Sign in to follow this  
SOO MAAL

Horumarka Laascaanood Maxaad kala socotaa???

Recommended Posts

SOO MAAL   

mudahraad2.jpg

 

downto2.gif

 

lasanod1.jpg

 

lasanod.JPG

 

Banaanbax_3.JPG

 

jaamc4.jpg

 

Sawir_1.jpg

 

geel3

 

Horumarka Laascaanood Maxaad kala socotaa???

 

[04/04/06]

 

Salaan sare dhamaan akhyaarta sharafta leh ee boga www.somaliweyn.com

 

Horumarka ay gaadhay magaalada Laascaanood ee golaka Sool waa mid dhamaan laga wada dareemay Gobalada kale ee Dalka oo dhan ama inta ay Soomaalidegto .

 

Horumarka ay magaaladani gaadhay dhowr iyo tobankii sano ee u danbeeyey , waxay gaadhsiisay in ay magaalooyin badan oo ka xiga hareeruhu ay ku dadaalaan iyana sidii ay u gaadhi lahaayeen ama ula tartami lahaayeen , run ahaantiin in magaalooyinku Tartamaan waa wax aad u fiican oo waxay keeni kartaa in dadku halka ay isku haystaan qabiil ay ku dadaalaan in uu nin waliba magaaladii uu u dhashay ama uu ka yimid uu horomariyo taas oo dalkeenu ka hoosbixi lahaa gacanta shisheeye

 

Hadii aynu ka hadalno qiyaasta dadka haatan ku sugan magaaladaas ama degenba sida tira koobkii sanadkii hore sheegay 2005ta waxa lagu qiyaasay in ay degenyhiin magaalda ama ay hoy u tahay in kabadan 120,000 kun oo qof , Tirakoobkaas oo la sameeyey bishii June/2005 waxaa la filidoonaan in sanadkan aynu ku jirnona ay gaadho inlaa 125- 127 kun oo qof , hadii aynu dib u milicsano tira koobkii magaaldan sanadahii 1984kii waxa tirada magaaladan lagu qiyaashay ilaa 5000 ilaa 7000 kun oo qof , Burburkii dowlada ee sanakdii 1991kii waxa ay tira koobka guud ee magaaladani uu ahaa inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 12,000 kun , laga bilaabo wakhtigaas oo ahaa 1991 kiil ilaa 2006 oo ah mudo dhan 15sano waxaa aad u heermaray noloshii magaalda taas oo keentay in dad badan oo Magaaldan u dhashay oo awalkii hore ka guuri jiray in ay ku soo laabtaan , waxaa kale oo tiradan iyana badiyey dadkii asal ahaan uga soo jeedya magaaldan oo ka soo baro kacay dagaaladii koonfureen ee 1991 - 1995 kii , waxaa kele oo ka soo guuray dad badan oo awal degenaan jiray gobaldan kale ee waqooyiga , sida awdal , w-galbeed iyo Togdheer , waxaa kale oo sii badiyey dhamaan tirada dadka waa dhalmada oo maanta ay laascaanood ku jirto magaalda ugu Caruur dhalida badan dalka soomaaliya markii ay baadheen UNtu . waxaa iyana jira dad badan oo ka soo guuraya Dalakii qurbaha ee ay awal u qaxeen iyagoo soo doorbidaaaya nolosha wacan ee maanta ka jirta Dhulkood.

 

Xaga Waxbarashada :

 

Xaga waxbarashada maanta waxaa lagu qiyaasaa in ay magaalda ka furan yihiin in kabadan 22 school oo isugu jira Hoose / Dhexe iyo Sare ,

 

waxaa iyana jira Schoolo madax banaan sida kuwa laga barto af-afka qalaad (Ingliishka , Carabiga , Faransiiska iyo i.w.m) oo iyagu haatan kor u dhaafay in kabadan 14 school

 

waxaa jira iyana schoolada lagu barto Farsamada gacanta oo haatan gaadhaya ilaa 6 school waxaana lagu kala bartaa sida ( Korontada , Dhismaha , Dhartolista , Maacuun samaynta , alaab guri samaynta , Computerka , cuno karinta kala gadisan , iyo farsamooyinka gacanta ee kale)

 

waxaa haatan magaalda ka furan 3 maxad oo diininta lagu barto iyo malcaamado quraano habaysan

 

waxaa maanta magaalda ka furan Jaamacad lagu magacaabo Jaamacada Nugaal oo iyadu furan haatan mudo 2aba sano iyo badh ah , jaamacadaas oo heer keedu gaadhay kuwa dalka haatan ka jira oo kale .

 

Xaga Ganacsiga

 

xaga ganacsiga magaaladan lama soo koobi karo waayo waxaa maalin walba la furaan xaruumo ganacsi oo isugu jira kuwo waa wayn iyo kuwo yar-yarba , mulkiilayaasha ganacsigan oo badan koodu ay iskug jiraan dada qurbaha ka yimid iyo kuwo hore u sii joogay dalka , ayaa iyagu runtii hirgalaiyey in uu kobco ganacsigaas , gaadhana heer wayn .

 

Xaga wax soo saarka Dhulka iyo Duunyada

 

xaga wax soo saarka dhulka waxay haatan laascaanood caan ku tahay in ay iyadu u iibg gayso khudaarta kala nooca ah ee ka soo kala baxa beera degmooyinka gobalka sool , khudaartaas oo dhamaanteed haqabtirtay dadka ku nool magaalda , waxayna ganacsadayaashu gaadhsiiyaan badeecadoodaas magaalooyinka kala ah Burco , Garoowe ilaa iyo gaalkacayo

 

xaga xoolaha nool oo ilaahay aad ugu manaystay dhulka Nugaasha ah ee uu ku yaalo gobalka sool siiba magaaladan Laascaanood ayaa iyadu waxaay ahaan jiray sanadahii 90kii ilaa dhamaadkii qarnigii hore magaalda ugu xoolaha badan , waxaanay lagu qiyaasay in 90% xoolaha kakala dhoofi jiray labada Dekadood ee kala ah Berbera iyo Boosaaso ay ahaayeen xoolaha ka yimaada Deegaanka Sool .

 

Xaga Wadooyinka iyo DHismaha

 

xaga wadooyinka magaaladan oo awlkeedii hore ay dhex jeexi jirtay wadada dhamaan isku xidha magaalooyinka Soomaalia oo dhan, ayaa iyadu haatan ah mida ugu wayn ee wali dhex badhtanka magaalada marta , waxaa jira wadooyin kale oo ay dadku sameeyeen kuwaas oo leh laami(daamur) waxaana haatan jira ilaa 10 wado oo laami ah oo ay maraan Bus aska iyo gawaadhida kala nooca ah wadooyinkaas oo kur u qaaday bilicdii magaalda .

 

xaga gaadiidka dadwaynaha

 

waxaa jira baabuurta kala qaadad dadka ee loo yaqaano gaadiidka dadwaynaha kuwaas oo iskugu jira Basas ah kuwa waawayn iyo kuwa loo yaqaano caasiga iyo Taxida oo iyagu ku badan magaalda , waxay maglaaladu leedahay in kabadan 30 stop ood oo ay istaagaan Basasku

 

xaga dhismaha magalada ,

 

waa mid aynaan hal maqaal ku soo koobi karin waayo maalintii la arkaba waxaa laga dhisaa magaalda inkabadan 100 guri , guryahaas oo ay kala dhisyaan shikado yar yar iyo kuwo waa waynba , haatan shirkada ugu wayn ee ka wada in kabadan 180 guri magaaladu waa shirkada loo yaqaano Hilaac taas oo mashruuc heer sare ah ka wada magaalda .

 

Xaga Korontada iyo Biyahay:

 

waxaa magaaldu heshaa nal ama koronto ah 24-7 oo ah 24ka saacadood iyo 7ada maalmood , waxaa magaalda ka jira in kabadan 10 shirkadood oo ka shaqeeya korontada .

 

xaga biyaha magaalda oo awal biyo xumaani ka jiri jirtay , ayaa haatan dadku ku raaxaystaan biyaha kala jaadka ah ee ay galisay hay,adaha UNta iyo kuwo madax banaan oo shicibku leeyihiin , waxaa kale oo jira 4warshadoo oo iyagu soo saara biyaha loo yaqaano moya-saxada .

 

Xaga isgaadhsiinta ( Taleefooonada, Idaacadaha iyo TVga)

 

waxaa ka furan magaaldan in kabadan 20 shirkadood oo isgaadhsiineed, waxaanay laascaanood noqotay sanadkii 2005 magaalda soomaaliya ugu isgaadhsiinta wacan , uguna taleefoono jabadan Kuwa guryahay iyo kuwa gacantaba.

xaga idaacadha , waxaa haatan ka jira magaalada idaacada la yidhaah Laascaanood oo iyadu haatanjirta 5sano iyo badh gaadhana ilaa 70km afarta jihaba waxaa jira iyana idaacado laga dhagaysto Internetka oo yiyagu gaadhaya ilaa 5

 

xaga Tvga waxaa haatan ka shaqeeya magaalda Tvstation laga leeyahay magaalda Boosaaso ee gobalka bari , kaas oo haatan dadka magaalada ka haqabtiray dhanka wararka muuqaalka ah ee ku baxa afka soomaaliga , waxaa kale oo jirta shirkad cusub oo la yidhaadh TV-Las-Anod oo haataan wada dhismahii iyo isku habayntii qalabka Tv-baahiyahay oo lagu wado in ay furanto sanadk 2007 horaatniisa.

 

Xaga Gagada diyaaradaha Airportska

 

waxaa laascaanood ag-ageerkeeda ku yaala ilaa 4 gago-diyaaradeed oo ay soo kala fadhiistaan diyaaradaha sida Jaadka iyo Alaabka loo yaqaano Bagashka , waxaa haatan socda olole ah in la sameeyo Airbot wayn oo la yidhaah Las-anod Airport , mashuurcan oo ay iska kaa shanayaan ganacsadayaal ku dhaqan dalka dibadiisa , mashruucan oo hadafkiisa ugu wayni yahay sidii dadka magaaladan uga kaaftoomi lahaayeen , in ay ku soo dagaan Airport ayda Burco iyo Bosaaso , kuwaas oo sanadkiiba dadka u dhashay magaaladani ku kharash gareeyaan labadaas Airport ee kala ah Burco iyo Bosaaso lacaga ka badan 2.5 milyan , lacagtaas oo isugu jirta , tigidhada, Hoteelada iyo Gadashada alaabta , si taasi ugu soo xaroorto gacanta Maamulka magaalada waxay isla garteen ganacsadayaashaasi in ay jamciyaan dhamaan 4taas Airport ee yaryar kana dhigaan hal mid ah oo wayn si ay u soo fadhiisankaraan diyaarahda waa ayn ee kala qaada dadka iyo xamuulka kaleba.

 

Isku soo wada duuboo , waxaynaan hal bog ah kusoo wada koobi karin Horumarka balaadhan ee ay gaadhay magaaldan Laascaanood 16kii sano ee u danbeeyey , waxaaase ka muhiimsan in ay dadku dhulkooda dhistaan horumarna gaadhsiiyaan si ay uga kaaftoomaan Dhul shisheeye iyo ku hoolaanshaha dadka kale . hadii dadka Magaaladani ku dhaqaaqaan 50% in horumariyaan magaaldan waxaa aan shaki ku jirin in ay L-caanood noqon karto magaalo Madaxda dadlka , waayo waxay kamid tahay magaalooyinka ugu filka ama faca wayn dhulka soomaalida , hadii ay Taariikh noqotana waxay ku jiraa magaalda 3dexaad ee ugu taariikhda wayn dhulka soomaaliyeed.

 

waxaa loo baahanyahay in dhulkaaga aad Horamarisid

 

Gaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Assalamu Calaykum,

 

Salaan Sare sxb. Soo Maal. I have been aware of the advancement and the development made in Laas Canood city in my part, waana Ilaahay mahadii to see them happy and living peacefully. Peace is hard to find, and usually where there is peace there is development and prosperity taking place, certainly that seems to be the case in Las Anod city.

Thanks for the postings brother.

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Las-Anod is the capital city of Sool region of Somalia, which is located in northern Somalia. It literally means (The milky stream).

Las-Anod is one of the most beautiful cities in Somalia. The city is modernizing rapidly due do to the contributions from abroad. Internet cafes (cheapest in the nation), large villas, gas stations, nice hotels are all visible in the city. It lies between two mountains. In recent years the city became famous with farming, thanks to many locals who moved from the south with the expertise in farming. Because of the it's peaceful environment the city attracted entrepreneurs from North America and Europe to invest in their hometown. Large communities from all around the country also came to work, specially farming and construction.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Brother Red

 

True peace is necessary factor, because without peace there is no way.

Waa Ilaahay mahadii that most of the country presently enjoys a relative peace.

 

But another critical factor is law and order, because it’s required to entrench peaceful and prosperous country

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   
Originally posted by SOO MAAL:

[QB] mudahraad2.jpg

 

lasanod.JPG

 

Banaanbax_3.JPG

 

jaamc4.jpg

 

Sawir_1.jpg

 

geel3

 

LONG LIV SOMALIAAAAAAAAAAAAAAA!!!!!!!!!!11

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this