Sign in to follow this  
SOO MAAL

Shariif Xasan Aadan�Haddii aan la qaadin Isbaarooyinka Caasimad ma ahaan doonta Muq

Recommended Posts

SOO MAAL   

Shariif Xasan Aadanâ€Haddii aan la qaadin Isbaarooyinka Caasimad ma ahaan doonta Muqdisho, sababtana waxay tahay

 

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaalida Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay maanta in caasimad ahaanshaha magaalada Muqdisho aaney wax macno ah sameyneyn inta magaalada ay daadsan yihiin isbaarooyinka ay leeyihiin Wasiirada hubeysan.

 

D hawaaqan ayuu Gudoomiyaha Baarlamanka ka sheegay kulan uu la yeeshay golaha bulshada rayidka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in marnaba casimad ahaanshaha Muqdisho wax dan ah ku jirin isbaarooyinka yaala gudaha gobolka Banadir iyo wadooyinka soo gala, isagoo sheegay in isbaarooyinka ay yihiin kuwa hortaagan in nabad galyo ay ka dhalato magaalada Muqdisho iyo gobolka dalka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Baarlamanka waxa uu sheegay xilka ay ka hayaan dowlada aan wax micno ah sameyneyn hadii aysan jirin dal iyo xafisyo ay ku shaqeeyaan, waxaana markasta muhiim ah in isbaarooyinka laga qaado magaalada.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulan dheer la qaatay golaha bulshada rayidka ah kaasoo ka dhacay Hotel Saxafi ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dowladaha dariska ah nabadgalyo lagula noolaado, iyaguna dalka Soomaaliya ay nabadgaliyaan.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this