Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: Puntland condemns Ethiopia action in Galkayo

Recommended Posts

Somalia: Puntland condemns Ethiopia action in Galkayo

9 Oct 9, 2009 - 12:20:08 PM

 

GALKAYO, Somalia Oct 9 (Garowe Online) - Authorities in Somalia's Puntland State government have condemned unilateral action reportedly taken by Ethiopian intelligence agents in the central city of Galkayo, Radio Garowe reports.

 

Ethiopian intelligence agents raided a Galkayo house overnight Wednesday, wounding at least two Somali men inside.

 

Government sources said the home owner was wounded and left for dead inside the house, while the second man's wounded body was found in a village north of Galkayo.

 

Both wounded victims were receiving medical treatment at area hospitals. But unconfirmed reports said Ethiopian intelligence kidnapped a third Somali man.

 

Gen. Abdullahi Said Samatar, Puntland's security minister, told the BBC Somali Service that the Puntland government “condemns” the Ethiopian intelligence agents' raid on the house in Galkayo.

 

He noted that Puntland' s government enjoys good relations with Ethiopia, but underlined that Puntland authorities were “unaware” of the raid in Galkayo.

 

“We are sending a written letter to the Ethiopian government regarding the incident,” Minister Samatar said.

 

The people of Puntland have expressed disappointment with the unilateral actions of Ethiopian intelligence on Puntland soil. The Ethiopian government is concerned about the activities of ****** National Liberation Front (ONLF) rebels in different parts of Somalia.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaso: Dawladda Puntland oo cambaareysay fal ay ciidamada Sirdoonka Itoobiya ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo.

9. oktober 2009

 

Bosaso(AllPuntland)- Golaha Xukuumada ee dawladda Puntland ayaa shir deg deg ah oo ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, waxa ay ka soo saareen qoraal lugu cambaarayno falkii ay ciidamada dawladda Itoobiya, ay ku galeen magaalada Gaalkacyo, isla markaasna ay fal aan wanaagsaneyn kaga fuliyeen gudaha deegaanada Puntland.

 

Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa kaga dhawaaqay fadhigaasi gudi gaar ah oo looxilsaaray soo baarida, cidii ka dambeysay arrintaasi iyo sababaha ay ku dhacday, ka dibna waxa ay Madaxda dawladda Puntland isku raaceen in warqad deg deg ah loo diro dawladda Itoobiya, taasoo hada gaartay magaalada Addis Ababa.

 

Golaha Wasiirada Puntland ayaa sheegay in ay tani tahay mid ka mid ah talaabooyinka dhabar jab weyn ku noqon kara, xiriirka Iskaashiga ee ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, waxa ayna sheegeen in ay tahay tani mid ka mid ah waxyaabaha aadka ay uga soo horjeeda dawladda Puntland ee Soomalaiya.

 

Wasiirka Arrimaha Amniga Qaranka ee Puntland Jeneraal C/laahi Siciid Samatar oo ka hadlayay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in ay dawladda Puntland aad uga xumaatay talaabadaasi, isla markaasna ay dhowrayaan jawaabta uga timaada dhinaca Maamulka Addis Ababa, isagoo sheegay in ay deegaanada Puntland ka jirto dawlad, ee aysan aheyn meel aan maamul ka jirin, aysana ogolaan doonin faragalimaha noocaas oo dhan.

 

" Dawladda Puntland waxa ay aad uga xun tahay falkii ay Sirdoonka Itoobiya ku galeen Magaalada Gaalkacyo, wuxuu ka mid yahay falkaasi mid ka mid ah kuwa looga soo horjeedo horumarka Puntland, waxaan uaragnaa mid ladoonayo in lugu xumeeyo xiriirka nagala dhaxeeya dawladdaas Itoobiya, mana yeeli doono in aan udulqaadano arrintaasi, fadhi deg deg ah ayaa Madaxdu yeelatay go'aana waa laga soo saaray, Warqad ayaan udirnay dalka Itoobiya" Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Amniga Qaranka ee Puntland Jeneraal C/laahi Siciid Samatar.

 

Gudi gaar ah oo ay ku jiraan Hogaamiyaasha Sirdoonka Puntland ayaa loo diray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxa ayna soo barayaan falka dhacay iyo cida leh masuuliyadiisa oo usahashay Sirdoonka Itoobiya in ay soo galaan gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaana Sirdoonkaas soo galay Gaalkacyo ay dhaawaceen nin, halka ay latageen nin kale oo ay wada joogeen ninka la dhaawacay, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninkii ay latageen ciidamada dawladda Itoobiya ay dileen, taasoo ay dawladda Puntland sheegtay in ay xaqiijin ku hayaan, sida ay wax uga jiraan.

 

Puntland iyo Itoobiya, waxaa ka dhaxeeya xiriiro dhanka Siyaasada, amaanka iyo dhaqaalaha ah, waxaana Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Madaxweyne kuxigeenka C/samad Cali Shire ay tageen magaalada Addis Ababa, markii ay casumaad ka heleen dawladda Itoobiya, waxaana ay dawladda Itoobiya aad udaneysaa xiriir wanaagsan oo ay la yeelato deegaanada Puntland, waxaana laga war dhowrayaa jawaabta ka timaada dawladda Itoobiya ee ku aadan arrintan.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this