Sign in to follow this  
RedSea

Isimadii Sool oo Gorowe kasoo baxay, iyo ciidankii Pland Tukaraq ku kala dhaqajiyey!

Recommended Posts

RedSea   

isimadii SSC oo kasoo anbabaxay Garowe iyo ciidamadii Puntland oo ku kala dhaqaaqay Tukaraq.

Warkii 03-Apr-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Waxaa maanta kasoo anbabaxay magaalada Garowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland ee Somalia Isimadii SSC ee ku sugnaa Garowe tan iyo intii maamulka Somaliland uu la wareegay magaalada Laascaanood.

 

Isimadan ayaa waxa ay usoo anbabaxeen magaalada Tukaraq ee ku taal wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garowe iyo Laascaanood kana tirsan Gobolka Sool halkaas oo ay doonayaan inay ku qabsadaan shir ay isugu yimaadaan Beelaha SSC kagana tashadaan aayahooda iyagoo kani ka duwanaan doono shirki Boocame3.

 

Shirkan oo ay ku dhawaaqeen Isimadu ayaa waxa ay si wayn uga soo horjeesteen siyaasada maamulka Puntland uu ku dhaqmayso iyagoo ay isimadu iyo waliba shacabkii ku sugnaa Garowe lana siyaasada ahaa Puntland ay ka arkeen Garowe siyaasad ka dhan ah SSC oo ay wadaan Beelaha Gobolada Waqooyi Bari taas oo aysan doonayn inay Puntland dib gacanteeda usoo gasho Gobolka Sool.

 

Siyaasadan oo hadda uun soo shaac baxday kadib markii muddo loo kuur galay taas oo ay Isimadu iyo waliba aqoonyahanadii ku sugnaa Garowe ay xaqiiqsadeen inaan Garowe naf u ool ayna kaligood ta shadaan taas oo markii hore meesha ka maqnayd ayna u arkayeen in Puntland Gobolka dib usoo celinayso iyadoo shirkii Boocame3 uu ahaa mid la jaan qaadayay siyaasad Puntalnd kana hor imaanayay siyaasad Somaliland taas oo ay dad badani ka biyo diideen iyadoo dadku doonayay in labadaba go'aan midaysan laga qaato.

 

Hadaba Isimada SSC ayaa waxa ay wadaan in la isugu yimaado shir balaadhan oo ay Beeshu yeelato kaas oo aan la ogayn halka uu ka dhici dooni iyadoo Boocame uu hor istaagay wasiir Biindhe oo kasoo jeeda deegaankaasi una ololaynayay shirkii hore ee Boocame3 laakiin kan u arka mid Dhulabahnte ku tashayano taas oo siyaasiyiinta SSC ee ku jira Puntland u arkaan inay wax yeelayso.

 

isku soo wada duubo magaalada Tukaraq ee ay isugu yimaadeen Isimada,shacabka,aqoonyahanada iyo waliba siyaasiyiin ayaa waxaa ka dhacday deegaankaasi inay ku kala dareeraan ciidamadii Daraawiishta Puntalnd ee aagaasi fadhiyay iyadoo intii Deegaanada Waqooyi Bari u dhasahay ay isaga baxeen una huleeleen magaalada Garowe kuwii Gobolada SSC na ay isaga soo baxeen Garowe iyagoo hadda ku sugan magaalada Tikaraq.

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this