Sign in to follow this  
General Duke

House searches star in Mogadishu...

Recommended Posts

Muqdisho: Howlgal lagu baarayey guryaha oo maanta Muqdisho ka bilowday.

17. februar 2007

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta howlgal lagu baarayey guryaha ku yaala xaafaddaha Al-Baraka, Shiir Kole iyo Warshadii Caanaha ka bilowday iyadoo ay ka baarayeen guryahaasi hub sharci daro ah iyo waxyaabaha qarxa.

 

Ilaa dhowr qori ayey ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kasoo qabteen qaar ka mid ah guryihii ay baareen, iyadoo qaar ka tirsan hubkii ay gacanta ku dhigeen dadkii lahaa ay lasoo baxeen warqada ogolaanshaha ee dowladdu ay bixiso dibna loogu celiyay dadkii heystay warqada ogolaanshaha.

 

Ciidamada dowladda ayaa bilaabay in ay baaraan xaafadaha ay ugu shakiyaan in laga soo abaabulo falalka amni xumo ee ka dhaca Muqdisho, iyadoo howlgalkan uu noqon doono mid sii socda.

 

Cali Sandheere

AllPuntland,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlgalo ka bilowdey Muqdisho

 

17 Feb 17, 2007 - 6:38:06 AM

 

Howl gal ballaaran oo amaan sugid ah ayaa maanta ka bilowday xaafadaha ku dhow Wasaaraddi hore ee Gaashaandhiga Somalia, oo shalay ay la wareegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia.

 

 

Howl galka ayaa waxaa fulinaya labada ciidan oo iskaashanaya si ay ula dagaalamaan kooxaha rabshadaha wada.

 

 

 

Dadka deegaaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay baaritaanadooda ka bilaabeen Shiirkole iyo xaafadaha kale ee ka ag dhow.

 

 

 

Howl galka ayaa bilowday saaka abaare 12:00 duhurnimo xilliga magaalada Muqdisho.

 

 

 

Wadada warshadaha iyo wadooyinka yar yar ee ku ag dhow Xarunta Gaashaandhiga waxaa saakay lagu arkayay dadweyne alaabtooda wata oo qaxaya.

 

 

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii ballarinayay fariisimaha ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho.

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah oo howlgalo baaritaan ah ka sameeyey xaafada Al-Baraka ee Muqdisho

February 17-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Ciidamada dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Itoobiyaan ah ayaa howlgalo baaritaan min guri ah waxa ay ka sameeyeen maanta xaafada Al-Baraka ee magaalada Muqdisho.

 

Howlgalkaas lagu baaraya xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan gaar ahaan guryaha u dhow xaruntii gaashaandhiga, guryihii saraakiisha iyo dhismayaasha dadka shacabka lahaayeen oo ciidamada dowladda fedraalka iyo Itoobiyaanka ka sameenayaan baaritaan la xiriira kuwaas oo ay ka baarayaan hub iyo waxyaabaha kale ee qarxa.

 

Dadka deegaankaas ayaa baaritaanka lagu wado ku tilmaamay mid ay si aad ah uga qalqaleen islamarkaana ay baaristooda ay la xiriirto arrimo xadgudub ku ah dadka la baarayo.

 

Mid ka mid ah dadkii guryahooda la baartay maanta ayaa sheegay in markii ay gurigiisa ay baareen ay ka qaateen lacag iyo alaabooyin kale oo gurigisa dhex yaalay isagoo sheegay in ciidamada Soomaalida ay ka qaateen.

 

Howlgalkan baaritaanka ee laga sameeyey deegaanka Al-Baraka ee degmada Hodan ayaa dadka deegaanka sheegayaan in ciidamadan aaney dhaafeyn wixii ay fursad u helaan.

 

Howlahan lagu baaraya guryaha ay degan yihiin dadka rayidka ee ku yaala deegaankaas ayaa shalay bilaawday markii ciidamada Itoobiyaanka ay soo dageen xaruntii gaashandhiga iyadoo ilaa shalay dadka ku nool halkaas ay ku baryeen walaac ay ka qabaan arrrimaha ku soo kordhaya deegaankooda.

 

Ma ahan marki ugu horeysay ee cidamada Itoobiya oo ay wehliyaan kuwa Soomaalida ay baaritaano la xiriira aafadaha ka sameeyaan inkasta oo la dhihi karo kan waa howlgalkii ugu balaarnaa ee ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay ka sameeyaan gudaha magaalada Muqdisho tan iyo xilligii dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay soo dageen gudaha magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this