Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf meets with US, AU and Ethiopian officials.

Recommended Posts

Madaxweyne Yuusuf Addis abab kulamo kula leh Madaxda Midowga Africa.

 

 

Addis abab, Xafladii loo dhigayay Sanad guuradii 2aad ee kasoo wareegatay Caleema saarkii Madaxweynaha Dowladda FS C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay la baajiyay kadib markii Madaxweynaha uu lasoo gudboonaaday safar deg deg ah oo ugu kicitimay dalka Ethiopia.

 

Sida lagasoo xigtay Xafiiska Madaxwtooyada waxa socdaalka Madaxweynaha uu ka danbeeyay casuumaad uu ka helay qaar kamid ah Masuuliyiinta Midowga Africa iyo Xukuumadda R/wasaare Melez Zenawi,si loogala hadlo xaaladaha kusoo kordhay Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in magaalada Adis Ababa uu kula kumo Guddoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabad galyada Midowga Africa Saciid Djinat,isagoo kala hadli doona sidoo dowladda FS ay ku heli laheyd ciidamo shisheeye oo soo gala dalka Soomaaliya.

 

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu ula jeedkiisu yahay sidii ciidamo ka socda IGAD ay kusoo gali lahayeen dalka Soomaaliya,si gacan loo siiyo dowladiisa oo amnigeedu aad u liito.

 

Dowladda Ethiopia ayaa la sheegaya in kulanka dhex maraya Djinat iyo Madaxweyne Yuusuf ay soo abaabushay,waxaana suura gal ah in dowladda FS ay saanad Milatari oo hordhac u ah ciidamo ka socda IGAD ay ka hesho Midowga Africa.

 

Socdaalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli saan saan colaadeed dalka ay kasoo cusboonaatay,kadib markii Ciidamo dowladdu ay taageereyso ay kusoo wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo xoog ay ku qabsadeen malayshiyaadka Maxkamadaha.

 

Sidoo kale Ciidamo taabsan maamulkii hore ee Hiiraan oo gacan ka helay Ciidamo Ethiopian ah ayaa kusoo wajahan gobolkaasi,sida ay sheegeen masuuliyiinta Maxkamadda Beledwayn.

 

Arrimahaasi oo idil ayaa niyad jab ku ah yididiiladii Nabadeed ee shacbiga Somaliyeed ay ka sugayeen Maxkamadaha iyo dowladda FS,iyadoo dalka uu ka daalay dagaalo sokeeye oo daba dheeraaday.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,Addis ababa, Ethiopia

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNE C/LAAHI YUUSUF OO LA KULMAYA DANJIRAHA CUSUB EE MARAYKANKA U FADHIYA ITOOBIYA

 

Abdikarim Ibr. Aadan E-mail: ampacalin@hotmail.com

 

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayay wararku sheegayaan in saacadaha soo socda marka uu soo gaba gaboobo kulanka Golaha Amaanka Qaarada Afrika ee xaruntooda Addis uga socda uu la kulmi doono

Danjiraha cusub oo ay dowladda Maraykanka u soo magacawday dalka itoobiya ayna hoos imaanayaan safiirada dalalka Geeska Afrika oo dhan, laguna magacaabo Ambasador Yamamoto.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in uu danjirahan cusub ay horey ugu kulmeen magaalada New york markaasoo uu ahaa Mr. Yamamoto kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan Qaarada Afrika, waxaana la filayaa in ay ka wadahadlaan arrimaha dalka Soomaaliya iyo xoogaga Maxaakiimta islaamiga ee ay isku hayaan siyaasad ahaan dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arrimahaasi oo idil ayaa niyad jab ku ah yididiiladii Nabadeed ee shacbiga Somaliyeed ay ka sugayeen Maxkamadaha iyo dowladda FS,iyadoo dalka uu ka daalay dagaalo sokeeye oo daba dheeraaday.

This is a big lie, Somalis are not tired dagaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

laguna magacaabo Ambasador Yamamoto.

Well that is interesting. The new ambassador to Ethiopia is the former under-secretary of State for African Affairs..? I don't know whether to say he has been demoted or the events in the Horn have become dramatically important to Washington.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: C/raxmaan Diinaari oo sheegay in booqashada madaxwaynaha ay la xiriirto arrimo ku aadan sidii uu madaxda IGAD ugala hadli lahaa xaaladda dalka.

Axad, October 15, 2006

 

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Baydhabo (AllPuntland)- Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Nuur Diinaari ayaa waxa uu shaaca ka qaday in booqashada madaxwaynaha dawladda Soomaaliya uu ku tagay dalka Itoobiya ay la xiriirto sidii uu madaxda wadamda IGAD ugala Soo hadli lahaa arrimo ku aadan xaaladda haatan dalku uu marayo.

 

Mr. Diinaari ayaa waxa uu sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya uu casumaad ka helay ra`iisul wasaraha dalka Itoobiya Atto` Malez sanawi.

 

Afhayeenka xukuumadda ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda wadanka Ittoobiya ay saaxiib la tahay wadanka Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in xukuumadda Addis ababa ay difaacayso dalka iyo dawladda Soomaaliya.

 

Diinaari ayaa waxa uu cadeeyay in ay dalka Soomaaliya joogaan ciidamo ka socda wadanka Itoobiya oo gacan siiya xukuumadda Soomaaliya, isaga oo intaasi raaciyay in ay jiraan ciidamo ajnabi ah oo ka garab dagaalama maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu intaasi raaciyay in golaha xukuumadda Soomaaliya ay maalinnimada birrito ah ay kulan ku qaadan doonaan kaasoo ay uga wada hadlayaan arrimo ku aadan sidii loo dhamaystiri lahaa wasaradaha dawladda Soomaaliya.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this