Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland arrests those who went to Asmara meeting outch

Recommended Posts

Somaliland oo xirxirtey Ergoyinkii Asmara

25 Sep 25, 2007 - 8:15:50 AM

 

Qaar ka tirsan ergooyinka ka qeybgalay shirkii magaalada Asmara ay Eriteriya ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen maamulka Somaliland kuwaasoo mudo kadib qaarna ku celiyay dalka Jabuuti oo ay awal safar dhinaca dhulka uga soo ambabaxeen.

 

Ergooyinkan ka yimid Asmara ayaa isugu jiray kuwo ka tegay maamul goboledka Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya halka ergadii Somaliland ay xabsiga ku rebeen maamulkaas iyadoo horay ugu digtay ka qeybgalayaasha kulankaasi in aaney soo mari karin siina mari karin maamul Somaliland.

 

Ergooyinkan oo qaarkood ay ku jiraan oday dhaqameedyo aan sidaa looga aqoon dalka iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ayaa dhulka door bidey madaama intooda badan garoomada diyaaradaha ay maamulaan dowlada.

 

Dhinaca kale waxaa weli halkaasi ku go’doonsan ergooyin kale oo horay jeebkooda isaga dabaray hadana aan heysan qarash ay ku soo laabtaan sida inoo xaqiijiyeen wariyeyaal ku sugan Asmara.

 

Shirka Asmara ayaa lagu dhisey Isbaheysi loogu magac darey dib u xoreynta Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo Xabsiga dhigtay rag ka yimid shirkii Asmara

 

Hargeysa, 25 Sebt, 2007 (Geeska) - Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa horaantii toddobaadkan qabtay rag ka qayb galay shirkii Asmara uga socday kooxaha ka soo horjeeda dawladda Imbigaati iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Somaliya. Sidaas waxa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala oo ku dhow dhow ciidamada dambi baadhista Somaliland.

Sida ay ilahaasi tibaaxeen, raggan oo aan tiradooda la cayimin waxa ay u dhasheen dalka Somaliya, waxaana lagu qabtay magaalada Lawyacado ee xuduudka Somaliland iyo Djibouti, iyagoo ka yimid dhinaca Djbouti, islamarkaana la sheegay inay doonayeen inay u gudbaan koonfurta Somaliya.

 

Saraakiisha sar-sare ee Booliska Somaliland oo aanu isku daynay inaanu xadhiga ragan wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin, balse warku waxa uu intaas ku daray in raggaas loo soo gudbiyay magaalada Hargeysa oo ay hadda ku xidhanyihiin, lamana garanayo go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto, iyadoo dawladda Itoobiya oo ay Somaliland saaxiib yihiin u aragto dadka ka qayb galay shirkii Asmara inay yihiin cadawgeeda.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa.

www.geeska.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by SheekhaJacaylka:

Lesson to all the biidhi qaatayaasha in Somaliland .... the destiny of the losers and final destination of the dollar-driven individuals.

#

Easy with the strong words sxb, knowing how easily you could be tempted - you could be the next TFG MP hailing from SL... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by SheekhaJacaylka:

Ilaahay igama dhigo ee ha i habaarin niyow Ramadaanta waa la iska aqbalaaye
:D

Ok we will throw in the Foreign Ministry as well, and you get a free hand to name Ambassadora as well, sowhat do you say, do you accept this in the spirit of Ramadaan? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this