Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso: New Students Sitting For Mogadishu University Entry Tests

Recommended Posts

Cowke   

files.php?file=MUQ4_305193964.jpg

files.php?file=MUQ6_107061473.jpg

files.php?file=MUQ2_904792476.jpg

files.php?file=MUQ9_445446494.jpg

files.php?file=MUQ5_563029287.jpg

 

BOOSAASO: Jaamacadda Muqdisho oo faraceeda Boosaaso uga furtay arday cusub imtixaanka aqbaalada 2009/2010

Posted to the Web Oct 12, 08:17

 

Boosaaso (PP) - Dufcaddii 2-aad ee ardayda Jaamacadda Muqdisho xarunteeda Boosaaso ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii aqbaaladda (Admisson Test) ee sanad waxbarashadeedka 2009/2010

 

Qaybaha waxbarsho ee uu ka koobanyahya Campusku waxa ay kal yihiin: sharia & law, social science, math & physics, Economics, Business Administration, Accounting, Public Administration, Computer science iyo Information technology.

 

Goobta uu imtixaanku ka dhacayay ee Campuska Jaamacadda ee Bosaaso oo kuyaala Xaafadda Biyo kulule e Magaaladda Boosaso ayaa waxa imtixaanka ku galay saaka arday aad u fara badan oo isgu jira wiilal iyo gabdho oo sandkan ku soo biiray Jaamacadda.

 

Imtixaankan oo ah mid qoraal iyo oral ama (shafawi) isugu jira ayaa waxa uu ka midyahay shuruudaha lagu aqbalo ardayada dhamaanba takhasusyada kala duwan ee jaamacadda Muqdisho.

 

Madaxa Campuska Bosaso, Ustaad Cali Daahir Maxamed oo munaasabadan ka hadlayay ayaa yiri: Waxaa xusud mudan, Campuska jaamaccda muqdisho ee Bosaso waa kii ugu horeeyay ee Jaamacaddu ay ka furto meel ka baxsan Magaaladda Muqdisho oo Xarunta dhexe ee Jaamacaddu ku taalo, si loo gaaro hadafka jaamacadda ee ku aadan in lagu baahiyo dhamaan gobalada dalka oo dhan tacliin jaamacadeed oo tayaysan.

 

Xarunta Boosaaso oo la furay 2008 dii ay waxaa sanadkan lagu soo kordhiyay Kuliyadda, Computer science & Information technology, sidoo kale waxa Jaamacaddu ay ka bilawday Punntland Barnaamika Daraasaadka sare takhasusyada Sharciga & Qaanuunka, Educationka iyo Business Administrationka(MBA)

 

Jaamacadda Muqdisho oo ah jaamacaddii ugu horaysay ee laga aasaasay dalka waxaa la furay sanadkii1996 dii, waxaa illaa hadda ka qalinjabiyay 9 dufcadood 7 kulliyadood iyo barnaamijka daraasaadka sare ee hadda ay ka koobantahay.

 

Jaamacadda oo leh aqoonsi caalami ah ayaa waxa ay xubin rasmi ah ka tahay 6da urur Jaamacadeed caalamiga ah eek ala ah:

Midowga Jaamacadaha caalamka Islaaamka (FUMI).

Midawga Jaamacaddaha wadamada carabta.

Midawga jaamacadaha carabeed ee gaarka ah

Raabidada jaamacadaha islaamiga ah

Midawga Jaamacadaha Afrika

Midawga jaamacadaha caalamiga ah.

 

Akhbaarta Jaamicadda eeg websityada:

 

www.mogadishuuniversity.com

www.youtube.com/mogadishuuniversity

www.aaru.org

www.fuiw.org

www.webmetrics.info/top100.asp

www.google.com/mogadoshuuniversity/s

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho

E-mail: Jantiile@gmail.com

 

Live TV

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this