Sign in to follow this  
Abwaan

Geeddi oo weli riyoonaya kuna faanaya in dalkiisii la haysto isagoo dowladna sheegana

Recommended Posts

Abwaan   

Ra'isal wasaaraha dowladda KMG Cali Max'ed Geedi, ayaa shaaciyey in, marka laga reebo deegaano gaar ah oo ay joogaan waxa uu ku sheegay kooxo mucaarad ah, ay dowladdiisa ka taliso dhammaan dhulka Soomaaliya, inkasta oo ay ciidamo Itoobiyaan ah joogaan guud ahaan dalka.

 

Hobyonet. Muqdisho Talaado, May, 01, 2007

 

Cali Max'ed Geedi, oo wareysi siiyey barnaamijka Network of africa ee BBCda, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka guuleysteen kooxihii dagaalka kula jiray, xaaladda ammaan ee magaalada Muqdishana ay tahay mid aad u wanaagsan.

 

Ra'isal wasaaraha waxa uu sheegay in daganaanshaha ka jirta Muqdisho ay keentay in dadkii ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, in ganacsatada ay si xor ah u maraan guud ahaan magaalada goobtii ay doonaan, iyagoo aan muujineyn wax cabsi ah.

 

Ra'isal wasaaraha dowladda, oo la weydiiyey waxa xiga guusha ay ciidamda dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ka gaareen dagaalkii Muqdisho, ayaa sheegay in si dhab ah loo billaabi doono wax qabadka xukuumadda, in wadahadal lagu dhammeyn doono khilaafaadka weli jira iyo sidii loo dhisi lahaa kalsooni ay shacabka ku aaminaan dowladda.

 

Wareysiga uu bixiyey Geedi, ayaa waxa ku soo beegmay xilli golaha ammaanka Q.M uu ka codsaday xoghayaha guud in uu soo diyaariyo qorshe ciidamo nabad ilaalineed lagu geynayo Soomaaliy, kuna dhiiri-galiyey dowladda Soomaaliya in ay la timaado hoggaank siyaasadeed oo dhab, lana heshiiso qabiilka Hawiyaha ah ee dagan magaalada Muqdisho.

 

Hadalkaan ah in magaalada Muqdisho ay xasiloon tahay, ayaa waxaa isla barnaamijka Network of Africa ka beeniyey mid ka mid ah xubnaha dhaliilo siyaasadda dowladda oo lagu magacaabo Max'ud, kaasoo ku eedeeyey ciidamada Itoobiyaanka in ay dalka qabsadeen, ayna xoog ku dagan yihiin guryaha dadka rayidka ah ee magaalada Muqdisho.

 

Axmed Daahir

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Aduunoow adduun, Dowladdaan uu sheegayaa canshuur ma soo uruurin kartaa isaguse magaalada meeshu rabo ma mari karaa mise waa nin guri ku xiran?

 

Geeddi askartiisii baa isgoysyada qoryaha lagaga furtaa ee iyaga ammaankooda marka hore ha sugo. Itoobiyaankuna mar uu tagaba waa tegi ee ma wuxuu moodey in sidaan la iskaga had-hadlayo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this