Sign in to follow this  
Jacaylbaro

FRESH FIGHTING STARTED IN MOGADISHU

Recommended Posts

Mogadishu 11, April.07 ( Sh.M.Network) Israsaaseyn xoogan ayaa ka bilaabatay goordhaweyd Wadada Fagax ilaa Hotel Kaah iyo xaafadaha Jungale ee W/magaalada Muqdisho, iyadoo iska horimaadkaan uu u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Dagalkaan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaan wali la ogeyn qasaaraha uu geeystay, iyadoo dagaalka uu yahay mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya.

 

Daryanka rasaasta iyo madaafiic ayaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Lama soo sheegin wali ciidamo Ethiopian ah oo ku lug leh dagaalkaasi, inkastoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaalka uu ku fido aagag kale oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Ethiopia iyo kooxaha wax iska caabinta.

 

Dagaaladaan ayaa waxa ay ku soo beegmeen xilli shalay markii 3aad uu dib u dhac ku yimid kulankii la filayay in uu dhex maro saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo odayaasha Beesha ******.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 11, April.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo goos goos ah ayaa wali waxa ay ka soconayaan agagaarka deegaanka Fagax ee ee W/magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia iyo kooxaha ka soo horjeeda ee diidan ciidamada shisheeye uu yara qaboobay.

 

Dagaalkaan oo si goos goos ah ku bilowday saakay ayaa sii kululaaday barqonimadii maanta , iyadoo labada dhinaca ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana haatan dagaalka uu noqdey mid ka yara qabow sidii hore.

 

Rasaas iyo madaafiic goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa halkaasi sida uu shabelle u sheegay Wariye Madax banaan oo la yiraahdo C/laahi Xuseen oo ka mid ah dadka deegaanka Fagax.

 

Dagaalkaan ayaa ku sii fidey deegaanada Jamhuuriya iyo Juungale, iyadoo halkaasina ay ka dhacday dirir xoogan oo wali aan la garaneyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, inkastoo Wariye C/laahi Xuseen uu indhihiisa ku arkay meydka labo ruux iyo dhaawaca 3 ah, iyadoo sidoo kale Isbitalka Madiina la dhigay 3 kale oo dhaawac ah.

 

Dagaalkaan ayaa yara qaboobay 1dii duhurnimo ee maanta, iyadoo wali laakiin ay jirto isku hub uruursi ay wadaan labada dhinac oo suurto gal ay tahay in dagaalka uu sii kululaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 11, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa ku eedeysay dagaalada ka dhacay maanta agagaarka igosyka Fagax ee Magaalada Muqdisho in ay ka dambeeyeen kooxo ay ugu yeertay argagixiso.

 

Wasiir K/xigeenka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia, Salaad Cali jeelle ayaa sheegay in ay soo weerareen Hotel Kaah kooxo uu ku tilmaamay argagixiso iyo qaar ka mid ah haraadigii Maxkamadaha islaamka waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu sheegay in ay uga dhaawacmeen 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Waxa uu meesha ka saaray warar sheegaya in ciidamada dowladda KMG ah dagaalkaasi looga qabsaday baabuur dagaal.

 

Dhinaca kale Afhayeenka Guddiga Xabad joojinta Beelaha ****** Xuseen Siyaad Qoorgaab, oo isna ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay in ay weerarka soo qaadeen ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia, iyagoo soo weeraray fariisimo ay lahaayeen ciidamada ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopia iyo xulufadooda.

 

Afhayeenka ayaa waxa uu ku eedeeyay ciidamada dowladda in ay carqalad ku yihiin xabad joojintii ay wada gaareen saraakiisha Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka beelaha ****** ka dib dagaalo socday muddo 4 maalmood ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

What's with the triple posting there JB. have some of the fanatics on here taken effect on you

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this