Cowke Posted July 1, 2010 Ahlu Sunna oo Shaaca Ka Qaaday inay Ku Biiri Doonaan Puntland ama Somaliland Gaalkacyo (RBC) Masuuliyiinta ururka Ahlu Sunna Wal Jameecah ayaa ka digay inay ku biiri doonaan oo ay la midoobi doonaan maamulada Puntland iyo Somaliland haddii DKMG ay xalin weyso khilaafka dhexdeeda ah. Gudoomiyaha guddiga fulinta ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka hadlay munaasabada 1-da Luulyo ee maalinta xoriyada dalka oo maanta ku beegan ayaa sheegay in ururka Ahlu Sunna uu dadaal badan u galay nabada dalka iyo sidii shacabka looga badbaadin lahaa dhibaatada jirta sida uu sheegay. Wuxuuna gudoomiyaha fulinta Ahlu Sunna uu sheegay in ururkiisu uusan u hakan doonin dowlada ku meel gaarka ah oo aysan sugi doonin haddii aysan dowladu la iman siyaasad furfuran oo dalka nabad u horseedi karta. Sheekhu wuxuu tibaaxay in Ahlu Sunna ay u furan tahay in raacdo oo ay wax la qeybsato Puntland iyo Somaliland maadaama ay yihiin maamulo Soomaaliyeed, sida uu yiri. Hadalka Sheekh Maxamud Yuusuf Xeefow ayaa ku soo beegmay xilli ururka Ahlu Sunna uu dhowaan shaaciyey inuu ka baxay heshiiska bishii March ee sanadkan dalka Ethiopia ku dhexmaray ururka Ahlu Sunna iyo dowlada. Masuuliyiinta Ahlu Sunna waxay sheegeen in dadaalkii ay galeen iyo ka hortaga kooxaha mucaaradka ay ka dambeysay iyadoo hogaanka dowlada uu isku mashquulay oo khilaaf xoogani uu hareeyey. Degaanada maamulka Ahlu Sunna ayaa si weyn looga xusay munaasabada 50-guurada ee ka soo wareegatay xoriyada geyiga Soomaaliyeed, iyadoo masuuliyiinta Ahlu Sunna iyo dadweyne ay ka qeybgaleen xaflada 1-da Luulyo oo lagu qabtay degaanada maamulka ururkaasi. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites