Paragon Posted May 26, 2008 Diyaaradaha Mareykanka oo xalay duqeyn ka geystay gobolka jubada dhexe Degaan u dhexeeya magaalooyinka Buu'aale iyo Saakoow ayaa xalay waxay diyaarada Mareykanku u geysteen duqeyn xoog leh oo laga dareemay degaanada ka agdhow halka la duqeeyay. Dadka ku dhaqan degmada Buu'aale ayaa sheegaya inay arkayeen wax la moodo hilaac oo ka baxayay dhinaca Buu'aale kaga beegan Saakoow, halkaasoo ah goobta Mareykanku bartilmaameedsadeen. Ilaa iyo hada lama garanayo khasaaraha ka dhashay duqeyntaa iyo cida loola jeedayba, waxaase deegaanka la duqeeyay baryahan lagu sheegayay ciidamo aan la gareyn halka ay ka yimaadeen. Ma aha markii ugu horeysay ee Mareykanku duqeeyo gobolada jubooyinka, waxayna ahayd goor sii horeysay oo sanadkan ah markii Mareykanku sidan oo kale u duqeeyay magaalada Dhoobleey, halkaasoo ay ku wax yeeloobeen dad shacab ah. Maxamed Axmed Ciise Dhahar.com Geedi7@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted May 26, 2008 Diyaaradaha Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in ay xalay abaarahii 8:30 fiidnimo duqeyn ka geysteen deegaano u dhexeeyo degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Saakow ee Gobolka Jubbada dhexe, gaar ahaanna deegaanka Guduudey oo u dhexeeyo magaalada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe iyo degmada Saakow. Ma jiraan warar Madax Bannaan oo ku saabsan duqeyntani oo ka dhacday Meelo fogfog isla markaana aan ka jirin wax isgaarsiin ah, hase ahaatee dadka ku sugan Saakow, Jilib iyo magaalada Bu’aale ee xarunta jubbada dhexe oo aan qadka telephone ka kula xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in ay maqleen oo kaliya daryanka iyo weliba Iftiin xooggan inta u dhaxeyso degmooyinkani, hase ahaatee lama oga wax qasaaraha oo ka dhashay. Dhanka kalana, wuxuu burbur weyn soo gaarey laamiga isku xiro degmada Jilib iyo magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose, gaar ahaanna agagaarka dalacaada Luglow kadib roobab mahiigaan ah oo da ayay in kabdan 72 saacadood. Mar aan saakey booqdey goobta uu burburka soo gaarey ayaa lagu arkayay dadweynaha rakaabka ah oo lugeynayo wadada hareereheeda iyo gaadiidkii ay la socdeen oo la daalaa dhacayo sidii ay ooga tilaabi lahaayeen goobtaasi uu Burburka soo gaarey. Ma jiraan cid ka hadshay xaaladahani dhacayo oo dhan, ha ahaadeen koooxaha kacdoonka amaba maamuladda ka jiro jubbooyinka. Wali Sh Cabdi Gurxan Gedo News Network Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 27, 2008 Ma inaga hubtaaan ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites