Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: nothing has changed....

Recommended Posts

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo Culumaa'udiinka kala hadlay Khudbado laga soo jeediyo Masaajidada

Last Updated::2006-10-31 14:17:04

 

Gaalkacyo:- Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa kulan gaar ah la yeeshay culumaa'udiinka magaalada xarunta Mudug.

 

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin sar sare oo kamid ah Ciidamada Amniga, ayaa looga wada hadlay khudbado xasaasi ah oo ay Culumaa'udiinka qaarkood is dhaafsadeen.

 

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa kamid ahayd goobihii dhawaan looga dhawaaqay Jihaad ka dhan ah maleeshiyooyinka Maxaakiimta hadii ay soo galaan magaalada.

 

Waxaana sidoo kale jirta kala qeyb sanaa ku aadan dhinaca siyaasada ee Culumaa'udiinka, ayadoo ay jiraan khudbado lid isku ah oo laga jeedinayey qaar kamid ah Masaajidada magaalada, arrintaasi oo uu maamulka degmada ku tilmaamay mid wax u dhimi kara amniga deegaanka.

 

Maamulka degmada ayaa ka codsaday Culumaa'udiinka in la joojiyo khudbadaha xiisada dhalin kara isla markaana si mideysan looga wada shaqeeyo sidii loo adkeyn lahaa amniga.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com - Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka hadlay Xaalada Amaan ee Gaalkacyo

Last Updated::2006-10-31 14:49:50

 

Gaalkacyo:- Taliyaha Ciidamada daraawiishta DGPL C/laahi Cali Mire (Carays) ayaa saaka waxa u faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay arrimaha nabad galyada gobolka.

 

Mudane Carays oo waraysi gaar ah siiyay Shabakadda warbaahinta ee Radio Gaalkacyo ayaa waxa u sheegay in xaaladda nabad galyada gobolku ay aad u wanaagsan tahay, waxa uu intaasi daray in ay lagama maarmaan ay tahay in sidaasi laga sii xoojiyo.

 

Taliyaha oo wax laga waydiiyay kulan uu la yeeshay Xill. Cismaan Xasan Cali ( Caato) Mar uu gaalkacyo yimid waxa uu ku saabsanaa ayaa waxa uu sheegay in uusan si gaaar ah ula kulmin balse ay muqadas tahay in Cusmaan Caato ay oo soo dhoweeyan madaxda Puntland maadaama uu yahay Xildhibaan dawladda federaalkaa ah soona doortay xukuumadda Soomaaliya, aysanna cidna oran karin maxaa loo soo dhoweeyay, iyo maxuu u yimid?.

 

Balse waxa uu intaasi raaciyay taliyuhu in Caato ay isku arkeen guriga islaanka aaysanna wax gaar ahi dhex marin isaga iyo Caato.

 

Taliyaha ciidamada daraawiishta ayaa waxa uu sheegay in dhowaan ay dalka soo galayaa ciidamada IGAD Som oo gacanta siinaya xukuumadda Soomaliya , sidaasi daraadeed loo baahan yahay in la wada adkeeyo xasiloonida iyo nabad galyada gobolada dalka.

 

Faarax C/qaadir Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Wasiirka maaliyadda Puntland oo safar dag dag ah Gaalkacyo ku yimid kana hadlay maxkamad la sheegay in Gaalkacyo looga dhawaaqay.

Talaado, October 31, 2006

 

Gaalkacyo (AllPuntland)- Wasiirka maaliyadda ee DGPL Dr. Maxamed Cali Yusuf Gaagaab oo maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda magaalada Gaalkacyo iyo amaanka gobolka.

 

Wasiirka oo qaar ka mid ah warbaahinta gobolku ku booqatay hooygiisa ayaa waxa uu sheegay in sida ay wararku ku soo gaareen ay jiraan xubno u durbaan tumaya maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu mudane Gaagaab sheeagay in ay tallaabo cad ka qaadayaan xubnahaasi iyo cid waliba oo isku dayda in ay amaanka Puntland khalkhal galiso.

 

Mudane Gaagaab ayaa waxa uu intaasi ku daray in beelaha dagan magaalada Gaalkacyo ay yihiin ku wo midaysan aysanna suuro ahayn in beel ka mid ah beelahaasi ay u dhaqaaqdo mawqif u gooni ah.

 

"Amaanka Puntland waa mid fiican, balse waxaa jira xubno la sheegtay in ay taageersan yihiin maxkamadaha magaalada Muqdisho, mana garanayno sababaha ay ugu xusheen" ayuu yiri Mudane gaagaab mar wax laga waydiiyay waxa ay xukuumaddu kala socoto arrimaha ku aadan maxkamadda la sheegay in Gaalkacyo looga dhawaaqay.

 

Sidoo kale mar wax laga waydiiyay inta ay la egtahay diyaar garoowga ciidan ee ay galeen ciidamada Puntland ayaa waxa uu yiri:-

"Ciidamada Puntland mar walibaa waxa ay ku jireen difaaca dalkooda, waana ay wadayaan oo marna kama ay dalayaan, waxaana ay xilligakani qaadayaan tallaabo waliba oo ay waxa amaanka wax u dhimaya uga hor tagayaan" .

 

Wasiirka maaliyadda ee DGPL ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Mudug in ay garab is taagaan maamulkooda oo ay ka hor yimaadaan cid waliba oo wax u dhimaysa amaanka Puntland.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this