhaamiyo taariikh nololeedka musharaxa iyo mowqifka u jadwalaysan, iyo jidka uu la maaganyahay iney ku toosto Puntland, anigoo min-guurin doona wixii aan kasoo xigtey xafladihii loo qabtey todobaadkan ee Minneapolis oo aan nasiib u yeeshey kasoo qeybgalkeeda. Waxaan soo qaadan doonaa qaar ka mid ah milgaha mowqifka uu soo bandhigay. Qodobada aan is-tusay iney ugu xiisaha badnaayeen ayaa waxaa ka mid ahaa: Dhaqaalaha, Nabadgalyada, Kheyraadka, iyo Midnimada.

 

Taariikh nololeedka:

 

Nimaadan aqoonin taariikhdiisa way adagtahay inaad ogaato tayadiisa hogaan. Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac wuxuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo 1951, halkaasoo uu kaga baxay waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee Dayaxa. Wuxuu wax kasoo dhigay jaamacada Lafoole qeybta NTEC (National Teachers’ Education Center).

 

1970: Wuxuu ku biirey ciidan xooga dalka Soomaaliyeed. Halkaasoo loo direy dalka Ruushka.

 

1973: Wuxuu qaatey Shahaadada loo yaqaan (Millitary Science Degree) ee uu ka qaatey Jaamacad ku taala Odessa, Ukraine.

 

1977: Wuxuu dagaal galiye sare ka ahaa ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed. Halkaasoo lagu gudoonsiiyey bilado badan oo geesinimo ah.

 

1980-83: Wuxuu aaday jaamacada (Staff College) ee magaalada Qaahira, halkaasoo uu kusoo qaatey Digriiga Masterka ee Millitary Science.

 

1984-87: Wuxuu ka dhigayay jaamacada Gahayr qeybta militariga.

 

1988-89: Waxaa generaalka loo direy dalka Mareykanka halkaasoo uu kusoo qaatey Shahaadada looyaqaan (Strategy & Dicision Making).

 

Gen. Cabdulaahi wuxuu soo noqday taliye gaaskii ugu horeeye ciidanka Soomaaliya wuxuuna gaarey ilaa iyo heer Taliye Qeyb.

 

1991: Colaadii sokeeye Jananku kama uusan qeyb qaadan, dalka Soomaaliya isagoo lagu tilmaami karo inuu ka midyahay Jeneraalada dhifka ah ee Soomaaliyeed kuwa diiday dhiiga sokeeye.

 

2000-2004: Wuxuu ka baxay jaamacada Bryan & Stratton College ee magaalada New York halkaasoo uu ka qaadey digriiga xisaabaadka iyo dhaqaalaha (Accounting).

 

Run ahaantii intaasi waa inta aan is oran karo haka tegin, waxaa jira bilado iyo shahaadooyin intaa ka fara badan iyo aqoonta sida hubka kala gadisan iyo hogaanka oo aan soo koobi karin. Bal hadana aan jaleeco mowqifyadii uu ugu soo bandhigay umada Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis. Kuwaasoo iyagana aan kasoo qaadan doono oo kaliya qodobada sida: Dhaqaalaha, Nabadgalyada, Kheyraadka, iyo Midnimada.

 

Dhaqaalaha:

 

Hormarka tafa-gaabiska ah iyo dhaqaalaha caga-jiidka noqdey ee gaarey sicir-bararkii ugu sareeyey oo soomara umada ku dhaqan gobolada Puntland ayaa waxay dadweynihii kasoo qeyb-galay xaflada si aad ah ugu dhego-laa-laadinayeen, qaabka uu wax uga badali karo ama talaabada uu ka damacsanyahay tayaynta iyo tub-toosinta dhaqaalaha ayaa wuxuu yiri “Puntland waa ismaamul hodan ah, hadii si wanaagsan dhaqaalaheeda loo maareeyo”. Wuxuu tusaale usoo qaatey United Nationska waqti ay baadhitaan ka sameysey Puntlan sanadka markuu ahaa 2006 oo ay ku tilmaamtey dhaqaalaha dekada Boosaaso in uu kaabi karo dhamaan umada Soomaaliyeed hadii si wanaagsan loo maamulo.

 

Dhanka kalese, waxaad moodaa in dadka reer Puntland ay ka hadaadumeen ama ay ka quusteen kaabida dhaqaalaha iyo xoolaha telefka noqdey, iyo dib usoo nooleyntooda. Laakiin musharaxa ayaa wuxuu ka muujiyey raja wanaagsan isagoo usharaxay umada qaabka dhaqaalaha loosoo celinkaro, oo ah:

 

a)
Ladagaalanka sicir bararka:
sicir bararka ayaa wuxuu musharaxa asal uga dhigay dhaqaale xumada hada ka taagan Puntland. Waxyaabaha keena ayuu yiri ayaa waxaa ka mid ah lacagaha la daabaco iyo shaqa-la’aanta.

 

b)
Shaqa abuuris:
Wuxuu sheegay musharaxu, in la dhiso ilo dhaqaale taasoo hoos u dhigta tirada baagamundada. Musharaxa ayaa wuxuu tusaale usoo qaatey dhaqaaleyahanka weyn ee reer Yurub Edmond Malinvaud ee dhamaadkii qarnigii 18 tobanaad qaacido uu soo-saarey oo ah qaabka looga bixi kara shaqa-weytada.

 

c)
Adkeynta Amniga:
Wuxuu musharaxu carabka ku dhiftey “hadii wadanka uusan amnigiisu adkeyn, cidana ma maal gashan doonto” Hoos u dhaca amniga ayuu ku xiriiriyey dhaqaale xumada wadanka ka jirta.

 

Si kastaba ha ahaatee “dhaqaalaha ayaa ah laf dhabarta maamulka. Hadii ay dadka qancaan oo ay nolol maalmeedkoodu helaan, dowladuna way hagaagaysaa” ayuu hadalka u dhigay Gen. Cabdulaahi.

 

Nabadgalyada:

 

Dadka reer Puntland ayaa ah dad aad ugu nugul nabad iyo xasilooni ku wada noolaanshaha dhexdooda iyo ciseynta dadka jaarkooda ah. Wuxuu musharaxu sheegay in adkaynta nabadgalyada ay tahay shay daruuri ah isagoo tilmaamay in nabadgalyada iyo amaanka ay laba kala duwan yihiin. Musharaxa ayaa wuxuu soo daliishaday ayaada quraanka ah ee “Fadquluuhaa Bisalaamin Aaminiin” isagoo lafa guraaya amniga iyo nabadgalyada waxay ku kala duwanyihiin. Kuna tilmaamay in ay Puntland nabadgalyadeedu ay haatan fiicantahay, laakiin loobaahanyahay in la adkeeyo amniga oo faraha kasii baxaaya.

 

Waxaan kaloo jeclahay inaan xuso jawaabtii Gen. Ilka jiir mar la waydiiyey musharaxnimadiisa madaxweynimo ee Puntland ayaa wuxuu ku jawaabay “anigu waxaan ahay nabadside, doonaaya in Soomaaliweyn ay hagaagto”.

 

Kheyraadka:

 

Soo saarista macdanta iyo sahaminta kheyraadka gaaxsan ee ceegaaga dhulka hoostiisa iyo Bada gudeheeda ee dhulka loo yaqaano Puntland ayaa wuxuu ahaa qodobadii ugu doorka roonaa ee uu Generaal Ilka-jiir si guud u dulmarey, isagoo bandhigay kheyraadka dabiiciga ah iyo soonooleynta bey’ada miyiga ay mar walba is bar-bar socdaan.

 

Musharaxa ayaa wuxuu intaa ku darey in soo-saarista kheyraadka uu jadwalka ugu jiro, isla-markaana uu shuruudo iyo xisaabtan lagali doono soo saarayaasha, umadana uu u bandhigidoono, isla markaana tixglin doono heshiisyadii ka horeeyey.

 

Midnimada:

 

“Midnimada Soomaaliyeed waa muqadas” ayuu sadex jeer ku cel-celiyey musharax Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka jiir) isagoo ka cadeeyey shirkii todobaadkii lasoo dhaafay ee ka dhacay magaalada Minneapolis. Wuxuu musharaxu tilmaamay in umada Soomaaliyeed ay tahay uliyo diirkeed “way is dhaleen, way wada dhasheen, waa isku af, waa isku diin, waa isku dhaqan” ayuu Cabdulaahi yiri.

 

Musharaxa ayaa wuxuu sheegay in hadii midnimada Puntland la helo, in ay wada shaqeyn imanayso, hadii wada shaqeyn la helona, in la helaayo nolol iyo nabad-galyo. Puntland waa dhul weyn, midnimadana waa howsha koowaad aan rabo inaan jideeyo ayuu yiri musharaxu.

 

Waxaa xusid mudan oo ah in wax laga iftiinsho arimaha kale uu ka hadlay Musharaxa sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Dhaqanka, Suugaanta, iyo qodobada agendaha ugu jiro.

 

Gunaanad:

 

Anigoo tixraacaya taariikh nololeedka, aqoonta, xirfada, iyo milgaha hadalka musharax Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (ilka jiir) uu ku soo bandhigay mowqifka qodobaysan ee uu ugu tala galay majara qaadida iyo maandhaaf ka saarida maamulka Puntland.

 

Waa shay daruuri ah in la ogaado dhamaan aqoonta, tayada iyo waaya aragnimada iska marqaati kacaya isla markaasna ka dhex iftiiminaya Generaal Cabdulaahi musharaxiinta kale ee u sharaxan hogaanka maamulka Puntland. Musharax Gen. Cabdulaahi Ilka Jiir waa qorax usoo baxdey umadda Soomaaliyeed guud ahaan, dadyowga Puntland gaar ahaan, gaban iyo gargeyr. Cabdulaahi waa rug-cadaa siyaasi ah, nabadoon, halyay Soomaaliyeed oo u muuqda musharaxa koowaad oo soo celinkara sharciga iyo kala dambeynta.

 

Had iyo goor si joogta kala soco waxqabadka musharaxa:

 

 

Qalinkii

 

Saalax Nuur Saalax (Doonyaale)

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this