General Duke Posted December 29, 2008 Dagaaladii Guracel oo xoogeystey 29 Dec 29, 2008 - 5:33:41 AM Sida la xaqiijiyay 10-ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal maanta mar kale ku dhexamaray degmada Guriceel kooxo Islaamiyiin ah, iyadoo ay ku dhaawacmaan in ka badan 9-ruux. Dagaalka oo u dhexeeyay Duruq-suufiya iyo Al-shabaab ayaa qarxay markii gurmad u yimid Al-shabaab ay dagaal ku qaadeen degmada Guriceel oo ay gacanta ku hayeen Ahlusunna. Dad ku sugan Guriceel ayaa sheegay in rayid ay ku dhinteen dagaalka kuwaas oo madaafiic ay kula habsatay guryahooda, iyadoo dadkaas lagu sheegay inay ku jireen haween iyo curuur. Dagalka ayaa socday in ka badan afar saac, waxana dhawacyadii ka dhashay la dhigay Isbitaalka Istarliin ee magaaladaas oo la sheegay inay ku dhaceen laba madfac oo ka mid ah kuwii ay dhinacyadu isdhafsanayeen. Ururka Al-shabaab oo maanta weerarka qaaday ayaa maalin ka hor laga gacan-marojiyay degmada Guriceel, taasoo keentay in weerarkan ay ku qaadaan, iyadoo labada dhinac aysan magaalada gacan ku hayn. Dhinacyada hardamay ayaa madaafiic aan kala go' lahayn u adeegsaday dagaalka, taasoo laga maqlayay deegaano ay ku barokacen dadkii ka cararay dagaalkii Sabtidii ku dhexmaray degmadaas kooxaha Islaamiyiinta ah. Ciidamo Ethiopian ah oo ka yimid dhanka Balanbale ayaa la xaqiijiyay inay gudaha u galeen degmadaas, taasoo keentay inay dhinacyadii dagaalamay isaga baxaan magaalada, lamana yaqaan halka ay ku kala sugan yihiin. Degmada Dhuusomareb oo xaaladoodu dagan tahay ayaa la sheegay inay ka baxeen xoogagii Ahlu-sunna ayna haatan ku sugan yihiin kuwa Al-shabaab kadib dagaal shalay ka dhacay degmadaas. Garowe Online, Guriceel Quote Share this post Link to post Share on other sites