Sky Posted May 21, 2005 Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo safarkiisii Washington ee cariga Mareykanka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar oo dhawaan booqasho gaaban ku yimid dalka Mareykanka ayaa waxaa xaflad soo dhaweyna ah loogu qabtay Hotelka Intercontinental ee magaalada Washington. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanaka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxaa halkaas uu kula kulmay qaar ka mid abwaano iyo Fannaano Soomaaliyeed uuna hor kacayey Abwaan Maxamuud Cabdullahi Sangub iyo xidigaha fannaka Saado Cali Warsame iyo Fatuma Cali Nakruma. Fannaaniita Soomaaliyeed ayaa waxay halkaas ku guddoonsiiyeen madaxweyne Geele Bilad sharaf uu ku muteystay sida uu ugu taagan yahay xal u helidda dhibaatada ummadda Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale u hambalyeey Jaaliyadda reer Jabuuti ee degan dalka Maraykanka ee oo hogaaminayey Cabdiraxmaan Ciise Kaahin, Cabdi Qayad iyo Xaaskiisa Khadra Qassim Mudane Ismaacill Cumar Geele ayaa ka dhoofay Magaalada Washington Maalintii Axadda taariikhduna ahayd 15 May, 205 Quote Share this post Link to post Share on other sites