Jacaylbaro Posted August 4, 2009 Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed Yusuf Yaasiin oo maanta lug ku soo maray xafaddha magaalada hargyasa , isgaoo ay daba yaacayeen kumanaan dada oo tageera xisibiga UDUB. Maanta oo ah maalintii labaad ee ololaha doorashooyinka Somaliland ayaa maata ay ahayd maalintii xisbiga talada haya ee UDUB uu bilaaban laha ololihiisa , halka shalay oo ay ahayd maalintii kowaad oo uu iska lahaa inuu ololihiisa bilaabo xisbiga KULMIYE uu ku gacan saydhay komishinka iyi siday hawsha u wadaan , qaadacayna inuu ka qabgalo doorasho bilaa diwaangalina . beerta xoriyadda somaliland oo maata ay isugu soo bexeen masuuliyiinta u sarsaraysa xisbiga talada hay ee UDUB iyo kumanaan dada oo taagera xisbiga talada haya ,halkaana ku soo bandhigay tageerada ay u hayan dawladda iyo xisbiga UDUB, madaxwayne ku xigeenka somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaassiin iyo masuuliyiinta dawladda iyo xisbiga oo hadalo soo dhaween taagero iyo mahadnaqa ka jeediyay goobtaas ,waxaana masuuliyiinta dawladda kamida wasiiradda arimaha gudaha , hawlaha guud, arimaha dibada iyo kuwo kale, dhinaca xisbigana waxaa u hadlay xoghayaha guud iyo afhayeenka xisbiga talada haya ee UDUB. Waxaad maanta magaladda hargaysa laga dareemayay buuq iyo sawaxan aad u tiro badan, oo kumanaan dad ay isugu soo bexeen fagaarayaasha iyo goobaha isu soo baxyada magaalada hargaysa ,suuqyada dadku isugu yimaadan oo aad ku arkayso baabuur lagu shaqlay sawirada madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa oo dadka halkaa ku wacyigalinaya wax uu xisbiga UDUB dalka horumarka qabtay iyo waxa uu maagan yahay inuu dhawaan hadii dib loo cugto uu qaban doono. Dhanka kale waxaa dhamaan gobolada iyo dagmooyinka dalka ka bilaabamay ololihii xisbiga UDUB oo si xawliya looga wada bilaabay maanta , xarunta xisbiga ee hargaysan laga iclaamiyay in maanta gobol kasta ay ka socdo ololihii tartanka madaxtinimada Somaliland. Isku soo wada duuboo ololahan ay udub ka bilawday dhamaan gobolada iyo dagmooyinka Somaliland ayaa ah mid ay kaligeed ka samaynayso inta hada la arko ,oo xisbiyadii kale ee la tartamayay ay ganafka ku dhufteen inay galaan doorashadaa bilaa diwaangalinta ah . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2009 LAAS-CAANOOD Waxaa saaka aroornimadii isugu yimi boqolaal taagerayaasha xisbiga talada Somaliland haya ee udub , halkaana ku soo badhigay tageerada ay u hayaan xisbi xaakimka UDUB, damaashaad iyo dhoola tusna ka sameeyay xafadda WADAJIR. Dadkan oo dhamaantood aad ka dareemaysay qiiro xisbi nimo ayaa aad ugu tiraabayay ereyo halku dhigyo ah oo ay iyagu xafiis ahaan samaysteen , oo hadaan bal wax idiinka taabto ay ka mid ahaayeen , 1. XAAJO NINKII YAQAANAA XANAN ADAG KA SAAREE XISBI UDUB U DAAYOO XILKANA XAJIGAA HAYAN. 2. KHAYR IYO BARWAAQUU UDUB KHABAR NOOGU SHEEGEE HA KHIYAAMIN WALIGAA. 3. KA KAALAYA KUWAA KALE KANAA SHARCI KU BAAQEE KUYUU UDUB HA LOO GALO. 4. SOMALILAND HADAAN NAHAY SIYAASADAHA UDUB BAAN SINABA LOOGA MAARMAYN. 5. GACMO WADA JIRAA BAA GUUSHA HORE U GAADHEE CODKA UDUB MAAD U KEENTAAN. 6. FARXAD IYO LAYAABAAN DOORASHADA KU FUUQSANE UDUB FAYL U WADA GALA. Waxaan maantoo dhan inaga dhamaanay halku dhigyada ay soo bandheen shabka xafiiskaasi oo run ahaantii la odhan karo waa dad aad ugu heelan ka qayb qaadhada doorasha iyo sida ay uga go,an tahay tageerida xisbigoodan UDUB. Dhanka kale shirkan ay saaka ku furanayeen oloha oo ay halkaa ka hadleen masuuliyiinta xafiiska sida Gudoomiye Maxamuud Maxamed Sheikh Bashiir oo aad ugu dheeraaday marxalada kala duwan ee xafiiskan soo maray iyo caqabadaha hor yimi intii ay shaqadan wadeen. Gudoomiyaha oo ka dhawaajiyay inuu xafiiskani furnaa ilaa bishii 9 ee sanadii la soo dhafay ee 2008, ilaa wakhtigaana ay ku soo shaqaynayeen niyad wanaag iyo taageerada ay u hayaan xisbigooda udub oo marnaba wax lagu badhashaa aysan mesha oo lin. Waxa uu si guud ugula dardaarmay dadwaynaha xaafad ee isugu yimi xafiiska inay maanta tahay maalintii ay sugayeen oo ahayd inay codkooda ku soo saran xisbigooda UDUB ,loogana baahan yahay inay maanta guniga dhiisha isaga dhigaan oo ay isu soobaxayo dhoola tusa sameeyaan . Dhanka kale waxaa ka hadlay xafladaa madaxa abaabulka iyo wacyi galena xafiiska C/nuur Sawaaxili Xaaji Hiirad oo sheegay in maanta laynooga fadhiyo badnaantii iyo farihii aynu sheeganay waagii diwaangalinta iyo sidii kala danbaynata iyo soo dhawaynta lahayd ee aynu uga qayb qaadanay barnaamijii diwaan galinta , balse aan maanta ka xumahay in uu noqday wax aan laysku halayn Karin oo ku noqnoqod badan iyo khaladaad aad u tiro badan laga helay aynu ka xafiis ahaan qaadanay go,aankii komishina iyo xukuumda uu hogaamiyo xisbigeenan sharafta mudan ee UDUB ay qaateen ee ahaa in bilaa diwaan galin doorashada lagu galo. Isku soo wada duuboo dadka goobtaa ka hadlay oo aan halkan lagu soo wada koobi Karin ayaa dhamaantood tageero u dirayeen kumishinka iyo xukumadaba go,aankii caddaa ee ay ka is taageen burburkii dalka lala maaganaa iyo iska horkeenkii dalka laga waday , ayna dalka dawladu ka saartay hay,adii fidmada iyo khaakhuulka dalka ka waday. Quote Share this post Link to post Share on other sites