Sign in to follow this  
Cowke

President Farole Fires Back At UN Monitoring Group Report

Recommended Posts

Cowke   

Boosaaso (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa si kulul u cambaareeyey guddiga Qaramada Midoobay u xilsaartay la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, kaasi oo dhowaan warbixin uu soo saaray kaga hadlay arimaha burcad badeeda ee ka jira xeebaha Puntland.

 

Madaxweyne Faroole oo maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xarunta madaxtooyada kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin socdaalkii uu ku soo maray magaalada Qardho, amniga, maamulka iyo tallaabooyinka laga qaaday kooxaha burcad badeeda, taasi oo inta badan lagu eedeeyo inuusan waxba ka qabanin.

 

Madaxweynaha Puntland waxaa uu ugu horeyntiiba dadweynaha Boosaaso uga mahadceliyey sidii ay u soo dhoweeyeen, isagoo sheegay inay taasi tusaale u tahay sida shacabku isugu xiran yahay. Wuxuuna ugu baaqay dadweynaha guud ahaantood ugu baaqay inay sugida amaanka iska kaashadaan.

 

“… Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii na soo dhoweysay, ha ahaato golaha wasaarada, madaxda gobolka, madaxda degmada, ciidamada qalabka sida, dadweynaha.. aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelineynaa soo dhoweyntii aad noo sameyseen, anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan wafdiga aan hogaaminayey ee ka yimid magaalo madaxdii dowlada ee Garowe”, ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Madaxweynaha ayaa ka hadlay safarkii Qardho

 

Madaxweynaha waxaa uu faahfaahin kooban ka bixiyey safarkii halka habeen qaatay ee uu ku soo maray degmada Qardho halkaasi oo kulamo uu kula soo yeeshay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda degaankaasi. Madaxweyne Faroole ka sokow xaalada abaarta ee dhulka uu ku soo arkay, ma jirin wax xog ah oo uu ka sheegay kulamadii isaga iyo odayaasha reer Qardho ay yeesheen.

 

“..Safarkayagan waa safar iska caadi ah waa safar shaqo. Shaley (subax) baan ka soo ambabaxnay Garowe (magaalo madaxda dowlada Puntland), shaley intii badneyd iyo xaley waxaan joognay (magaalo madaxda gobolka Karkaar) Qardho”, ayuu yiri madaxweyne Faroole.

 

Isagoo si gaar ah uga hadlaya kulankii Qardho waxa uu yiri, “… Waxaan halkaa ku aragnay masuuliyiintii, odayaasha dhaqanka, madaxdii degaanka, gobolka iyo ciidamada (intaba), wadaduna aad bey u fiicneyd, roob baa xoogaa da’ay laakiin dhulka ma wada gaarsiisneyn. Ee…..xooluhuna xoogaa caato waa ahaayeen, laakiin jilaal weyn ma jirin. Mahadaas waxaa iska leh Illaah, Waxaana rejeyneynaa, xilligii roobka ayaa. Illaahay waxaa ka baryeynaa in Raxmadiisu noogu deeqo”.

 

Maxaa uga qorsheysan Boosaaso?

 

Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxaa uu wax ka tilmaamay waxyaabaha u qorsheysan inuu Boosaaso ka qabto iyo mudada uu sii joogi doono.

 

“.. Ku talogalkayagu waa inaan maalmo joogno, oo aan ka hawlgalno, wixii shaqo ah ee yaalla, hay’adaha caalamiga (gaar ahaan) iyo dowlada isku dubaridka maadaama isbedel dhacay dhowaan oo lagu sameeyey xubnaha dowlada iyo hay’adaha kale qaarkood gaar ahaan gobolka Bari oo loo magacaabay gudoomiye gobol oo cusub iyo gudoomiye degmo”, ayuu yiri madaxweyne Faroole.

 

Amniga Puntland ayuu ka hadlay madaxweyne Faroole

 

Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku eedeeyey dhibaatooyinka amni xumo ee horey uga dhacay Puntlabnd inay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan dembiilayaal shisheeyee kuwaasi oo uu madaxweynuhu ku sifeeyey ‘cadow shisheeye ah’.

 

“…Wax walba fureheeda waa amni. Wax badab aan ka hadalnay haddaan amni jirin wax jira ma jiraan. Dowlada kaliya amniga kuma filna, waxaana loo baahan yahay in laga qeybqaato. Waayadan dambe marar badan ayaa falal amni xumo dheceen, laakiin mudadatan dambe xasiloonaan ayaan kujirnaa. Taasna waxaa keenay Illaah fadligiis iyo ciidamada amniga oo dadaalay iyo dadweynaha oo la shaqeeyey”, ayuu yiri madaxweynuhu.

 

“.. Waxaan u soo jeedineynaa dadaal dheeraad ah inay sameeyaan dadweynaha Boosaaso oo ah magaalo weyn, dariiqyadeeduna yar yar yihiin, dadkuna aad isu dul saaran yahay oo ciidamaduna ayan meel walba istaagi karin inay ciday tuhmaan inay amni xumo meeshaan u joogto ama fal dembi ah gashay inay gacantooda ku soo qabtaan ama inay tilmaamaan iyagoo aqoonsaday…”, ayuu sii raaaciyey madaxweynuhu.

 

Madaxweynuhu Waxaa uu dhaliilay hay’adaha caalamka

 

Mar uu madaxweynuhu ka hadlay warbixintii dhowaan ay shaaciyeen guddiga la socodka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay (International Monitoring Group) isagoo ku tilmaamay mid ay ka buuxeen warar been abuur ah oo laga faafiyey gaar ahaan maamulka iyo masuuliyiinta Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

“Way iska jiraan cadow shisheeye oo ka ganacsada oo aad iyo aad uga ganacsada amaan darrada Soomaaliya. Waxa weeye Victim (dhibane) bay Soomaaliya u noqotay in amaan daradeeda dad ka ganacsado. Gaar ahaan dadka ajnabiga oo hay’adaha caalamiga lacago kaga hela amaan darida Soomaaliya. Maxaa yeelay haddii Soomaaliya amni ka dhaco oo maamulku soo noqdo ama mid goboleed ha noqdo, ama midka Puntland oo kale, ama mid degmo hoose, ama midkii dhexe (national) ha noqdo. Dee markaas fitnada Soomaaliya haddii ay meesha ka baxdo, dad badan oo kumanyaal ah oo wax ku hela fitnada Soomaaliya baan wax heleyn”, ayuu yiri madaxweyne Faroole.

 

“Masalan haddii aan tusaale u soo qaato, Puntland waxay noqotay meesha kaliya ee Soomaaliya oo dhan burcad badeeda la dagaashay, gaar ahaan intii maamuulkaan (aan anigu madaxda ka ahay la doortay) 264 qof ayaa xabsiyada Puntland ku jira oo maxaabiis burcad badeed loo qabtay ah sida uu ii sheegay wasiirka amniga oo aan shaley telefoon ku wada hadalnay”, ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Waxaa uu sidoo kale cambaareeyey warbixino ay hore u soo bandhigtay hay’ada caalamiga ee Xasaradaha (International Crisis Group), taasi oo ku dhaliishay maamulka Puntland inuusan waxba ka qaban burcad badeeda. Wuxuuna sheegay in hay’adaha ajnabiga ay yihiin kuwo ka shaqeeya burburinta dalka.

 

“Beri hore Qolada ICG la yiraahdo waryaabo negative ah oo aan xaq ahayn oo been abuur ah bey ka qoreen Puntland”, ayii yiri madaxweynaha.

 

“..sidoo kale hay’ada la yiraahdo MG (Monitoring Group) oo Qaramada Midoobay u shaqeysa been aan sal iyo raad toona lahayn bey Soomaaliya oo dhan ka qoreen gaar ahaan Puntland. Oo maxayba nagu faaninayaan haddiiba wixii aan ku faansaneyn ay ceeb u rogeen oo yiraahdeen dowlada ayaa shirko la ah burcad badeeda”, ayuu madaxweyne Faroole sidoo kale yiri.

 

Madaxweynaha waxaa uu ka hadlay burcad badeeda

 

Madaxweynaha Puntland waxaa uu si gaar ah u magacabay qaar ka mid ah raga ugu waaweyn burcad badeeda ee dhowaan lagu xusay warbixintii Qaramada Midoobay kuwaasi oo la sheegay inaan la qaban.

 

“Shaqsiyaadka ay tilmaameen oo aan anigu magacyadooda (koley) qaarkood horey u maqlay… mid la yiraahdo BAQALYO oo xabsiga dhexe Boosaaso ku xiran baa waxaa la yiri suuqa ayuu jooga lama qaban. Midkle oo la yiraahdo XANAANO oo intuu baxsaday Yemen lagu qabtay baa la yiri Suuqa ayuu joogaa ma xirna. Nin la yiraahdo BOOYAAX oo caan ahaa oo intii aanu maamulkan imaanin ka baxay oo dad badan oo burcad badeeda galayey ka hor joogsaday.. oo markii aan hawlgelinay culimaa’udiinka iyo odayaasha hor kac u noqday oo tusay goobaha ay joogaan, dhalinyarada in la hanuuniyo ka qeybqaatay, xumaanta burcad badeedu leedahay sheegay, inuu ka baxay meel walba ka sheegay baa la yiri waa burcad badeed oo meeluhu marayaa”, ayuu yiri madaxweyne C/raxmaan Faroole.

 

Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in burcad badeedu hadda ka guurtay xeebaha Puntland isagoo sheegay in degmada Garacad iyo Xarardheere ay isugu tageen kooxaha burcad badeeda.

 

Madaxweynuhu wuxuu cambaareeyey warbixintii MG

 

“Waxaan aad iyo aad uga xunahay una cambaareyneynaa, adduunka oo dhana u sheegeynaa dadkaas falalkaas been abuurka sameynaya oo Soomaaliya kaga ganacsanaya in wax laga qabto. Anaguna intaas kaga hari meyno. Waxaana kaga daba tageynaa in aan xeer ilaaliyaal caalami u qabsano”, ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Madaxweynuhu, wuxuu ugu dambeyntii cambaareeyey baaqii kooxda Qaramada Midoobay ee Monitoring Group ee ku jiray warbixintii bishan March 10-keedii loo gudbiyey golaha amaanka ee ku saabsanayd in DKMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland laga taageero la dagaalanka burcad badeeda, taasi oo madaxweyne Faroole uu ku tilmaamay inay tahay eex laga galay Puntland.

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Faroole is right this time. Matt Bryden and his associates have been benefitting from publishing falsehoods for a long a long time. I think they must be confronted.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Exactly a year ago, in Boosaaso too he said this:

 

At the press conference in Bosaso Mr Farole had a chance to address issues raised by Amin Amir's cartoon in an unemotional manner.
Mr" Farole described Amin Amir's cartoon as a political message aimed to undermine political change in Puntland,"
reported Garowe Online. If this quote is accurate, Mr Farole will come across as a politician keen on seeing press and cartoonists sing his praise rather than commenting on or caricaturing the foibles of politicians. Amin Amir is not a national saboteur. Why could not president Farole question Amin Amir's artistic integrity on the basis of a cartoon that alleges resumption of money printing business in Puntland? Such an attitude would not be interpreted as weakness but as a discussion from a seasoned politician who is in favour of free speech and against irresponsible journalism.

Source of article

 

Like I said when this report came out, I blame Amin Amir (and Farole probably thinks Brydon and the UN both work for Amin Amir). :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

waraa'al akammah maa waraa'ahaa

 

Maxaa burcadda Puntland u badiyey?(X/dhere & Hobyo Maamul kama jiro)

 

Maxay Ayl Burcadda & Maamulka Puntland ugu shiraan? ma dad iska caadi ah baa, intii lala shiri lahaa, maa la soo qab-qabto?

 

Warka Ilko-jiir Report-ku ka sheegay ama refutation xoog leh ha laga sameeyo ama ha la aqbalo.

 

Ps. Report-ku ma wada saxna oo citation-kaa laga garan karaa, lakin haddii uu meel hebla ku qaldamay meel walba waa ku qalad maaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

the leader of pirateland is the chief of all one eyed pirates.... well thats no brainer aint it...

 

or maybe pirate chief is houdini.... you are falling sleep... when you wake up you will believe that i have no connection to pirates and that AMIN AMIIR AND THE UN are evil of this world....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this