Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cisileey and Ceel Macaan are Back in Operation

Recommended Posts

Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in ay maanta dib u fureen garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda Ceel Macaan ee duledka magaalada Muqisho

 

 

Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta sheegay in ay dib u fureen garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Xoghayaha war faafinta Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka Diyaaradaha ee Cisileey iyo Dekadda Ceel Macaan ayaa waxa uu sheegay in maanta ay si rasmi ah u fureen Airporka iyo Dekadda Ceel Macaan.

 

Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay sababta ku kaliftay in ay dib u howlgaliyaan garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo dekadda Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho isagoona sheegay in markii ay arkeen baahida dadka shacabka ay u qabaan in dib loo furo garoonka iyo dekadda Ceel Macaan ay iyagu go’aan sadeen in ay diba u howlgaliyaan.

 

Sheekh Maxamed Macalin Cali oo ah Xoghaya war faafinta ee Ururka Xisbul Islaam ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhibaato uu sheegay in shacabka qaybeehada kala duwan ay kala kulmaan garooonka Diyaaradah ee magaalada Muqdisho iyo waliba Dekadda gaar ahaan goobaha ay maamulaan dowladda KMG Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this