Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: Somali President rebukes Eritrea for its attack

Recommended Posts

Jabuuti: Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay Eritrea .

17. juni 2008

 

Jabuuti(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo lakulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cambaareeyey dagaalkii ay Xukuumada Asmara ku soo qaaday ciidamada Xooga dalka Jabuuti.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in talaabo laga qaado Ciidamada Eritrea oo mudooyinkii ugu dambeeyey wadey weeraro & Faragalin ay ku hayaan amaanka dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Madaxweyne Yuusuf wuxuu sheegay in sidoo kale ay muhiim tahay Madaxda dalalka Bariga Africa ay go'aan mideysan ka qaataan dawladda Afwarki oo hada loo arko in ay dhib ku tahay amaanka gobalka Bariga Africa.

 

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa Madaxweyne Yuusuf wuxuu soo jeediyey Map loogu talagalay dagaalka Jabuuti & Asmara ,wuxuuna sheegay in dagaalka lugu soo qaaday Jabuuti yahay mid looga soo horjeeda nabad raadinta Soomaaliya.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in uu Madaxweyne Yuusuf sheegay in ay Dawladiisa faderaalka ee Soomaaliya taageerayso Wada hadalada dhinac Diblumaasiyadaa ee ay wadaan dawladaha qaarkood.

 

Hadalkan ka soo baxay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu ku soo beegmayaa xili ay dhawaan dagaalo dhexmareen Ciidamada Xukuumada Jabuuti & Asmara ,dagaaladaasna eed badan loogu jeediyey Xukuumada Asmara.

 

F. C.Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this