Jacaylbaro Posted September 3, 2009 Madaxwaynaha Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka soo degay Maanta Garoonka Magaalda Muqdsiho, waxana loo soo dhaweeyay si aad ah, Madaxwaynaha ayaa intii uu soo degayay Gabi ahaanba waxa la xidhay wadooyinka Hal Bawlaha u ah Gudaha Muqdsiho kuwaasi oo ay dhoobnaayeen Ciidamada Midawga Afrika oo Kaashanaya kuwa Somaliya. Sheekha ayaa loo Galbiyay Gudaha Villa Somaliya waxana la Filayaa inuu dhawaan Saxaafada war Kooban siiyo, Sheekh Shariif ayaa ka soo duulay Dubai Emarta Carabta waxan uu ku soo Hakaday Nairobi sida ay sheegeen Masuuliyiinta Xafiiska Madaxwaynahu. Sheekh Shariif ayaa Safarkiisi uu kaga duulay Somaliya ku Gaadhay Wadanka Qadar ee Caasimadiisa Dawha isaga oo Kulan dheer la qaatay Amiirka Dalkaasi ayna isla meel dhigeen in Loo kala dab qaado, isaga oo wadaadka ay aad iska soo Hor jeedaan ee Sheekh Aways. Dhanka kale Sheekha ayaa Fadhi la Yeeshay Masuuliyiinta Imaarta Carabta ee Dubai waxana la sheegayaan inay isla soo qaadeen xoojinta Xidhiidhka Ganacsi ee Labada Dal iyo waliba Taageerada Dadaalka Nabadeed ee Somaliya. Hadab Sheekh Shariif ayaa intii uu Joogay Magaalada Dubai waxa uu waraysi dheer oo dhancayo badan Taabanaya Siiyay TV-ga layska Arko ee Al-Axlaam isaka oo qiray in Dawlada Qadar ay wado dadaalo lagu dhex dhexaadinayo isaga iyo Sheekh Xasan Daahir, Sheekh Shariif ayaa ka dhawaajiyay in Sheekh Xasan Daahir haataan Wada hadal Bilaw ahi u socdo isla markaana dhawaan Guul laga Gaadhayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 3, 2009 waraysi dheer oo dhancayo badan Taabanaya Siiyay TV-ga layska Arko ee Al-Axlaam Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 3, 2009 Sheekh Shariif ayaa ka dhawaajiyay in Sheekh Xasan Daahir haataan Wada hadal Bilaw ahi u socdo isla markaana dhawaan Guul laga Gaadhayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted September 3, 2009 When did Sharif become Prez and when did Aweys start the fighting and what happened in between? Our AS supporters waxba lama socdaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted September 3, 2009 It's good for men to talk whatever the history. There's no harm in it. Aan wada hadalno waa aan heshiino. Quote Share this post Link to post Share on other sites