Sign in to follow this  
Dhubad.

Yey waa looyeeray markale.

Recommended Posts

Dhubad.   

Odayga sida u dhakhsaha badan ku soo xaroow ayaa layiri markale. Cajiib.

 

Wafdi uu hogaaminayo C/laahi Yuusuf oo si kadis ah galabta ugu duulay Adis-ababa

 

 

Baydhabo 22, April.07 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ka dib markii uu socdaal ku tagay magaalada Adis-ababa ayaa maanta mar kale booqasho kadis ah waxa uu ku gaaray magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

 

Booqashadaan oo ah mid kadis ah oo aan horey loo qorsheyn ayaa Madaxweynaha dowladda waxa uu kulamo albaabada u laaban yihiin uu kula qaadan doonaa Mas'uuliyiinta magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

 

Wakaaladda Wararka ee dalka Yemen ayaa waxa ay ka soo xigatay diblumaadsi African ah in booqashada Madaxweynaha ay ku wehliyaan xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Max'ed iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somalia.

 

Diblumaadsigaan ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socda durbadiiba ay kulamo looga hadlayay xiisadaha ka jira Somalia ay la qaateen Ra'isulwasaaraha Ethiopia Males Zenawi.

 

Waxaa la tilmaamayaa in booqashada Madaxweyne C/laahi Yuusuf ay timid ka dib markii casuumaad deg deg ah uu ka helay Madaxda xukuumadda Adis-ababa.

 

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli Madaxda Adis-ababa ay xiriiro la soo sameeyeen saraakiishooda ciidamada ka jooga Somalia si ay u bilaabaan wada hadalo ay la yeeshaan xoogagga ka soo horjeeda.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka ambabaxay maanta galinkii dambe magaalada Baydhabo, isagoona maalin ka hor ka soo laabtay magaalada Adis-ababa, waxaana booqashadaan ay tahay mid kadis ah oo aan horey loo sii shaacin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by Dhubad:

Odayga sida u dhakhsaha badan ku soo xaroow ayaa layiri markale. Cajiib.

How else do you expect a stooge like yeey to be treated?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this