Sign in to follow this  
Cowke

Hussein Aideed Urges To Fight Foreigners

Recommended Posts

Cowke   

Xuseen Caydiid halala diriro Ajnabiga

13 Jun 13, 2010 - 9:16:29 AM

 

Xuseen Max'ed Caydiid oo ka mid ah xubnaha ARS-Asmara ayaa isagoo ku sugan London wuxuu sheegay in dalka Somalia ay faragelin ku hayaan Ajnabi, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay ka hortagaan kooxahaas ajnabiga ah.

 

Ma sheegin Xuseen Caydiid Ajnabiga uu gacanta kula jira Somalia, wuxuuse sheegay in dagaalada ka socda Somalia aysan ahayn kuwo u dhexeeya Somalida oo keliya, balse ay ku lug leeyihiin kooxo Ajnabi ah.

 

"Shacabka Somalia waa inay marka hore iyagu heshiiyaan ayna meel uga soo wadajeestaan kooxaha ajnabiga ah ee dalka kusoo duulay" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo xusay inay isaga ula muuqato in xaalada Somalia ay dagi lahayd haddii sidaas la yeelo.

 

Xuseen Caydiid oo ahaa hogaamiyihii SNA kadib markii uu dhintay Aabihiis ayaa kasoo noqday dowladii TFG ee uu hogaaminayay Col. C/llaahi Yuusuf Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somalia iyo Ra'iisul wasaare ku xigeen.

 

"Waxaan soo jeedin lahaa in laga hortago cadowga dalka kusoo duulay, si loo badbaadiyo Somalia, hadii kale waxaa imaan doonta in Somalia la qabsado" ayuu yiri Xuseen Caydiid.

 

Mudane Caydiid ayaa horay u sheegay in Somalia ay kusoo duuleen kooxo Ajnabi ah oo uu sheegay inay gacansaar la leeyihiin hogaamiyaha Ururka Al-Qaeda Sh. Osame Bin Laden, balse ma sheegin ajnabiga uu hadda sheegayo cida uu ula jeedo.

 

Hogaamiyihii hore ee SNA ayaa wuxuu ka dhaxlay maamulka ururkaas Aabihii Gen. Max'ed Faarax Caydiid oo ku dhintay dagaalo ka dhacay Muqdisho [Aug 01, 1996], isagoo burburiyay dowlad uu aabihii dhisay lana heshiiyay Cali Mahdi oo ay dagaal kula jiray Aabbihii.

 

Xuseen Caydiid ayaa haatan ah gudoomiye ku xigeenka Isbahaysiga ARS-Asmara, wuxuuna soo dhaweeyay ergayga cusub ee UN-ku uu u soo magacaabay Somalia, kaasoo badalaya Ergaygii hore Ahmadou Ould-Abadallah oo shaqeynayay 3-sano.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this