Sign in to follow this  
Nur

Geeljire, Geeljirto, walaalo Naftaada u roonoow!

Recommended Posts

Nur   

Walaalo Geeljire iyo Geeljirto,

 

Waxaa laga soo wariyey Suubanihi SCWS, inuu yidhi : " Dadyohow, Allah dambi dhaaf weydiista, una towbo keena, maxaa yeelay aniga waxaan istigfaarsadaa maalinkii walba boqol jeer "

 

Sidaan horey uga soo hadlay, mar walboo qof dambi ka dhaco wuxuu qofkaas isu bandhigay ciqaab Allah oo ifka ku intuu joogo ku dhacda, waxaana ciqaabta Allah looga baxsadaa in la dhowrsanaado,( Taqwo) oon marka horeba dambi lagu dhicin, Laakin waxaan wada ogsoonnahay in bani Adamku uusan marna hureyn inuu dambi ka dhaco, sidaa darteed si looga baxsado ciqaabta Allah markii aan dambi galno waxaa loo baahan yahay in Allah laga baryo dambi dhaaf, ama Istighfaar.

 

Marwalboo dambi naga dhaco, malaaigtu wey qortaa, waxaana loo bandhigaa Allah acmaasheenna xun iyo kuweena fiican maalin walba. Allah naxariistiisa wuxuu noogu soo dedejiyaa ciqaabta dambigeenna adduunka intaan ku noolnahay si aan u galno jannada annagoo nala meydhay, oo daahir noqonnay, maxaa yeelay waxaa laga soo wariyey suubbanihii inuu yidhi Jannadu waa wanaagsan tahay, mana galo qofaan wanaagsaneyn, sidaa darteed, waa in la is meydhaa, taasoo nalagu meydho ciqaabta iyo dhibaatada nagu dhacda intaan adduunka ku noolnahay.

 

 

Allah SWT wuxuu leeyahay," Wax walboo musiiba ah oo idin soo gaadha, waa waxey galabsadeen gacmihhiina, (sidaas ooy tahayna Allah), wax badan buu cafiyaa "

 

Meeshaas waxaa ka cad in dambi walbaa uu keensado ciqaab adduun. Hadaba, sidee baan uga baxsannaa ciqaabta aan ku muteysanney dambigeenna?

 

Waxaa looga baxsadaa ciqaabtaas in la badiyo istighfaarka, maxaa yeelay istigfaarku wuxuu meydhaa dambiga, sidaa darteed qofkii badsada istigfaarka waa laga dhaafaa ciqaabta uu ku muteystay dambigiisa, Allah wuxuu leeyahay:

 

" Allahna ma aheyn mid (dadka ) cadaaba, ayagoo istgfaarsanaya " . Aayaddaas waxey timaameysaa in qof afka istigfaar ku haya aayan ku dhaceyn musiibo adduun oo ah cadaab dambi, marka istigfaarku waa sida Insurance policy.

 

Waxaana laga wariyey Rasuulka SAWs inuu yidhi, " Qofkii hadwalba istigfaarsada, Allah ayaa wixii hammi ku haya faraj uga fura, markuu cidhiidhi galana, Allah ayaa u fura meel uu ka baxo, Allahna wuxuu qofkaas ka arzaaqa meel uusan ka filaneyn "

 

Waxaa kaloo jirta in dambigeenna uu naga horjoogo inaan helno kheyraadka iyo nicmooyinka aan jecelnahay, sida ubadka, maalka , daaqa xoolaha, iyo wax walboo naga farxiya, sidaa darteed, kadeedku waa ciqaab ah in lagaa horjoogsado in laguu soo daayo nicmooyinka aad jeceshahay ood raadineyso. Allah wuxuu leeyahay:

 

" Rabbigiinna dambi dhaaf weydiista, wuxuu ahaa mid dambi cafis badanee, wuxuu idiinka soo daadin cirka roob badan, wuxuuna idin siin maal iyo ubad, wuxuuna idiin yeeli beero wuxuuna idiin yeeli wabiyaal "

 

Meeshaas waxaa ka muuqata in dambigeenna uu naga horaatgan yahay nicmooyinka cirka iyo dhulka, taasna lagu gaadhi karo in la badiyo istigfaarka.

 

Marka halkaas waxaannu ku soo koobnay in dhibaatada looga hortago, laguna celiyo istigfaar. Sidaaso kalena nicmadaha lagu soo daayo laguna muteysto istigfaar ( In Allah la weydiisto inuu na cafiyo).

 

Sidaa darteed istgfaarku wuxuu ku dhaxalsiiyaa farxad iyo laab furan, Allah wuxuu leeyahay:

 

" Rabbigiinna weydiista danbi dhaaf, una towbo keena, wuxuu idiin raaxeyn, raaxo wanaagsan" ( Huud 3 )

 

Istigfaarku wuxuu kordhiya xoogga, iyo caafimaadka, wuxuuna kaa horistaaga cudurrada: Allaha SWT wuxuu leeyahay:

 

" Rabbigiinna weydiista dambi dhaaf, una towbo keena, cirka ayuu roob badan idiinka soo daadin, wuxuuna idiinku kordhin xooggiinna xoog kale" ( Huud, 52 )

 

 

Alloow, haddey dunuubteyda badatay, waxaan ogaaday in cafiskaagu uu ka weyn yahay dambigeyga,

 

Allow, hadduu qofka wanaagsan oo qudha uu kheyr kaa fisho, Qofka dambiilaha ah, yuu baryaaa oo cafiya oon adiga aheyn?

 

Allow, ma lihi tab aan kugu soo gaadho, oon aheyn, inaan qirto inaan raalli ka ahay xukunkaaga,iyo inuu xukunkaaguna uu yahay mid igu fulaya, cadaaladdaadana iney tahay mid ku dhammaata garbixintaada toosan, iyo inaan ahay addoon raadinaya cafiskaaga hadwalba, anigoo ah naf Muslim.

 

 

Nur

 

 

2003- i-Nuri Softwaano Series

Somali Editions @ Somaliaonline

--------------------------------------------------------------------------------------------------

Kuwa iga da' yar waa iga dambi yaryihiin ,

Kuwa iga da weyn waa iga ajar badan yihiin

 

[ August 08, 2007, 01:22 PM: Message edited by: Nur ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaalayaga Geel Jirayaasha aha

 

Waa Xasuusin kale in nafteenna aan u roonaanno, waxaan is fareynaa Bishan Ramadaan ee barakeysan in la badsho istiqfaarka, in Allah la adeeco, in dadkana intaas loogu yeero.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo danbi walba oon galay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , Farad walba oon ka tagay

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , Qof walboon dulmiyay

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , Qof walboo oo wanaagsanoon jaray.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, daalim walboo aan la saaxibay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , qof walboo i waaniyay oon hagraday.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , been walboon sheegay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , xaq walbon lunshay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , baadil walboon raacay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , waqti walboon ka faaideysan.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, sir walboon faafiyey.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, ballan walboon ka baxay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , qof isku kay halleynayay oon ka haabsaamay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , qof walboon xantay, am xantiisa oon dhageystay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , indhaheyga wax walboo xaaran ah oy daawadeen.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, xumaan walboon falay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , malo xun oon qof fiican ka rumesyatay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , waano walboon diiday inaan ku waano qaato.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, deyn ama xaq la igu leeyahay oon bixinin.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, cilmi ama Quraan aan illoobay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, wax walboon Alah ka ballan qaaday, haddana aan fulin waayey.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, cibaado ama camal walboon wajiga Allah ku raadinayay, hadana dan kale ay iiga soo gashay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, dambi walba oon ku galay maalinka cad, ama mugdiga habeenka, anigoo kaligey aha ama ayadoo dad aan la joogo, sir ama waxaan u bareeray.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , nicmad walba oo Allah iigu nicmeeyay oon u kaalmeystay inaan Allah ku caasiyo.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , maal walboon xaaraan ku soo helay.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , cilma walboo la i weydiistay on qariyey.

 

Allah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo , cilmi walboon ku camal falin.

 

Alah ayaan ka baryaa inuu iga cafiyo, bidco walboon raacay anoo og ama moog.

 

 

Allaha ka abaal mariyo qofkii fidiya istighfaarkan.

 

 

Qore: Lama Yaqaan

 

2007 eNuri Softwaano Somali Service.

-------------------------------------------------

Kuwa iga da weyn waa iga ajar badan yihiin, kuwa igay da yarna waa iga dambi yaryihiin.

 

[ August 09, 2007, 10:03 AM: Message edited by: Nur ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Jazaka'laah kheyral Jaza.

 

Alah ayaan ka baryaaa inuu iga cafiyo, cibaado ama camal walboon wajiga Allah ku raadinayay, hadana dan kale ay iiga soo gashay.

Nuroow bal fasir meeshaan waxaad ula jeedid hadana dan kale ay iiga soo gashay.?

 

Cibaado & camal lagu raadinayo raali galin Rabbi hadana nimco aduun [oo aan shar ku shuqul laheyn] laguugu sii daro waxaan u maleynayaa tan hore inaysan burineyn tan dambe??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Walaal Jimcaale

 

Camal walba si nalooga aqbalo wuxuu u baahan yahau labo shardi:

 

1. Inuu Allah dartii Khaalis u yahay

2. In lagu sameeyo hab waafaqsan Sunnada Rasuulka SAWS , ama aan ka hor imaaneyn.

 

Qodobka hore, wuxuu leeyahay dhowr xaaladood.

 

1. Camal markii ughu horreysay Allah wajigiisa oo khaalis ah aan u sameynay, haddana nafta ay jecleysatay in dadku ogaadaan mar dambe.

 

2. Camal markii ughu horreysay Allah wajigiisa oo khaalis ah aan u sameynay, laakin marna ay nafta jecleysan in qof bani adam ah uu ogaado.

 

 

Ducada wexey ka saabsan tahay xaaladda hore oy naftu jecleysato in dadku ogaadaan camalka fiican si xharaf ay uga hesho dadka, taasoo burburineysa niyadii hore oo khaaliska aheyd.

 

Haseyeeshee, shaki kuma jiro in Cibaadada Allah laga helo nicmado badan ooy ugu horreysa laabta oo kuu dagganaata, iyo farxad. Sidaa darteed haddaan Allah ku caabudno niyad khaalis ah, haddana aan ka filano inuu noogu nicmeeyo camalkaas fiican , is ma diiddana.

 

Wallahu aclam.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this