Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Al Shabaab safe house attacked + response

Recommended Posts

Muqdisho:Qaraxyo xalay ka dhacay deegaano ay ka taliyaan ururka Alshabaab.

 

Muqdisho(Allpuntland)-Deegaanada ay ka taliyaan ururka Alshabaab waxaa habeenimadii xalay ahayd ka dhacay Qaraxyo bambaano oo aad u weynaa lamana garanayo cida qaraxyadaas cida ka danbaysa,deegaanada ay Alshabaab ka taliyaana lagama aqoon in ay ka dhacaan qaraxyo inta badan,waxayna qaraxyadaani ahaayeen kuwo aad u weyn.

 

Inkasta oo aanan la ogeyn cida qaraxyadaas loola dan lahaa hada waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in qaraxyadan lala eegtay saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab oo halkaas ku sugnaa,waxaana la sheegey in ilaa &imika ay sedex qofi ku dhimatay tiro intaas kabadanna ay dhaawacyo kasoo gaareen,waxayna warar hoose sheegayaan in dadka wax gaaray ay ku jiraan saraakiishii lala damacsanaa,walow aanan wararkaas si toos ah loo shaacin.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in xalay Bambaanooyin lagu weeraray guri ku yaala isgoyska Baar ubax ee Degmada howl wadaag oo la sheefey inay daganaayeen madax sare oo Shabaab ka tirsan oo u badnaa ajaanib,laakin ururka Alshabaab madaxdoodu warkaas way ka gaabsadeen,waxayna sheegeen inay baaritaano ku hayaan cida ka danbeysay weeraradaas oo u ekaa kuwo qorsheysan.

 

Waaberigii saaka ayaa ciidamo hubaysan oo Alshabaab ka tirsani waxay bilaabeen baaritaano ay ku hayaan guryaha u dhow meelihii ay xalay qaraxyadu ka dheceen,waxyana ka xeysteen dad ka agdhawaa xaafadaahas,lamana yaqaano meesha ay geeyeen,waxay sidoo kale saaka xireen guud ahaanba wadooyinka waaweyn ee deegaanada ay ka taliyaan.

 

Weerarkan ayaa ah kii u horeeyey ee lala eegto saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab oo lagu eedeeyo inay maliigaan qaraxyada ka dhaca intabadan dalka Soomaaliya,mana jidho cid Alshabaab ka tirsan oo weli weerarkaas war kasoo saartay.

 

Xafiiska Allpuntland ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Dheere "Bakaaraha cid la qarxiyo oo Cadaw ah ma joogin waxaa jooga Shacab iyo Mujaahidiin, shacabka waa arkeen dadkii qaraxa dhigayay"

 

Cali Dheere "Bakaaraha cid la qarxiyo oo Cadaw ah ma joogin waxaa jooga Shacab iyo Mujaahidiin, shacabka waa arkeen dadkii qaraxa dhigayay"

Afhayeenka Xarakada Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa si cad ugu eedeeyay ururka Xisbul Islaam in ay ka dambeysay qaraxii xalay ka dhacay Isgoyska Baar Ubax iyo qaraxii dhowaan ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

 

Isagoo shir jaraa'id ugu qabtay qadka taleefanka Warbaahinta ayuu sheegay Cali Dheere in baaritaan ay sameeyeen ku ******** in qaraxaas ay ka dambeeyeen Xisbul Islaam, isla markaana dadka dhintay ay ahaayeen kuwii dhigayay.

 

"Bakaaraha cid la qarxiyo oo Cadaw ah ma joogin, waxaa jooga Shacab iyo Mujaahidiin, shacabkana waxay arkeen Meydadka dadkii dhigayay qaraxaas"ayuu yiri Cali Dheere.

 

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale in ragg iyaga horay ugu tirsanaa ay ku qabteen Magaalada Baydhabo, kuwaasoo uu sheegay in ay ka geysan rabeen falal qaraxyo ah sida uu hadalka u dhigay.

 

"Mujaahidiinta waxay gacanta ku dhigeen kuwii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa Daawada, markii su'aalo la weydiiyay waxay dhaheen Mujaahidiin ayaa nahay"ayuu yir Sheekh Cali Dheere oo hadaladiisa ahaa kuwo aan ka leex leexad aheyn, isla markaana si kulul u weeraray Xisbul Islaam.

 

Sidoo kale Cali Dheere ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay Kenya, waxaana uu dagaaladaas dusha u saariyay in ay ka dambeeyeen ururka ONLF, waxaana uu sheegay in dhaawacyadii dagaaladaas ku dhaawacmay loo qaaday dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

 

Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka Alshabaab ayaa ku soo beegmaya xilli xalay qaraxyo iyo weeraro kala duwan lagu qaaday saraakiil ka tirsan Shabaabka, iyadoo aan la ogeyn sida hadalkan ugu jawaabi karaan Xisbul Islaam oo xilligan khilaaf aan qarsooneyn u dhaxeeya iyaga iyo Shabaab.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this