General Duke Posted November 25, 2006 SOURCE Dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Puntland oo xawli sare ku socdaBosaso:-Dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Puntland ayaa waxaa uu ku socdaa xawli aad aad u sareeya iyada oo dagaaladii dhowaan ka dhacay gobalada dhexe ee dalka Somaliya aysan haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga ee dawlad gobaleedka Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 25, 2006 Maraakibtan iyo doonayhan ayaa waxaa laga dejinayaa bagaash fara badan sida Bur ,Saliid, Sonkor iyo badeecoyin kale oo fara badan Dad fara badan oo dan yar ah ayaa xamaali ahaan uga shaqaysanaya maraakibtan iyo doon yahan Baaburta loo yaqaan isjiidka ayaa dabadeed u daabulaya bagaashkan bakhaarada magaalada Bosaso halka baaburta candhamaydlaha loo yaqaan ay u sii daabulayaan ilaa Kilinka Shanad ee Etoobiya Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 25, 2006 Markets of the city Suuqyadii ganaciga ee Bosaso ayaa camiran waxaana ka socda dhadhaaq ganacsi oo lixaadleh Ganacsatada ayaa mid kasta waxa uu ku dadaalaya inuu ku soo bandhigo suuqa alaabo ka yara jaban kana tayo fiican asxaabta kale ee uu ka dhexeeyo beratanka ganacsi . Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 25, 2006 Degaanadas oo leh naq badan ayaa waxaa in dhahaaga soo jiidanaya geedaha cagaarka ah iyo biyo xareeda ah ee dhex qul qulaya . Waxaa ay dadka reer Puntland si wayn uga soo horjeedan wax kasta oo khal khal gelinay xasiloonidan iyo degaanan shahan isla markana abuuri kari barakac iyo cadaawad hor leh oo kala gasha Shacabka Somaliyed ee iyagu isu talaabayay 15-kii sano ee la soo dhaafay Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted November 25, 2006 Duke i hope u getting paid for this! seriously, thought, bossasso will one day be the wall street of world...! u watch. u can buy everything from there a new heart to skyscraper in manhattan. buyer be aware though:confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites