Abwaan Posted May 1, 2007 Ra'isal wasaaraha dowladda KMG Cali Max'ed Geedi, ayaa shaaciyey in, marka laga reebo deegaano gaar ah oo ay joogaan waxa uu ku sheegay kooxo mucaarad ah, ay dowladdiisa ka taliso dhammaan dhulka Soomaaliya, inkasta oo ay ciidamo Itoobiyaan ah joogaan guud ahaan dalka. Hobyonet. Muqdisho Talaado, May, 01, 2007 Cali Max'ed Geedi, oo wareysi siiyey barnaamijka Network of africa ee BBCda, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka guuleysteen kooxihii dagaalka kula jiray, xaaladda ammaan ee magaalada Muqdishana ay tahay mid aad u wanaagsan. Ra'isal wasaaraha waxa uu sheegay in daganaanshaha ka jirta Muqdisho ay keentay in dadkii ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, in ganacsatada ay si xor ah u maraan guud ahaan magaalada goobtii ay doonaan, iyagoo aan muujineyn wax cabsi ah. Ra'isal wasaaraha dowladda, oo la weydiiyey waxa xiga guusha ay ciidamda dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ka gaareen dagaalkii Muqdisho, ayaa sheegay in si dhab ah loo billaabi doono wax qabadka xukuumadda, in wadahadal lagu dhammeyn doono khilaafaadka weli jira iyo sidii loo dhisi lahaa kalsooni ay shacabka ku aaminaan dowladda. Wareysiga uu bixiyey Geedi, ayaa waxa ku soo beegmay xilli golaha ammaanka Q.M uu ka codsaday xoghayaha guud in uu soo diyaariyo qorshe ciidamo nabad ilaalineed lagu geynayo Soomaaliy, kuna dhiiri-galiyey dowladda Soomaaliya in ay la timaado hoggaank siyaasadeed oo dhab, lana heshiiso qabiilka Hawiyaha ah ee dagan magaalada Muqdisho. Hadalkaan ah in magaalada Muqdisho ay xasiloon tahay, ayaa waxaa isla barnaamijka Network of Africa ka beeniyey mid ka mid ah xubnaha dhaliilo siyaasadda dowladda oo lagu magacaabo Max'ud, kaasoo ku eedeeyey ciidamada Itoobiyaanka in ay dalka qabsadeen, ayna xoog ku dagan yihiin guryaha dadka rayidka ah ee magaalada Muqdisho. Axmed Daahir Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya Maslaha1@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted May 1, 2007 Aduunoow adduun, Dowladdaan uu sheegayaa canshuur ma soo uruurin kartaa isaguse magaalada meeshu rabo ma mari karaa mise waa nin guri ku xiran? Geeddi askartiisii baa isgoysyada qoryaha lagaga furtaa ee iyaga ammaankooda marka hore ha sugo. Itoobiyaankuna mar uu tagaba waa tegi ee ma wuxuu moodey in sidaan la iskaga had-hadlayo? Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted May 1, 2007 Dhag iyo dhaban uun baan is hayaa anigu. Layaab! Quote Share this post Link to post Share on other sites