Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamadda dowladda oo gacanta ku dhigay hub fara-badan oo ay lee-yihiin Al shabaab

Recommended Posts

Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in’ay maanta gacanta ku dhigtay hub fara-badan oo ay leedahay Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay ku qabteen Ex Control Afgooye.

 

Taliyaha ciidamadda dowladda ee Ex Control Afgooye Axmed Yare oo saxaafadda la-hadlay ayaa däboolka ka qaaday in ciidamadda dowladda ay maanta gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen hubka garbaha laga tuuro ee Sabanada/Baasuukaha, isagoo intaasi ku daray in’ay gaarigaasi wadeen laba nin oo dhalinyaro ah.

 

Taliyaha ayaa sheegay in gaariga uu kusii jeeday gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay gacanta ku hayaan ciidamadda Mujaahidiinta ee Xarakada Al Shabaab, wuxuuna sheegay in’ay kahor tageen ficilkaasi oo uu ku tilmaamay mid aad u halis ah.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in labadii ruux ee hubka waday iay iminka ku xireen saldhig ay ku lee-yihiin Ex Control Afgooye, isagoo intaasi ku daray in’ay ku wadaan baaritaano kala duwan, isla-markaana wuxuu wacad uu ku maray in’ay sharciga la-tiigsan doonaan.

 

Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ay dowladdu ku eedeysay in’ay hubkaasi iyagy lahaayeen, hase ahaatee saacadaha soo socda ayaa waxaa laga yaabaa in’ay kasoo saaraan warbixin amuurtaasi ku aadan.

 

Si kastaba ha-ahaatee hubka ay maanta gacanta ku dhigeen ciidamadda dowladda ayaa waxaa lagu qiyaasay adduun lacageed oo gaaraaya kunton kun oo dollar Maraykanka ah “$50,OOO US.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this