Sign in to follow this  
Emperor

Somali parliament extends Presidential vote date amid discripancies

Recommended Posts

Emperor   

Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya oo galabta ku dhawaaqay in la kordhiyay mudada lagu soo dooranyo madaxweynaaha Soomaaliya(DAAWO SAWIRADA).

 

Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa galabta ku dhawaaqay in la kordhiyay mudada lagu soo dooranyo madaxweynaaha Soomaaliya.

 

Xildhibaanada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ku dhawaaqeen in ay kordhiyeen mudada lagu soo dooranyo madaxweynaha Soomaaliya xili maanta 50-mudane oo ka mid ah xildhibaanada ku matalaya Barlamanka isbahaysiga dib u xoraynta ay ka anba baxeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti.

 

 

 

Kulan dag dag ah oo maanta xildhibaanada Barlamanka dowladda KMG Soomaaliya ay isugu yimaadeen guriga Umadda ee magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti ayaa waxaa ay dood aan xiligeedu dheerayn kaga yeesheen wax kabadelidda qodobka 45-aad ee axdiga dowladda KMG oo dhigaya in madaxweynaha Soomaaliya mudo 30-cesho ah lagu soo doorto hadii uu xilka ka tago madaxweynaha xilka haya.

 

 

 

Kulanka ay xildhibaanada barlamanka isugu yimaadeen oo ay xaadir ahaayeen 200-oo mudane ay 190-in ka badan oo ka tirsan barlamanka ay u codeeyeen in mudo 5-maalin ah lagu daro waqtiga si ay u diyaar garoobaan musharixiinta sida uu sheegay gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo gaba gabdii kulanka ku dhawaaqay Natiijadii codaynta Barlamanka.

 

 

 

Arinta ku saabsan madada 30-ka cesho ah ee ay tahay in lagu soo doorto madaxweynaha ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay isku qilaafsanaa ergayda beesha caalamka ee hagaysa Shirka,xubnaha isbahaysiga dib u xoraynta iyo dowladda KMG Soomaaliya oo siyaabo kala duwan u arkayay.

 

 

 

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG Max’ed Cumar Dalxa ayaa sheegay in tilaabada Barlamanku uu qaaday ay tahay mid muhiim u ah sida uu yiri isbahaysiga dib u xoraynta oo ay kala maqanyihiin xubnahoodii.

 

 

 

Arintaani ayaa waxaa ay ku soo aadyaa xili maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen ku dhawaad 50-mudane oo ka tirsan isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya kuwaasi oo matali doona Barlamanka haatan Jabuuti lagu dhisayo.

 

 

 

Go’aanka Baralamanka KMG ee uu maanta qaatay ayaa waxaa uu si toos ah ugu hor imaanayaa qoraal uu dhawaan soo saaray ergayka QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walada Cabdala ee shirkaasi maamulayaya kaasi oo uu ku sheegay in 28-bishaan ay tahay in la doorto madaxweyne cusub taasi oo ku aadan maalinta beri ah .

 

 

Gudoomiyaha Baralamanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada Barlamanka u sheegay in beri la dhaarinayo mudanayaasha ka socda isbahaysiga dib u xoraynta isalamarakaana la midaynayo Barlamanka oo howluhu ay si rasmi ah u bilaabanayaan waxii ka dambeeya beri.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Daawo Sawirada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Jibouti: Baarlamaanka Somalia oo isku raacay in Shan maalmood kadib la doorto Madaxweynaha dalka

27. Januar 2009

 

 

Jibouti(AllPuntland)- Kulan manta Baarlamaanka Soomaaliya uu ku yeeshay Hoyga Umadda ee Jibouti ayaa waxaa Xildhibaanada kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo u sheegay in beri la isku darayo xubnaha Xildhibaanada Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib u xorreynta.

 

Hadalkaasi oo buuq iyo sawaxan xoogan uu ka dhashay markii uu ku dhawaaqay Sheekh Aadan Madoobe oo intaa raaciyay in isla beri la dooran doono marka la isku geeyo Xildhibaanada Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran.

 

Hadalkaasi ayaa waxaa ka dhashay qeylo fara badan oo mar kaliya is qabsatay, waxaana ay Xildhibaanada qaar ay ku doodeen in go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka aysan suurtagal aheyn in isla beri in la isku daro Xildhibaanada iyo doorashada Madaxweynaha.

 

Markii danbe ayaa waxaa la isku raacay in cod loo qaado arintaasi buuqa ka dhashay, waxaana kulankii maanta xaadir ahaa 200 Mudane waxaana 193 Mudane ay u coddeeyeen in doorashada la qabto mudo Shan maalin kadib oo ka bilaabaneysa 29-ka bisha kuna eg 2-da Febraayo.

 

Ansixintan ayaa waxaa ay tahay mid lid ku ah ololaha beesha caalamka ay ku dooneysay in aan waqtiga loo qabtay doorashada Madaxweynaha waxba lagu darsan, hase ahaatee marka dhinac loo fiiriyo ay saxan tahay, iyadoo qaar ka tirsan xubnaha Isbaheysiga ugu mid noqday Baarlamaanka Soomaaliya ay ka maqan yihiin madasha, waxaana maanta magaalada Muqdisho ka ambabaxay qaar ka tirsan Xildhibaanada ka mid noqday Baarlamaanka ballaaran ee Soomaaliya.

 

AllPuntland, Jibouti

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

While the UN and the international community have warned of such move...

 

-----------------------------------------

 

 

Jabuuti: Beesha Caalamka oo diiday in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

27. januar 2009

 

 

Jabuuti(AllPuntland)- Ergada Dawladdaha Caalamka ka jooga Magaalada Jabuuti lana socda dhaqdhaqaaqyada Arimaha Siyaasada ee ka socda dalkaasi, khuseeyana xaalada Soomaaliya ayaa diiday in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya, markii shalay ay Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalku isku raaceen in laysku daro baarlamaanka Faderaalka iyo Mid cusub oo dhan 200 oo xubnood.

 

Ergada Beesha Caalamka ayaa sheegay in la dhowro Dastuurka udagsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isla markaasna doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya la qabto maalintii loogu talagalay, waxa ayna ku aadan tahay Maalinta beri ah oo Arbaco.

 

Diidmada ka timid Beesha Caalamka waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah Xubnaha gudoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayagoo sheegay in aysan suuragal aheyn in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha, isla markaasna si deg deg ah ay baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Dibu xoreynta layskugu daro loona gudbiyo Gudiga doorashada oo labada dhinacba ka imaanaya.

 

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Maanta baarlamaanka Faderaalku wada xaajoodyo ka yeelan doonaan xaalada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayna go'aan cad ka gaari doonaan, isagoo sheegay in ay dhici karto in dib loodhigo doorashada Madaxweynaha waqtiga ay dhaceyso.

 

Imika oo laysku darayo baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya iyo kan dibu xoreynta ayaa hadana Maalinta beri ah waxaa ku eg waqtigii loo qabtay in ay qabsoomto doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya, ayadoo aan gudi labada dhinac ahna wali lugu dhawaaqin magacyadooda.

 

Hadii ay maanta baarlamaanka Soomaaliya isku raacaan in dib loo dhigo waqtiga doorashada, ayaa hubati la'aan ka dhigeysa in waqtiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya dib loo dhigo, hadii ay isku mari waayaana waxaa lugu kala baxayaa Axdiga udagsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Baarlamanka federaalka Somalia oo xilli kama dambeys ah u qabtay doorashada madaxeynaha cusub ee Somalia

 

Xildhibanada Baarlamanka federaalka Somalia ayaa maanta kulan kale iskugu yimid hoolka guriga umada ee magaalada Jabuuti, kaasoo uu shir gudoominayey ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka federaalka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

 

Kulanka maanta looga dooday xiliga ugu haboon ee la qabamn karo doorashada madaxweynaha cusub ee DF Somalia, waxaana jiray fikrado kala dawn o arintaasi ay ka bixiyeen xildhibaanada waxayna soo jeediyeen mudooyin kala duwan sida todobaad ka dib, toban cisho iyo kuwo kale, hase ahaatee waxaa ugu dambeyntii la isku raacay in shan maalmood gudahooda lagu soo doorto madaxweynaha cusub.

 

Arintan ayaa ku soo beegantay xili Beesha caalamka ay si wayn gaashaanka ugu dhufatay in waqti lagu kordhiyo xilliga loo qabtay doorashada madaxweynaha oo ahayd 29-ka bisha January kaddib markii ay Guddiyada dawladda federalka iyo isbahaysiga u qaabilsan wada hadallada Jabuuti ay talo ku soo jeediyeen in 5-10 maalmood lagu kordhiyo waqtiga doorashada madaxweynaha si fursad loo siiyo xildhibaanada iyo musharaxiinta u taagan inay qabtaan jagadaasi.

Beesha caalamka waxay ku adkeysanayaan inaan waqti lagu dari karin xilliga doorashada madaxweynaha oo la qabanayo ugu dambeyn 28 – 29 ka bisha January, sida uu dhigayo dastuurka u degsan dawladda federalka Soomaaliya, waxayna sheegeen inaanay habbooneyn in dawladda federalka ay madaxweyne la’aan ahaato muddo ka badan 30 maalmood, taasoo bay sheegeen keeni karta inay lunto aqoonsigii ay u hayeen.

Cabdishakuur Cilmi Xasan

cabdishakuur48@live.com

dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ergayda Beesha caalamka ee hagaysa shirka dib u heshiisiinta ee ka socdaa Jabuuti oo diiday in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Posted: 1/27/2009 7:11:00 AM

Shabelle: JABUUTI

 

Beesha caalamka ayaa waxaa ay ka soo horjeesatay in la kordhiyo xiliga loo qabtay in madaxweyne loogu soo doorto wadanka Soomaaliya taasi oo haatan qaban qaabadeedu ay ka socoto dalk Jabuuti.

 

Prof Max’ed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka labaaad ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo xalay u waramayay idaacada shabelle ayaa waxa uu sheegay in beesha caalamka ay ku adkeysatay in aaanan waxba laga badelin dastuurka dowlada KMG sida kaga qoran waqtiga doorashada oo ah in mudo bil gudaheed lagu soo doorto madax weyne cusub kaasi oo ku eg maalinta Beri ah.

 

Dalxa waxa uu intaa ku daray in beesha caalmka ay dooneyso in waqtigaasi lagu soo dhiso madax weynaha si uu kaga qeyb galo kulanka madax weynayaasha midowga Afrika oo horaanta todobaadka soo socda ka furmaya Addis Ababa

 

Inkastoo beesaha caalamka ay go’aansatay in waqtigaasi aanu dib uga dhicin waqtigeeda ayaa hadana muuqata shaqo aad u culus oo hortaala mudanayaasha labada dhinac kuwaasi oo laga yaabo in maanta la isku daro ayna doortaan gudoonkooda si ka hor maaalinta jimcaha ay u doortaan madaxwenye ka qeyb gala shirka Midowga Africa ee dhacaya todobaadka Soo socad gudihiisa.

 

Hadalkaan ka soo yeeray beesha caalamka ee ku aadan in aan dib loo dhigi Karin waqtiga doorashada madaxweynaha ayaa shaqo culus waxaa uu ku noqonayaa mudanayaasha Barlamanka ee labada dhinac kuwaasi oo laga doonayo in ay doortaan madaxweyne iyo gudoon Barlaman ka horb maalinnimada jimcaha ee Soo aadan.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Arintan ayaa ku soo beegantay xili Beesha caalamka ay si wayn gaashaanka ugu dhufatay in waqti lagu kordhiyo xilliga loo qabtay doorashada madaxweynaha oo ahayd 29-ka bisha January kaddib markii ay Guddiyada dawladda federalka iyo isbahaysiga u qaabilsan wada hadallada Jabuuti ay talo ku soo jeediyeen in 5-10 maalmood lagu kordhiyo waqtiga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this