MoonLight1 Posted September 11, 2009 Maamulka Xarakada Alshabaab ee Bay iyo Bakool oo wacad ku maray inay leynayaan Saraakiishii hore Maamulka Xarakada Alshabaab Gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku goodiyay inay leynayaan saraakiishii hore ee Maamuladii goboladaas ee ay kol hore ka saareen,iyadoo ku eedeeyay in falal ka dhan ah maamulkooda ka wadaan deegaanadaas. Sheekh Xasan Deerow oo ah Taliyaha Amaanka Maamulka Alshabaab Gobolada Bay iyo Bakool oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka war heleen qaar ka mid ah Saraakiishii hore Ciidamada Dowlada oo ku sugan gobolada Bay iyo Bakool isla markaana warbixino gudbiyaan. Taliyaha ayaa sheegay raggaasi in ay digniin kama dambays ah u dirayaan haddii aysan ka waantoobina ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah, kuna qaban doonaan gacan bir ah. Waxaa uu sheegay nin ay dhowaan lagu dilay Degmada Rabdhuure ay dileen maamulkooda kadib markii ay ******** in uu warar u gudbinayay maamulkii hore Dowladda KMG, isagoo xusay in aysan u dul qaadan doonin shaqsi ka gudbiya wararka qudhana ka jari doonaan. Haddalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG kana soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ay ku eedeeyeen Alshabaab inay gobolkaas ku laayeen Saraakiil iyo waxgarad deegaanadaas u dhashay. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted September 11, 2009 Alshabab oo Dil ugu Hanjabtay Kuwa Taageersan Dawladda By Mukhtaar Atoosh Baydhabo 11-September-2009 Ururka Alshabab ee ka taliya gobollada Bay iyo Bakool ayaa ku hanajabay in ay dili doonaan cid walba oo ay uga shakiyaan in ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya. Taliyaha Amniga Al-Shabab ee gobollada Bay iyo Bakool Sheekh Xasan Deeroow ayaa Jimcaha maanta ah arintan uga dhawaaqay shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Baydhaba. Mas’uulkan ayaa sheegay in ay dili doonaan jiho kasta oo xiriir la leh, la shaqeeysta ama ciidan u ah Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya. Hadalkan ayaa jawaab ah kadib markii todobaadkan xildhibaano ka soo jeeda goballada Bay iyo Bakool ay ku eedeeyeen kooxda Alshabab ee ka talisa degaankaas in ay dileen dad ay ku sheegeen in ay taageeraan dawladda. voasomali.com Quote Share this post Link to post Share on other sites