Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso: Puntland Admin arrest elders/merchants of two feuding clans to END IT

Recommended Posts

Maxamuud-Faarax-Beeldaaje-300x189.jpgDuqa Bosaso oo ka hadley xariga odayaasha Barri

21 Sep 21, 2010 - 12:05:26 PM

 

Duqa magaalada Bosaso Maxamud Faarax Beel-daaje oo u waramayey Radio Garowe ayaa ka hadley xariga 19 qof oo isugu jirra odey dhaqmeed & Ganac-sato kawaasoo kasoo jeeda labo beelood oo xurguf aano qabiil ka dhaxeysay muddo labo sano ah.

 

Waxaa uu sheegey duqa in talaabadan tahay mid uu maamulku ku dhaqaaqey si xal loogu hello xalinta labada beelood oo doorkoodii kaga aadanaa Odoyaasha la xirey ay ka gaabiyeen kadib markii dowladu ka weydey dadaalo ku wajahan coladaa jirta.

 

Duqa Bosaso Maxamud Beel-daaje ayaa intaa ku darey in haatan wixii ka danbeeya dowladu labadan beelood sharciga ku kala saareyso islamarkaana ciddii isku deyda in ay ka hor timaado talaabo cad laga qaadayo.

 

AKHRI: Magagacyada dadka la xirey saakey

 

Dhageyso Wareysiga Duqa Bosaso Wariye Abshir Cabdulaahi Radio Garowe uu la

Share this post


Link to post
Share on other sites

Booliska Bossaso oo xabsiga u taxaabey Odayaal

21 Sep 21, 2010 - 7:25:37 AM

 

Ciidamada amniga magaalada Bosaso ayaa xabsiga maanta 21.09.2010 u taxaabey 19 Odey oo ka kala tirsan labada beelood ee walaalaha kuwaasoo dirir horey ugu dhexmartey degaamada ay wada-dagaan.

 

Dowlada Puntland ayaa amartey xariga odayaashaan kuwasoo isugu jira ganacsato caan ah iyo odey dhaqameedyo kadib markii dilal aaneysi qabiil ah maalmahaan dib u bilowden kuwasoo intooda badan ka dhacey xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

 

Magaalada Bosaso ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa lagu diley sadex qof oo ka tirsan labadaan beelod tasoo sababtey in odayaashaan xabsiga loo wada taxaabo kadib markii dowlada digniin ka soo saartey xakameynta coladaan.

 

Sarkal diidey magaciisa ayaa warsidahaan u sheegey in sababta loo xirey odayashan tahay kadib markii ay baneyeen kaalintii looga baahnaa islamaraana ku guldareysten iney xakameyeen coladaan oo in muddo ah u dhexeysay labadan belood.

 

Horey ayaa dowladda Puntland go'aan uga soo saartey in la joojiyo coladaan iyadoo uga digtey dhinacayada ay ka dhexeyso in aan dib loo soo celin.

 

Dhinaca kale waxaa odayaasha labadan belood ku guuldareysteen kala qaadashada magahii loo kala xakumey iyadoo wararku sheegayaan in Beesha Cali Saleebaan ka caga jiitey bixinteeda madaama laga sugayey inta badan ee magdhowga dagaladii dhacey.

 

Odayaashaan ayaa iminka ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Bosaso iyagoo warar aan ka helyno gudaha xasbiga sheegayaan in lagu hayo goob munaasab ah oo aan la dhex galin dadka dambiilayssha ah.

 

Liiska magacyada dadka la xirey oo u suurtagshey Garowe Online iney hesho waxaa kamid ah:

 

Odayaashe

 

1- Libaan Yusuf Maxamad

2-Muse Farax Yusuf

3-Maxamad Xasan maxamad

4-Cumar Muse Maxamad

5-Salaad Siciid Maxamad

6-Axmad Siciid Badow

7-Gaacshe Jamac Cali

8-Cismaan Farax Yusuf

9-Abshir Yaasiin Dalmar

10-Xasan Jamac Maxamad

11-Maxamad Jamac Maxamad

 

Odayaasha

 

1-Shire Siciid Maxamad

2-Muse Farax Maxamad

3-Cali Cumar Guure

4-Farax Siciid Cuud

5-Siciid Shire Faahiye

6-Maxamad Farax Maxamad

7-Abdulahi Aadan Yusuf

8-Maxamad Yusuf Maxamad

 

Warsaxafadeed galabta ay qabteen gudoomiyaha degmada Bosaso Maxamud Farax Beeldaaje iyo Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal ayey ku sheegeen in dowlad mas'uuliyad ka saaran tahay xasilinta amniga islamarkaana u dulqaadan doonin cid walba oo khalkhal galin karta.

 

Labadan mas'ul ayaa sheegey in dadkii gaystey falalkii dambi ee ugu dambeyey kuwasoo ka dhacay Bosaso Bolisku ku daba jiro islamarkaana la qaban doono.

 

Saraakisha ciidamada amniga iyo xubno ka tirsan xukuumada oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa shirar aan kala go laheyn ee la xiriira amniga uga socdaa xarunta Madaxtooyada Bosaso.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka degmada Bosaaso ayaa ka hadlay warar soo baxaayey maalmihii u danbeysey oo sheegaaya in odeyaal dhaqameed lagu xiray magaalada Bosaso kuwaas oo ka tirsan labo Beelood oo hadda kahor ku dagaalamay deegaanka Igdheys ee gobolka Bari .

 

Tirada odoyaasha la xiray ayaa garaysa 20 oday, waxaana xabsiga loo taxaabey maalintii shalay (Talaado).

 

Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo wareysi siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in odeyaashaas ay ka qayb qaadan waayeen dedaalo nabadeed oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisad ka dhex aloosnayd labada beelood, taas oo dib u soo cusboonaatey.

 

Wuxuu intaas ku daray in maamulka xaq u leeyahay in talaabo ka qaado cidii ay u aragto in ay caqabad ku tahay amaanka.

 

Duqa degmada ayaa sheegay in Dawladda ay ka quusatay dedaalo nabadeed ay doonaysay in ay dhex dhigto labada beelood.

 

Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso ayaa sheegay in ay isku dayayaan si kasta oo ay ku qaboojin karaan xiisadda labada beelood dhextaaladan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

To sum up the news, the Puntland admin carried out the mass arrests of elders and businessmen of two feuding clans as a way of putting pressure on the two communities to bring an end to the vendeta. The arrests were made to highlight their failure to bring a resolution to the clashes which started in the rural parts of Bari but have now come into the city whish these two clans both reside together in. The population of Puntland and the admin are fed up with the blood letting and meaningless violence and this was a new ay of dealing with this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaal Lagu Xiray Boosaaso iyo Mamulka Oo ka Hadlay.

Posted by Ali on September 22nd, 2010

 

Boosaaso(Puntlandi.com);- Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelo ku dagaalamay Gobolka Bari.

 

Odayaasha la xiray ayaa gaaraya 20 oday waxaana ay kamid ahaayeen odayaal ku ka qaybqaadanayay xalinta beelo ku dagaalamay deego hoosyimaada gobolka bari.

 

Mamulka gobolka ayaa sheegay in amarka odayaasha lagu xiray ka soo baxay dawlada puntland waxaana lagu eedeeyay in aysan dhaxdhaxaad ka ahayn dhamaynta colaada.

 

Duqa magaalada boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa sheegay in odayaashan lagu eedeeyay in aysan daacad ka ahayn dhamaynta colaada labada beelood ka dhaxaysa.

 

Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa intaa ku daray in dawlada qaadatay go’aankaa in odayaasha laxiro .

 

Jamaal Faarax Nuur

 

Puntlandi.com Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is not a good idea.

 

There is nothing laudable about the collective punishment of these tribal elders, most of whom have done nothing wrong individually. The authorities ought to bid their time and wait to see who commits a crime, and then come down hard on the individuals who done it, instead of arresting innocent folks for belonging to a tribe that is involved in a blood feud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I think this is sending a message, its a way to bring both these groups together. Maybe by putting all these influantial men in one jail cell they might talk and figure things out.

 

Also these are the men who signed two peace accords before and did nothing...

 

Consider also that the Mayor Bosaso & Governor are both involved and taking a lead it means they belive it might be a solution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Nothing can justify the deliberate trampling on an individual's rights, simply to send a message, as you say.

 

As I mentioned earlier, let's not give too much credence to these men who after-all are just mere citizens like everyone else. If, and only if, they commit a crime, must they be punished severely, irregardless of their peace accords, feuds and whatnot. This is the only way justice can prevail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I agree with you in normal times, the fact that the community is quite indicates there is an agreement with this move.

 

Also I dont belive they are being charged with any crime, just being pressured to do their job as leaders and bring an end to this madness that has cost lives..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^IMAAM Faroole here we go again! what is next ? wasiir hebel waa la xidhay :D !!maxaa ka daran midan ,, he is always right according to our OLD Duke huh!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^This is the decision of the Bari regional admin and Mayor of the city of Bosaso. They are leading the search to ending this local feud. InshaAllah it will be the end of it...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this