SOO MAAL Posted June 2, 2005 Shariif Xasan Aadanâ€Haddii aan la qaadin Isbaarooyinka Caasimad ma ahaan doonta Muqdisho, sababtana waxay tahay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaalida Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay maanta in caasimad ahaanshaha magaalada Muqdisho aaney wax macno ah sameyneyn inta magaalada ay daadsan yihiin isbaarooyinka ay leeyihiin Wasiirada hubeysan. D hawaaqan ayuu Gudoomiyaha Baarlamanka ka sheegay kulan uu la yeeshay golaha bulshada rayidka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in marnaba casimad ahaanshaha Muqdisho wax dan ah ku jirin isbaarooyinka yaala gudaha gobolka Banadir iyo wadooyinka soo gala, isagoo sheegay in isbaarooyinka ay yihiin kuwa hortaagan in nabad galyo ay ka dhalato magaalada Muqdisho iyo gobolka dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Baarlamanka waxa uu sheegay xilka ay ka hayaan dowlada aan wax micno ah sameyneyn hadii aysan jirin dal iyo xafisyo ay ku shaqeeyaan, waxaana markasta muhiim ah in isbaarooyinka laga qaado magaalada. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulan dheer la qaatay golaha bulshada rayidka ah kaasoo ka dhacay Hotel Saxafi ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dowladaha dariska ah nabadgalyo lagula noolaado, iyaguna dalka Soomaaliya ay nabadgaliyaan. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites