Jacaylbaro Posted December 21, 2008 Djibouti (Waaheen) 20 December 2008 - Madaxweynaha JSL iyo weftigisii booqashada ku marayey Djibouti ayaa la filayaa inay berri u ambabxaan dalka Itoobiya, weftiga oo dhamaystay wadahadalo ay ku lahaayeen Djibouti. Ugu horrayn wuxuu maanta weftigu kula kulmay safaaradda Maraykanka ee Djibouti wefti ka socda Kongresska Maraykanka guddida Aqalka Senate-ka u qaabilsan arrimaha Afrika ee uu ka guddoomiye yahay Senator Russ Feingold (D, WI). Sida wararku sheegayaan waxa weftiga ka mid ahaa madax ku hawlan kala guurka maamulka (transition) ee Barack Obama. Weftiga Maraykanka oo u socday hawlaha la dagaalanka aragagixsada iyo budhcad badeeda iyo sidii siyaasad cusub loogu heli lahaa Somalia. Dahir Rayale touches down in Djibouti Lama ogo waxa Somaliland kala hadashay weftiga Maraykanka laakiin waxa siyaasiyiin ku dhow dhow sheegeen inay JSL ku dooday inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan la dagaalanka budhcad badeeda codsadeenna in laga caawiyo la dagaalanka aragagixisada oo Somaliland ku qaaday dagaal culus bishii Oktoobar. Dhinaca Maraykanka siyaasiyiintaasi waxay sheegeen inay Maraykanku xiisanayeen bal inay ogaadaan waxay Somaliland ka tari karto nabadaynta Somalia iyo nabadgelyada Gacanka Cadmeed. In kasta oo isla maanta wefitga Maraykanku uu la kulmay Raisalwasaare Nur Cadde, haddana sida uu Nur Cadde sheegay labada wefti wax wada hadal ah may yeelan. Waxa isla maanta lagu casuumay Madaxweynaha JSL iyo weftigiisa Guriga Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Gheele, ee Haramouz loo yaqaan, halkaas oo si wayn loogu soo dhoweeyey. Weli lama shaacin wadahadalada Djibouti iyo Somaliland dhexmaray waxay ku saabsanaayeen hase yeeshee beryahan dambe waxa socday xidhiidh Djibouti iyo Somaliland oo ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo ganacsiga, siiba argagaxisada khaas ahaan intii la weeraray Somaliland. Bishii Nofembar ayey ahayd markii ugu horraysay ee wefti heer wasiir ah oo Djibouti ka socdaa booqdo Somaliland. Xukuumadda Somaliland oo hore uu uga furnaa xafiis diblomaasiyadeed Djibouti ayaa la filayaa inay dhawaan dib u furto xafiiskeedii iyada oo diblomaasigii loo magacaabi lahaa imika mucayin yahay. Welise ma cadda in Djibouti ka furan doonto Somaliland xafiis sida xukuumadda Somaliland dhawr goor sheegtay inay heshiis kula gashay Djibouti. Weftiga Madaxweynaha oo u baxaya Addis Ababa ayaa la filayaa inuu soo dhowayn fiican kala kulmo Itoobiya oo iyana wakhtigan xaadirka la leh Somaliland xidhiid wanaagsan, ahna dalka keliya ee Somaliland ku leh xafiis diblomaasiyadeed. Dawladda Kenya ayaa mar ku lahaan jirtay xafiis aan si fiican loo bandhigin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 21, 2008 Madaxweyne Rayaale oo ka dhoofay dalka Jabuuti kuna sii jeeda Addis Ababa, Itoobiya Djibouti,(Qarannews)-Waftigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa galabta abaaro 5:30'kii galabnimo ka dhoofay caasimada dalka Djibouuti ee Djabouti, halkaasi oo uu madaxweynaha iyo waftigiisuba ay ku soo dhamaysteen socdaal midho dhalay oo ay ku tageen dalkaasi halkaasi oo ay kula kulmeen madax sar sare oo ka socotay dalka Maraykanka iyo diblomaasiyiin shesheeye ah oo ku sugan dalkaasi/ Waftiga ayaa intii ay dalka Jabuuti joogeen waxa ay kulamo fool ka fool ah la yeesheen madaxweynaha dawlada Jabuuti iyo raysalwasaaraha dalkaasi oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah golaha wasiirada ee xukumada Jabuuti. Hadaba waftiga madaxweyne Rayaale oo galbta ka dhoofay dalka Jabuuti una kicitimay xarunta dalka Itoobiya ee Addis Abba, ayaa wariyaha qarannews uga soo warama dalka Itoobiya waxa uu soo sheegayaa in madaxweynaha iyo waftigiisa ay dawlada Itoobiya si xoogleh ugu diyaar garooway isla markaasna ay madaarka magaalada Addis Ababa ay ku sii qul qulayaan madax sar sare oo ka tirsan xukumada Itoobiya kuwaasi oo uu hogaaminaayaan wasiiro ka tirsan xukumadaasi, sidoo kale socdaalka madaxwweynaha ee xiligani ayaa isna ku soo beegmay xili ay madaxda xisbiyada mucaaridku ay xukumada ku hambalyeeyeen dhaq dhaqaaqeeda diblomaasiyadeed ee arimaha dibada siiba xisbiga Kulmiye oo xukumada Rayaale ku amaanay sida ay wasaaradiisa arimaha dibadu u shaqaynaysoi xiligani Warka waftig madaxweynha oo faah faahsana waxa aad kala socon doontaan xagan shbakada qarannews. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted December 21, 2008 I knew that was the destination he was heading to. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 21, 2008 It was not hidden sxb ,, he said it while leaving Hargeisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 23, 2008 SOME PHOTOS OF THE MEETING BETWEEN PRESIDENT RAYAALE AND MELEZ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 24, 2008 And it goes on ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites