General Duke Posted August 5, 2008 DFKMG oo guulo ka shaagtey dagaalka 5 Aug 5, 2008 - 3:33:14 AM Iyadoo dagaal sababay dhimashada 15-qof oo u badan shacab uu ku dhexmaray degmada Huriwaa ciidamada huwanta ah iyo mucaaradka ayuu sheegay taliyaha ciidamada DF Col. Daahir Max'ed Xirsi inay ku qabsadeen dagaalkaas hub fara badan. Col. Xirsi, wuxuu sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid qorsheysan laguna doonayay in looga saaro goobaha ay ku sugnaayeen, balse ay ka itaal roonaadeen xoogagii mucaaradka ee weerarka kusoo qaaday. Dagaalkaas ayaa sababay inay dhintaan dad shacab ah guryahooda ay madaafiici ku dhacday, halka ay dagaalkaan ku dhaawacmeen 30-qof oo la dhigay isbitaalada Muqdisho qaarkood. "Waxaan ku dilnay dagaalkan 4-ka mid ah mucaaradka, waxaana ku qabanay laba kale, inagoo kaga qabsanay hub ay ka mid ahaayeen laba gaari oo ay saaran yihiin qoriga loo yaqaan P10-ka, kasoo ay ku garaaceen goobaha rayidka" ayuu yiri Col. Daahir Max'ed Xirsi oo la hadlay saxaafada. Afhayeenka howlgalada ee Maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxiin oo isaguna la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dagaalkaas aan wax khasaare ah loogu geysan, balse ay iyagu khasaare gaarsiiyeen ciidamadii ay la dagaalameen, isagoo gaashaanka ku dhuftay sheegashada sarkaalka u hadlay DF. Sheekh C/raxiin Ciise, wuxuu sheegay in dagaalkaas ay iyagu ku gacansareeyeen, maxaabiisna ay kaga qabsadeen DF, dhankooda ay ka dhinteen laba qof, halka ay kaga dhaawacmeen sadex kale, DF-na waxay sheegatay dhaawaca hal askari. Afhayeenka Maxkamadaha wuxuu diiday inuu ka jawaabo hubka la sheegay in laga qabsaday, wuxuuna sarkaalka u hadlay DF ugu baaqay saxaafada inay yimaadaan goobihii lagu dagaalamay si ay u tusaan hubka ay ka qabsadeen mucaaradka. Dagaalkan ayaa ahaa mid aad u qaraar, waxaana dadkii ku noolaa xaafadihii lagu dagaalamay ay saakay bilaabeen inay isaga barokacaan, si ay uga nabadgalaan dagaalo kale oo dhaca. Garowe Online, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 5, 2008 Afhayeenka xooga dalka oo ka war bixiyay khasaarihii dagaalkii shalay ay ku gaarsiiyeen maliishiyada nabad diidka. Daahir Maxamed Xersi oo ah afhayeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay khasaaraha dagaalkii shalay gellnkii dambe ka dhacay qeybo ka mida degmooyinka huruwaa iyo Yaaqshiid ay ku gaarsiiyeen maliishiyada maxkamadaha beelaha. Waxaa sidoo kale uu afhayeenku ka war bixiyay hadii uu jiro khasaare ciidanka xooga dalka kasoo gaaray dagaalkaas. “Anaga dhankeena halaskari ayuu soo gaaray dhaawac fudud,walina aaga ayuuba ku jiraa”ayuu yidhi afhayeenka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxamed xersi oo intaa ku daray in rag badan ay ka dileen maliishiyada nabad diidka,hubna ay kala hareen. Afhayeenka ciidanka xooga dalku waxaa uu sheegay in weerarku uu ka yimid dhanka maliishiyada maxkamadaha beelaha oo ciidankuna ay dib u caabiyeen gaarsiiyeena khasaare aad u xoog badan. “Deegaanadii lagu dagaalamay iyo deegaano kaleba hada waxaa fadhiya ciidamada xooga dalka ,ragii argagixisada ahaana meesha waanu ka saarnay”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay afhayeenka xooga dalku. Quote Share this post Link to post Share on other sites