Sign in to follow this  
Liqaye

Qab qablihii hore iyo kan maanta maxay iska shabahaan maxayse ku kala duwan yihiin

Recommended Posts

Liqaye   

September 08, 2009 (QOL) Caalamkan aan ku noolnahay hadii aad u kuur gasho ayaad ka dheehan kartaa in ay aad u kala duwan yahay dhulkiisu waayo dhulbaa amoos ah oo abaar iyo jilaal daran kajiraa duunyada iyo dadka ku noolna haraad iyo gaajo la il daran yihiin sidaa daraadeedna aan geed cagaaran laheyn halka dhul kale ama qeyb kale oo ku dhaw dhulkaa abaarta ah aad ku arkeeysid Ubax kala nooc ah aadna u udgoon badan indhuhana doogsigooda aysan marnaba ka caajisin isla markaana barwaaqada taal dartii dhulkaa ayaa Onkodku iyo Hilaaca roobka iftiinkiisa meel walba laga dheehan karaa uumiyaha kunoolna nimco iyo baraare gadi cad ugu seexdaan.

 

hadaba hadaan dib u milicsano mowduuca qormada oo ah Qab qablihii hore iyo kan maanta maxey iska shabahaan maxeyse ku kala duwan yihiin taa oo jawaabteeda qof walba oo wadaninimo kujirto durbadiiba la soo boodaayo waa kuwa dilay habel iyo hebel isla markaana dhacay agoontii ilma heblaayo sidaa daraadeed wali ma is weydiisay kuwii dadka leyn jiray ee ka talin jiray koonfurta Soomaaliya sanadihii sagaashamaadkii ilaa 2006dii aaway halkee ka baxeen yaase badalay qab qablihii hore maxuu qaban jiray haduu saaxada dagaalka kabaxay aaway cududiisii ciidan ee masaakiinta ku gumaadi jiray kan hada joogana muxuu hada qabtaa yaase ciidan u ah intaa oo su’aal qof walba haduu is weydiiyo si sahlan oo aan daah ka saarneen ayuu ku heli karaa jawaabteeda.

 

1. Qabqablihi hore dadka waxa uu u leyn jiray ama u dhici jiray waa reer hebel iyo waa looma ooyaan laakin hada waxaa soo baxay qab qablayaal kadawan ayaga oo dadka u laaya waa murtad sidaa ay tahayna aan la ogeyn meesha oo dhibanaha diinta islaamka uga baxay.

 

2. Qab-qablihii hore waxa uu isbaaro dhigan jiray meelaha nacfiga leh ay shacabka adeegsadan sida baraha koontaroolada iyo ayaga oo furta garoomo iyo dakado sharci dara ah si ay ugu noolaa ayaga iyo maleyshiyaadkooda lakin kuwa hada jooga kuwaa way kadaran yihiin oo waxa ay ku dhax jiraan dadka waxeyna la qaxaan shacabka ayy ayagaba wax ka qixiyeen.

 

3. Qabqablihii hore waligiis damaciisa siyaasad xumo ee kursi doonta ah kuma uusan raadin diin iyo cimaamad lakin hada waxaa yimid kuwo dadka rido ku tilmaama oo hadaadan isku fakir aheyn meel walba kugu dila isla markaana aan u arag in ay dambi ku tahay dhibanahaa ay dileen sidaa oowgeedna sheegta in eey diinta islaamka u adeegaan.

 

4. Qabqablihii hore waligii lama uusan shir tagin qisaas ama xad ayaan fulinayaa maanta lakin waxa uu u qeybin jiray meelaha uu ka taliyo iyo inta ood wadaagta la ah hoobiye iyo madaafiic waa weyn isla markaana xertiisa ********ta u soo dhici jireen wax walba ay u gartaan in hogaamiyahooda ku qanci doono lakin kadaran oo dibi dhal waxaa la arkay sanadahan dambe wadaado sheeganaayo in sy xad oofinayaan inkastoo xadka oo la oofiyaa Alle nafarayo hadana loo wakiishay xaakim caadil ah xukunkiisa uu yahay mid nagaashiyo leh oo aan guur guurin lakin kuwa hada joogo waxaa la dhihi karaa waa sidii garab rarato beriba katagaayo meeshey xukunka ku oofiyaan.

waligiin ma is weydiiseen gabadhii yareed ee dhagaxa Kismaayo lagu dilay yaa la galmooday ileyn qof kaligii ma zineestee oo kaligii oo qura xad laguma oofiyo oo falkaa waxa uu ka dhex dhacaa laba qof oo qangaar ah hadaba maxaa xad loogu oofin waayay qofkii ayada jaalkeeda ahaa mise waxa loo qaadan karaa saana waan yeeli karnaaa !.

 

 

5. Qab-qablihii hore xiligii uu amar taagleyn jiray majirin qax ama dhimasho inta aan hada aragno u dhaw lakin aminka dalkeeni waa ka bur bur iyo barakac badan yahay ayaga dabadii taana waxaa ugu wacan dadkeeni oo marba hogaanka u qabtaan isma dhaanto iyo dhasheedd.

 

Sidaa daraadeed Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay noqdeen dad dhaxal u ah dhiig miirato aan is dhaamin Sheydaankooda iyo Wadaadkooda marnaba aan ka nixin dhimashadooda iyo dayacnaanto ku heystato meelaha ay u qaxaan

inkastow ay jiraan wadaado magac leh oo ka dhiidhiya dhibka shacabka haysto, kuwaana aan dhag jalaq loo-siinin. waxaan alle uga baryayaa Bisha ramadaan fadligeeda in bishan bisheeda kale ay Soomaaliya la soo noqoto sharaftii iyo magacii ay ku laheyd aduunka Aamiin Aamiin Aamiin.

 

 

Qoraa Sare Caaqil Anwar Diini

Email: wardhigley55@hotmail .com

Kuala Lumpur Malaysia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this