Cowke Posted October 4, 2009 Tabobarka Macalimiinta Kubada Cagta Oo Soo Xirmay Iyo Saddexda Macalin Ee Ugu Qaalisanaa Oo La Soo Bandhigay (Daawo Sawirada) Published on: October 4,2009 Garowe Time 4:07 pm RBC Radio oo Wareysatay Duqa Cusub ee Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan (Dhageyso) Magaalada Gaalkacyo ayaan waraysi kula yeelanay Xafiiskiisa Duqa Cusub ee Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan, Gaalkacyo (RBC): Xarunta Nabada iyo Horumarinta Waxbarashada ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta lagu soo gabogabeeyay tababar u socdey mudo Sagaal maalmood ah Macalimiinta Kubada Cagta oo ka kala yimid ilaa iyo Sagaal Gobol. Munaasabada lagu soo afmeerayay tababarka Macalimiinta kubada cagta ayaa waxaa ka soo qeyb galay C/qaadir Xuseen Nuur oo ah Xildhibaan katirsan DKMG Soomaaliya, Wasiir kuxigeenka Isboortiga ee Dawlada Puntland Axmed Cawaale Cigale, C/naasir Badal Khalaf oo ka socda Olombikada Puntland, Gudoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudug Maxamed Muuse Salwe, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Gobolka Mudug Bashiir Maxamed Mire, Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji, iyo waliba khuburo dhinaca ciyaaraha. Tabobarkani oo ay soo qaban qaabisay Hoyga Horumarinta Isboortiga iyo Dhalinyarada ee Puntland ayaa waxaa duruus lagu barayay ilaa iyo 37 Macalin oo ka kala yimid Gobolada, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Karkaar, High-land, Mudug, iyo xubno ka socda maamulka Galmudug. Siminaarka oo ka socday Xarunta Nabada iyo Horumarinta Waxbarashada ee Magaalda Gaalkacyo ayaa maanta lagu guuleystay in loo soo xiro dhamaan macalimiintii halkaasi wax ku baranaysay. Gudoomiyaha Hoyga Horumarinta Isboortiga iyo Dhalinyarada Puntland Maxamed Xaaji Aadan “Uuraay” isla markaana ahaa mid ka mid ah xidigihii xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka hadlayay munaasabada xiritaanka tababarka ayaa waxaa uu mahad celin u jeediyay Jaaliyadaha dibada ee Puntland gaar ahaan North America, oo uu sheegay in ay ka qeyb qaateen hirgalinta iyo gacan qabashada barnaamijkani, waxaaa uu sidoo kale mahad celin u jeediyay Hay’ada PDRC oo gacan soo dhaweyn ah ka geysatay xilliga ay imanayeen Puntland, iyo sidoo kale Xarunta Nabada iyo Horumarinta Waxbarashada ee Magaalada Gaalkacyo oo uu sheegay in ay sahleen adeegii ay u baahnaayeen oo ay ka mid tahay in ay siiyeen xarunta lagu qabtey tabobarka iyo gaadiidka intaba. Intii ay socotay Munaasabada lagu soo gaba-gabeynayay tababarka macalimiinta ayaa mas’uuliyiinti i ka hadashay waxaa ka mid ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo sheegay in dhalinyaradu dadaalaan, isaguna ka taageeri doono waxyaabo badan oo isboortiga muhiim u ah, dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Isboortiga Puntland Axmed Cawaale Cigale oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay intaan oo macalimiin ah in uu tabobar ceynkan ah u soo xiro, ka wasaarad ahaana uu taageero siin doono isboortiga Puntland, waxaana dhaliil uu u jeediyay intii uu hadalka watay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay howshoodii gabeen. Gaba-gabadii Munaasabada ayaa waxaa la gudoonsiiyay Shahaado sharaf Sadexdii Macalin ee ku guuleysatay in ay noqdaan kuwa ugu kaalima sareeya imtixaanaadkii la qaaday, waxaana lambarka koowaad ee Macalinka Kubada Cagta noqday Ilyaas Cabdi Nuur, Labaad waxaa galay Khadar Warsame Aadan “Codey” halka macalinka Sadexaad uu noqday C/rashiid Maxamed Cabdulaahi, waxaana Shahaadada gudoonsiinayay Wasiir ku xigeenka Sportiga. Macalimiinta kaalimaha Koowaad iyo Labaad galay ayaa ah kuwa ka howlgala Gobolka Mudug halka Macalinka Sadexaad uu ka socday Gobolka Sanaag, ugu dambeyna kulanka ayaa waxaa soo xiray Maxamed Xaaji Aadan oo sheegay in tababarada iyo garab qabashada Isboortiga Puntland aysan intaa uga hari doonin oo ay jiraan taageero farabadan oo ay galin doonaan isboortiga qeybihiisa kala duwan. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites