Liibaan Posted October 2, 2007 Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo magaalada Laascaanood kula shirey Waxgaradka gobalka Sool booqdeyna Jiidaha dagaalka. Oct 02, 2007 By:Faarax C/qaadir Geylan (Jidbaale.com)- Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland Xasan Daahir Maxamuud iyo Wafuud uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Laascaanood. Wafuudan oo ubadan taliyaasha ciidamada iyo golaha wasiirada waxaana ka mid ahaa wasiirada Wasiirka Caafimaadka Dhagaweyne ,Wasiirku xigeenka Maaliyada Yaasiin Tamaad iyo taliyaasha ciidamada Qalabka Sida ee Puntland. Madaxweyne kuxigeenka oo magaalada tagey xili habeen ah ayaa bilaabey la shirida dhamaan qeybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood gaar ahaan waxgaradka gobalka Sool isagoo la kulmey Garaad Jaamac iyo Garaad Saleemaan kalana hadley dajinta xaalada gobalka Sool. Garaad Jaamac iyo Garaad Saleemaan ayaa usheegay Madaxda Puntland in ay sameynayaan waan-waan ku aadan in magaalada Koonfurteeda laga saaro maleeshiyo beeleedka loona baahan yahay in aan magaalada wax dagaal ah laga ridin. Xukuumada Puntland ayaa balan ku qaadey in aysan magaalada joogi karin Maleeshiyaadka udurbaan tumaya kooxaha iskaashanaya ee Somaliland iyo Koox-da Al-Shabaab isla markaana looga baahan yahay Isimada gobalka Sool in ay kooxahaasi Magaalada ka saaraan. Waxgaradka gobalka Sool ayaa usheegay Xasan Daahir Afqudhac in ay dagaalkii shaley dhinaca Puntland ay la dagaalameen koox-da Al-Shabaab iyo Somaliland oo iskaashanaya ayagoo markaasina ka fashilmey qorshihii ay doonayeen. Wafdigan waxa ay kaloo booqdeen Jiida dagaalka ayagoo halkaasi kula kulmey Saraakiisha howlgalinta ciidamada dowlada Puntland ee jooga goobahaasi ayagoo kala hadlay sidii difaaca ay tahay Puntland loo xoojin lahaa ayadoo Madaxweyne kuxigeenku usheegay ciidamada in looga baahan yahay difaacida dalka iyo dadka Puntland. Madaxweyne kuxigeenka ahna ku simaha xilka Madaxweynaha ayaa magaalada si caadi ah ku dhexmareyey ayadoo guud ahaan gacan ku heynta magaalada ay Puntland si rasmi saaka ula wareegtay ,ayadoo wasiiro ka tirsan Puntland oo dhinaca Milateri ku caanbaxey ay tageen Jiida hore oo dagaalka oo ay wali joogeen. Shirarkaasi ka dib ayaa Madaxweyne kuxigeenka oo ay galbinayaan gaadiidka dagaalka wuxu tagey meelihii uu shalay dagaalku ka bilowday isagoo ka dibna Caasumada Puntland ee Garoowe dib ugu soo laabtay. Faarax C/qaadir Geylan Xigasho: AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites