Sign in to follow this  
Dhuujiye

Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaarihiisa oo isku khilaafay Heshiiskii ay wadagaaree

Recommended Posts

Dhuujiye   

Warar aanu ka helayno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul wasaarihiisa Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, kaasoo ka dhashay heshiiskii ay dowladda iyo Puntland ku gaareen bishii hore Magaalada Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha waxaa la safan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada sida Shariif Xasan Sheekh

Aadan wasiirka Maaliyada ahna R/wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan xaaji aadan Ibbi oo isna ah R/wasaare ku xigeen, waxayna doonayaan sida wararku sheegayaan in xilka laga qaado Ra'iisul wasaaraha hada oo ka soo jeeda Puntland.

Khilaafkan ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu dibadda u soo baxo, waxaana xiisada kasii daray markii Madaxweyne Sheekh Shariif uu heshiis la dagaalanka burcadbadeedda ah la soo galay dowladda Jabuuti, kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii ay wada gaareen Puntland iyo Dowladda Somalia.

 

Dowladda Somalia iyo Puntland ayaa heshiis ka kooban 15-qodob ku gaaray Magaalada Gaalakcyo bishii hore, kaasoo ay saxiixeen Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Ra'iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, inkastoo heshiiskan uu soo maray heerar kala duwan oo wadahadallada mararka qaarkood ay qarka u fuuleen inay burburaan.

 

Wararka ku saaban khilaafka ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid uu ku adkeysanayo in heshiiskaas la fuliyo, iyadoo Madaxweynaha iyo xubnaha la safan ay ka biyo diidsan yihiin qaar ka mid ah qodobbada heshiiska oo ay u arkaan inay u daneynayaan Maamul goboleedka Puntland oo weli ka tirsan Somalia.

 

Madaxdii hore ee dowladda Somalia ayaa waxay isku qaban jireen heshiisyadan noocan ee la galayo, iyadoo mas'uuladu ay u arki jireen inuusan deegaankiisu wax dan ah ku qabin heshiisyada maxalliga ah iyo kuwa calaamiga ah ee uu gaaro mas'uul ka tirsan dowladda, sida dowladdii TFG-da oo yeelatay laba Ra'iisul wasaare ugu dambeynna daaqadda ka baxday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this