Sign in to follow this  
Gabbal

Dagaal Aad U Kharaar Oo Kasoconaya Oo Meel U Dhow Degmada Galinsoor

Recommended Posts

Gabbal   

Dagaal Aad U Kharaar Oo Kasoconaya Oo Meel U Dhow Degmada Galinsoor

Dec 24,2006

byGalkacyo-Gedo-NN

Dagaalkan oo saaka bilowday 12 aroornimo ayaa waxaa laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Inkastoo qoloba qolada kale ay ku eedaysay inay dagaalku iyada soo qaaday ayaa wuxuu ahaa mid si wayn loo filayey inuu ka dhici doono degaankaasi.

 

Khasaaraha dhinaca Puntland kasoo gaaray wuxuu gaarayaa 4 Askari oo dhimasho ah halka dhaawucuna uu gaarayo 7 nin. Dhaawacaan ayaa waxaa ku jira tiro ka badan 10 neeyo nin oo ka tirsan Maleeshiyaadkii Maxaakiimta oo dagaalka ku soo dhaawacmay.

 

Inkastoo dagaalku uu wali socdo waxaa wali jidka ku soo jira dhaawacyo kale oo gawaarida soo saran oo labada dhinac ah. Dagaalkan oo ka bilowday jiida hore ee Bandiiradleey ayaa haatan laysla marayaa meel u dhow Degmeda Galinsoor ee gobolka Galgaduud. Taasoo dagaalka ka dhigaysa in ciidamadii maxaakiimta dib loo riixay.

 

Masuuliyiin u hadashay daraawiishta Puntland ayaa sheegay inay ciidamooda ay dib u riixeen ciidamada midowga maxkamadaha, inkasta uusan sheegin in ciidamada Itoobiyaanka iyo diyaaaradahooda ay ka qeybqaateen dagaalkii ka dhacay degaankaasi.

 

Dagaalkan oo ay kaqayb qaateen ciidamada Ethiopia waxaa la sheegayaa in ay ka qayb galeen Diyaaradaha Qumaatiga u kaca, waxaase ay masuuliyiinta Puntland sheegayaan in aysan inaba ha yaraatee dagaalku galin diyaaradaha Milatariga. Iyadoo diyaaraduhu soo qaadayeen dhaawaca halkaas yaala. Dagaalkan oo ah mid aad u kharaar waxaan si kooban loo sheegi Karin khasaaraha dhabta ee halkaas ka jira.

 

Afhayeenka dawladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Diinnaari oo asna ka hadlay xaflad magalada Baydhabo ka dhacday oo lagu furayey Idaacad ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay inay ciidamo taabacsan dowladda ay la wareegeen degaanka Bandiiradleey oo yiri inay dagaal kula galeen ciidamada midowga maxkamadaha. Sidoo kale wararka ka imanaya meelo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu dagaal ka socdo degaano ka tirsan gobalkaasi.

 

Maxamed Jaamac Faarax.Gedo News Network-Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this