Sign in to follow this  
Jacaylbaro

18TH OF MAY THREAD

Recommended Posts

Calanyohow babbanayaa

Maanta inad caruus tahay

Caalamkii ogaayoo

Cidhifyada adduunkaa

Lagaa wada casuumoo

Dhallintii cayaarbay

Dhammaantood cugteenoo

Waa laguu caweyee

Noolow Cadceedow

 

Tawxiidka culus ee

Cidhifkaaga lagu qoray

Waa calaamaddadoo

Kolla ciiri mayside

Noloow Cadceedow

 

Ciil tire inaad tahay

Horaa loo caddeeyoo

Cagaarkaagu waa doog

Iyo cayn barwaaqo ah

 

Caddaankaagu waa nabad

Iyo caano buuxsamay

Farxad lagu caweysimay

 

Xiddigtaa cuddoon ee

Sida culay madowga ah

Dhexda kaaga cuurani

Waxay noo caddaysaa

Cawo weeyi gaaree

Noolow Cadceedow

 

Cassaankaagu waa dhiig

Maalintii cadaawuhu

Kugu soo cabaadeen

Kuwii ciidameeyee

kaa celin ogaabaa

Cidhifkaaga joogee

Ha cabsoonin waligaa

 

Calanyohow babbanayaa

Adigay cajabiyoo,

Naftu kuu cidlootee

Noolow cadceedow

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^^^That is Indha Buur. Somaliland ayuu Kenya u fadhiyaa.

 

 

This is Tdot.

795_Picture_275.jpg

 

xaabsade, Buntland wuu ka raystay.

 

:Dhar18may209.jpg-for-web-large.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this