Sign in to follow this  
General Duke

Galgala is in the hands of Puntland State

Recommended Posts

War Deg Deg ah:Ciidanka Puntland oo lawareegay Deegaanka Galgala.

9. august 2010  

 

Galgala:(Allpuntland)-Wararkii udanbeeyey ee laga helayo Deegaanada ku dhowdhow magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kusoo waramaya in Ciidamada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ay goordhaweyd si rasmi ah ula wareegeen Deegaanka Galgala oo mudo dheer Puntland ay ku tuhunsanayd hooyada Dhibaatooyinka Puntland ka dhacaya.

 

Sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Daraawiishta ee dawlada Puntland ayaa goordhaweyd APL si rasmi ah ugu sheegey in Ciidamada Puntland ay mardhaweyd la wareegeen Deegaanka Galgala iyagoonan wax iska caabin ah kala kulmin Malayshiyaadkii Alshabaab ee halkaas ku dhuumaalaysanayey.

 

Khadka Isgaarsiinta ee deegaanadii shalay ay dagaaladu ka dheceen ayaa imika jaran,waxaana halkaas laga gooyey guud ahaan Isgaarsiintii Caadiga ahayd,Iyadoo APL ay isku dayday inay la xiriirto Kooxdii Dawlada Puntland la dagaalamaysay hadana ma suurtoobin isgaarsiinta oo saamixi weyday owgeed.

 

Wararkii udanbeeyey ee deegaanka laga helayo ayaa kusoo waramaya in saaka markale Madaxweyne dawlada Puntland & Tiro Wasiiro ah oo uu kamid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland ay saaka halkaas gaareen islamarkaasna ay Hogaaminta ciidamada deegaankaas u tageen si ay uga nadiifiyaan Kooxihii la dagaalamayey.

 

Wixii War ah oo kasoo kordha Deegaanadan lagu dagaalamay Kalasoco APL.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka laga helayo Deegaanka Galgala ee ku yaala Buuraha Gobolka Bari ayaa waxaa maanta Tagey CIidamada Puntland ee Maalintii shalay dagaalka Xoogan la galay Kooxdii uu watay Sheekh Maxamed Siciid Atam

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka mid ah Masuuliyiinta Puntland ee tagtay Galgala ayaa SBC wareysi uu siiyay waxaa ku sheegay in ay Tuulada Galgala kula waregeen si nabad gelyo ah islamarkaasina aysan jirin wax dhiig ah oo halkaasi saaka ku daatay.

 

Ge. C/samad Cali Shire waxaa uu sheegay In dadka degan Tuulada Galgala ay CIidamada soo dhaweyeen islamrkaasina Dowladu ay biloowday inay raahsin & BIyo u daabusho deegaankaasi bacdamaa Todobaadyadii xiisaduhu taagnaayene laga xanibay Guud ahaanba agabkaasi Tuulada Galgala.

 

Tuulada Galgala waxaa Todobaadyadii la soo dhaafay deegaano ku dhow isku horfadhiyay Ciidamada Puntland & Koox Hubeysan oo taabacsan Wadaad la yiraahdo Sheekh Maxamed Siciid Atam waxaana Iminka la sheegay in kooxda Atam u watay ay degaankasi ka baxeen  islamarkaasina ciidamada ay ku raad joogaan sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo haatan Joga Galgala

 

Saraakiisha Dowlada Puntland ee Tagtay Galgala ayaa sheegay in Dowladu ay qorshe u sameyn doonto Deegaankaasi islamarkaasina la horumarin doono waxaana ay si aad ah ugu nuuxnuuxsadeen Baaqa ay u dirayaan Shacabka Reer Puntland oo ku aadan in Deegaanka & Dadkisa aan dhib loo horsiidin

 

Tuulada Galgala oo ah dhul beeraley ah oo intabadan laga keeno Qudaarta Ayaa waxaa dadka deegaankaasi waxay sheegeen inay aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray Dhulbeereekooda waxaana ay xuseen in aysan waxyeelo ka soo gaarin Dagaaladi ugu danbeeyay

 

Mid ka mid ah Dadka Degan Galgala oo La yiraahdo Axmed Saalax Caynab ayaa SBC International u sheegay in ay Deegaanka ku dhibanaayeen bacdamaa ay waayeen Guud ahaanba Agabkii uga iman jiray Magaalooyinka gaar ahaan raashin balse iminka ay dareemayaan in CUleyskaasi uu ka fududaaday Tuulada BAcdama Kooxdii hubeysneyd ee atam ay meesha ka tageen

 

Xaalada Haatan ee Galgala ayaa ah mid Degan iyadoo guud ahaanba Ay amaankeeda la wareegeen Ciidana Puntland & Saraakiishoda waxaana Socda Sidii dadka Deegaanka oo qaarkood Halkaasi xalay ka barakacay Dib loogu soo celin lahaa Magaalada

 

SBC International Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nothing to cheer about ina Yeey.

 

You got some CIA money to kill some poor people in the mountains. Those people never heard or sean anything of a Puntland Maamul, but they knew they had a beef with a SSDF clan, so they took arms under the leadership of Sheeck Atam which we dont know if he is member of Al-Shabaab.

 

And you got a mashruuc from the CIA under te pretence of fighting Al Shabaab, while this was nothing more of people being mislead for other purposes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka dawlada Puntland oo qabsaday Galgala iyo deegaanka ku xeeran; wafti ka socda Puntland oo kormeeraya goobaha dagaalku ka dhacay.

Bossaso, Aug 09 - Dagaal socday muddo 24 saac ah ayaa ciidanka Puntland ay ku qabsadeen buuraleyda Galgala. Xiriir aan la samaynay saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland ee furinta dagaalka, madaxtooyada Puntland ee Bossaso iyo qaar dadka ku nool deegaanka ayaa xaqiijiyey. Dagaalka ayaa [...]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^No one is cheering lad, but the situation has been handled in a good way. You seem bitter as usual this morning.

Still, cant help to think you are smiling big time today. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this