Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Walid Abdalla Puntland is the most peaceful stable part of Somalia

Recommended Posts

waftiga_abdalla.jpg

Axmed Walad Cabdalle oo maanta soo gaaray Puntland.

 

Saturday, 12-Sep 2009

 

Garowe,Puntland:Waxa a maanta Caasimadda Dowladda Puntland ee Garowe ka soo degay garoonkeeda Konoko Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalle.Xoghayaha ayaa waxa garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah golaha wasiiradda Dowladda Puntland.

 

Weftigan uu hoggaaminayey Axmed Walad Cabdalle ayaa loo soo gelbiyey Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland oo ku sugnaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud.

Salaan iyo iswaraysi gaar ah oo ayaa waxa wada yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalle.ma ahan markii uhu horraysay ee uu soo gaaro Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The confused old envoy who seems to be more trouble than one can take seems to be getting depressed with the failure of Sharif Hotel and his projects in the south.

 

He visited Somaliland the otehr day and then made a short stop in Puntland.

 

President Faroole welcomed him and then laid the law as to what the state thinks of this man and his biased role.

 

Here are the Pics from beautiful Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta soo gaaro Puntland oo aan la kulmo Madaxwaynaha Puntland C/raxman Maxamed , labadii maalmood ee u danbeysay waxaan ku sugnaa Somaliland oo aanu u tagney inaan dhexdhexaadiyo
laakiin nasiib daro waan ku guulaysan waayay inaan isu keeno”
.

 

Mr.Walad Cabdala waxaa uu sheegay in
Puntland ay tahay Maamulka kaliya ee taageersan dowlada KMG ah ee Soomaaliya,

waxaana uu ka codsaday Madaxda iyo shacabka Puntland inay ka shaqeeyaan sidii ay isugu keeni lahaayeen walaalahooda Soomaaliya.
[/b]
[/i]

 

“Xaalada Soomaaliya maanta waxay maraysaa meel xun, dhibka aan Soomaali ku arkayna waxaa weeye dad wada siyaasi ah oo kursi wada doonaya, marka waxaan Somaali leeyahay doontii naakhuudo badani way degtaa

Arimaha Somaliland ayuu sheegay inay marayaan meel xun isagoo sheegay in markii uu kasoo duulay ay rabshaduhu ka bilawdeen Somaliland.

“Somaliland waxay ka mid ahayd meelaha ugu nabdoon Soomaaliya waxa ka soconayana maanta waa wax keeni kara dhibaato,markaan kasoo duulney waxaa ka dhacay rabshado iyo mudaharaadyo waxaan filayaa inay dhimasho iyo dhaawacba jiraan, waxaanse ugu baaqayaa inay nabada dhawraan, waan isku daynay inaan kala dhexgalno oo aanu heshiisiino,laakiin Somalidu waxay ka siman yihiin in markii laba kooxood la heshiisiiyo waxaa soo baxaya kuwo kale, markaa Arrinta Soomaaliya waa mid fogaatey oo qabiil dilay.

Axmed Walad Cabdala mar uu ka hadlayay arimaha Puntland
ayuu sheegay in Puntland maanta tahay meesha ugu nabada badan Soomaalia,
horey haday Somaliland u ahayd waxa uu Axmed Walad Cabdala sheegay in Maanta Puntland ay tahay oo Somailand ay xabadi ka dhacayso Caasimadoodii.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Puntland waxaan ku amaanayaa nabada ay tiirarka u xoojiyeen waxaana ku siiboorinayaa nabada inay sii adkeeyaan,
waad u jeedaan waxa Koonfurta Soomaaliya ka dhacaya, maantana waad u jeedaan Somaliland markaa waxaad ku dhexjirtaa laba meelood oo dadkaasi inay wadahadal ku dhamaystaan”.midna ay baaba’day midna ay maantay xabadi ka dhacayso, waxaan bishan barakaysan ilaahay uga baryayaa in dhibaatada Somaliland ka taagan uu fahansiiyo

Puntland waxaa uu sheegay inay kala shaqeyn doonaan horumarka ay ku talaabsatay isagoo sheegay in Puntland ay wax weyn qabsatay oo hadana ay diyaar u sii tahay inay kasii shaqeysiiso nabada.

The truth hits home, the men he bet on are all failing and the state that he attacked is now the one that he wants to keep face with. The irony of it all. ;)

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Walad Cabdalla oo Booqasho ku tegey Puntland iyo Faroole oo farriin adag u dhiibay Walad Cabdalla

 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, ayaa Sabtidii (Sept 12, 2009) waxa uu booqasho gaaban ku tegey magaalada Garoowe, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole. Waxayna halkaas ku qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah.

 

Shirkaas jaraa’id madaxweynaha DGPL waxa uu ku cadeeyey in Puntland ay tahay qayb ka mid ah DFKMG. Sida ay werisay Idaacada Codka Maraykanaka “Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in Puntland ay ka mid tahay DFKMG ee somalia isaga oo xaqiijiyay inaanay ahayn dawlad madaxbanaan ee ay tahay Dawlad goboleed, waxaana uu xusay shirkii ay magaalada Gaalkacayo kula yeesheen wafdigii Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid, Faroole ayaa sheegay in ay shirkaasi ku xalliyeen mad madow badan oo ku kala dhex jiray xidhiidhka Dawladda Federalka ah iyo Maamulka Puntland.” Dhegayso (MP3) .

 

VOA waxa uu intaas raaciyey “Ergayga Gaarka ee Xogahaya Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmedou Walad Cabdalla ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweyne Faroole isaga oo tilmaamay in xaqiijinta ay Puntland xaqiijisay in ay ka mid tahay maamulka DFKMG ee Somalia uu horseed u yahay in la dhiiri galiyo isku duubnida loo baahanyahay in lagaga gudbo dhibaatada dagaallada Somalia ragaadiyay.”

 

Waxaa jira warar laga helayo ilo wargal ah oo tibaaxay in madaxweynaha DGPL uu fariin adag u dhiibey Walad Cabdalla. Fariintaas oo ku saabsan: “Haddii aan DFKMG ka laaban heshiiskii (Sept 10, 2009) ay la gashay Jabuuti ee ku saabsanaa xarunta burcad badeeda, in markaas ay Puntland kalsoonida kala laabanayso dawladda uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif.” Waxaa warku intaas ku daray in Walad Cabdalla yiri waxaan fariintaas gaarsiinayaa Sheikh Shariif ee iga warsug.

 

Sida ku qoraalkii hordhaca ahaa ee ka koobnaa 15-ka bog ee ku lifaaqnaa heshiiska isfahamka badda ee DFKMG ay u gudbisay Qarammada Midoobay April 14, 2009, Axmed Walad Cabdalla waxa uu ku lug lahaa diyaarinta dukumiintigaas ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta ee ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ama dhulka badda hore u sii gashan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this