Cige Posted April 25, 2009 KN: Police-ka Puntland ayaa muddo baddan kadib qaadaya talaabooyinkii ugu horeeyey oo ay kula dagaalamayaan hoorka maandooriyaha qamriga, 328 dhallo oo qamri ayay Police-ka shalay ku qabteen magaalada Garoowe ee xarunta puntland. Waxaa Garoowe caadi ka noqdey dhalinyaro rag iyo dumar isugu jira oo sarqaansan kuwaaso qamriga fagaarahaasha la yimaada, goobaha lagu caweeyo ee qamiriga lagu fuudo ayaa kusoo kordhey magaalooyinka Puntland iyadoo ganacsiga qamriga iyo maandooriyaha uu noqdey ganacsi siweyn looga macaasho. Qamriga Puntland laga isticmaalo waa kan calaqda ah oo qamadiga la qamiiriyey laga sameeyo, waxaana laga keenaa deegaanada xabashida. Muddo billo laga jooga waxaa la qarxiyey caweys qamriga lagu cabbo oo ay lahaayeen haween xabashi ah kuna yiiley Garoowe, waxaana falkaasi geystey dadka deegaanka oo ka argagaxay waxa meesha ka socda. Kadib cabasho baddan oo ka timid culumada iyo dadweynaha ayay markani ciidamada Puntland oo laftood lagu eedeeyo in ay qamriga isticmaalaan qaadayaan talaabooyin aan dhoolotus ka badneyd oo ay kula dagaalamaayaan qamriga iyo maandooriyaha oo ka ganacsigiisa iyo isticmaalkaba uu siweyn usoo kordhayo. Waxay sheegeen in ay soo qabteen boqolaal dhallo oo qamri ka dhaansanyahay, talaabadani timid kaliya markii uu sidaasi amray Madaxweynaha maamulka Cabdiraxmaan Faroole Arrinta ugu argagaxa baddan waa haweenka oo markani kusoo biirey isticmaalka qamriga, iyadoo Garowe laga furey caweysyo raga iyo dumarka ay ku wada tuntaan Warar aan ka helney Bosaso ayaa sheegaya in dhawaan shatiyo ganacsi la siiyey dad Hoteelo raaxo ah ka furanaya Xeebta agagaarkeeda, haalkaasi oo loo ogolaanayo in qamriga lagu cabbi karro, dadkaasi hoteelada furanaya waxa ay sheegayaan in talaabadani ay soo jiidan karto dalxiisayaal daqli Puntland soo galiya si la mid ah Somaliland oo ay Berbara iyo Hargeeysa ku yaalaan hoteelo loo tamashlo taggo, gaar ahaan ajaaniibta. Kani waa war dhiilo huwan, waxaana muuqata in heerkii ugu xumaa ay bulshada marayso. KismaayoNews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted April 25, 2009 CIGE: anigu waanba kugu wareeray e maxaad u taagantahay, mar magac diin baad wax ku amaanaysaa, mar dad baad wax ka sheegaysaa, gabdhaha aad leedahay magaalada ayay dhexmaraan ayagoo saqraansan miyaadan ogayn hadii ay arintaa been tahay in aad ku dhacday danbi ka mid ah danbiyada kabaa'irta ah ee aadka u waaweyn, kaasoo ah "QADFUL MUXSANAAT ALQAAFILAAT" Walaalow ka feejignoow inaad soo guuriso wax walba oo ay soomaai iska qorato. Quote Share this post Link to post Share on other sites