MoonLight1 Posted December 23, 2009 Ciidamo taabacsan Xarakada Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Raaskambooni iyo Jasiiradaha Kudhaa iyo Kooyame ee gobolka Jubada hoose Saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in ciidamadooda ay maanta gaareen lana wareegeen maamulka deegaano ku yaala koonfurta gobolka J/hoose iyo ugu yaraan shan Jasiiradood oo hoos yimaada gobolka, kuna yaala badweynta India gudaheeda. Shiikh Xasan Yacquub Cali madaxa warfaafinta wilaayada gobolada jubooyinka ayaa sheegay in ciidamada maamulka Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka ay gaareen maanta deegaanada ay ka mid yihiin Raaskambooni, Badhaadhe iyo Kulbiyow oo ku yaala dhulka fog ee koonfurta gobolka J/hoose xad dhinaca badda iyo beriga ahna la wadaaga dalka Kenya isagoo xusay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Jasiirado ay ka mid yihiin Kudhaa iyo Kooyame oo ka mid ah shan jasiiradood oo ku yaala badweynta India Isla markaana hoos yimaada gobolka Jubada hoose. Wuxuu sidoo kale sheegay in aaney jirin cid dagaal kala hor timid intii ay la wareegayeen deegaanadaasi ku yaala gobolka J/hoose, isla markaana ay ka hirgelin doonaan ku dhaqanka shareecada Islaamka. Goobaha ay ciidamada Xarakada Al Shabaab maanta la wareegeena ee gobolka Jubada hoose intooda badan sida deegaanka Raaskambooni iyo Jasiiradaha Kudhaa iyo Koyame ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey ciidamo hoos taga Shiikh Xasan Turki oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka Xisbul Islaam, waxaana ciidamada Xisbul Islaam ay deegaanadaasi ka baxeen ka dib markii dhowaan deegaano ku yaala jubooyinka ay ku dagaalameen iyaga iyo ciidamo ka tirsan Al shabaab, kaasoo looga adkaaday xisbul Islaam. dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites