Sign in to follow this  
MoonLight1

Now they have RAS-KAMBONI, is the next stop RAS-CASEYR?

Recommended Posts

Ciidamo taabacsan Xarakada Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Raaskambooni iyo Jasiiradaha Kudhaa iyo Kooyame ee gobolka Jubada hoose

 

Saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in ciidamadooda ay maanta gaareen lana wareegeen maamulka deegaano ku yaala koonfurta gobolka J/hoose iyo ugu yaraan shan Jasiiradood oo hoos yimaada gobolka, kuna yaala badweynta India gudaheeda.

 

Shiikh Xasan Yacquub Cali madaxa warfaafinta wilaayada gobolada jubooyinka ayaa sheegay in ciidamada maamulka Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka ay gaareen maanta deegaanada ay ka mid yihiin Raaskambooni, Badhaadhe iyo Kulbiyow oo ku yaala dhulka fog ee koonfurta gobolka J/hoose xad dhinaca badda iyo beriga ahna la wadaaga dalka Kenya isagoo xusay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Jasiirado ay ka mid yihiin Kudhaa iyo Kooyame oo ka mid ah shan jasiiradood oo ku yaala badweynta India Isla markaana hoos yimaada gobolka Jubada hoose.

 

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in aaney jirin cid dagaal kala hor timid intii ay la wareegayeen deegaanadaasi ku yaala gobolka J/hoose, isla markaana ay ka hirgelin doonaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

 

Goobaha ay ciidamada Xarakada Al Shabaab maanta la wareegeena ee gobolka Jubada hoose intooda badan sida deegaanka Raaskambooni iyo Jasiiradaha Kudhaa iyo Koyame ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey ciidamo hoos taga Shiikh Xasan Turki oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka Xisbul Islaam, waxaana ciidamada Xisbul Islaam ay deegaanadaasi ka baxeen ka dib markii dhowaan deegaano ku yaala jubooyinka ay ku dagaalameen iyaga iyo ciidamo ka tirsan Al shabaab, kaasoo looga adkaaday xisbul Islaam.

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this