Sign in to follow this  
Paragon

American jets bomb Somalia...Again!

Recommended Posts

Paragon   

Diyaaradaha Mareykanka oo xalay duqeyn ka geystay gobolka jubada dhexe

 

Degaan u dhexeeya magaalooyinka Buu'aale iyo Saakoow ayaa xalay waxay diyaarada Mareykanku u geysteen duqeyn xoog leh oo laga dareemay degaanada ka agdhow halka la duqeeyay.

 

Dadka ku dhaqan degmada Buu'aale ayaa sheegaya inay arkayeen wax la moodo hilaac oo ka baxayay dhinaca Buu'aale kaga beegan Saakoow, halkaasoo ah goobta Mareykanku bartilmaameedsadeen.

 

Ilaa iyo hada lama garanayo khasaaraha ka dhashay duqeyntaa iyo cida loola jeedayba, waxaase deegaanka la duqeeyay baryahan lagu sheegayay ciidamo aan la gareyn halka ay ka yimaadeen.

 

 

Ma aha markii ugu horeysay ee Mareykanku duqeeyo gobolada jubooyinka, waxayna ahayd goor sii horeysay oo sanadkan ah markii Mareykanku sidan oo kale u duqeeyay magaalada Dhoobleey, halkaasoo ay ku wax yeeloobeen dad shacab ah.

 

Maxamed Axmed Ciise

 

 

Dhahar.com

 

Geedi7@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Diyaaradaha Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in ay xalay abaarahii 8:30 fiidnimo duqeyn ka geysteen deegaano u dhexeeyo degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo

Saakow ee Gobolka Jubbada dhexe, gaar ahaanna deegaanka Guduudey oo u dhexeeyo magaalada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe iyo degmada Saakow.

 

Ma jiraan warar Madax Bannaan oo ku saabsan duqeyntani oo ka dhacday Meelo fogfog isla markaana aan ka jirin wax isgaarsiin ah, hase ahaatee dadka ku sugan Saakow, Jilib iyo magaalada Bu’aale ee xarunta jubbada dhexe oo aan qadka telephone ka kula xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in ay maqleen oo kaliya daryanka iyo weliba Iftiin xooggan inta u dhaxeyso degmooyinkani, hase ahaatee lama oga wax qasaaraha oo ka dhashay.

 

Dhanka kalana, wuxuu burbur weyn soo gaarey laamiga isku xiro degmada Jilib iyo magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose, gaar ahaanna agagaarka dalacaada Luglow kadib roobab mahiigaan ah oo da ayay in kabdan 72 saacadood. Mar aan saakey booqdey goobta uu burburka soo gaarey ayaa lagu arkayay dadweynaha rakaabka ah oo lugeynayo wadada hareereheeda iyo gaadiidkii ay la socdeen oo la daalaa dhacayo sidii ay ooga tilaabi lahaayeen goobtaasi uu Burburka soo gaarey.

 

Ma jiraan cid ka hadshay xaaladahani dhacayo oo dhan, ha ahaadeen koooxaha kacdoonka amaba maamuladda ka jiro jubbooyinka.

 

 

Wali Sh Cabdi Gurxan

Gedo News Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this