Sign in to follow this  
NASSIR

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo eedeeyey Xubnaha Muqdisho.

Recommended Posts

NASSIR   

SOMALIA: Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo eedeeyey xubnaha Muqdisho ku sugan

 

 

Posted to the Web Sep 10, 09:50

 

awad.jpg

 

 

Xildhibaan Cawad Axmed Xasharo oo isagu ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ku tilmaamay xubnaha ku sugan Magaalada Muqdisho waxyaabaha ay ku hadlayaan wax lala yaabo.

 

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Ciidamada lagu xareeyay Gobolka Shabeelada Dhexe Caasumada ku meel Gaar ka ah ee Soomaaliyeed ee Jawhar ay yihiin Ciidankii Qaranka.

 

Waxa uuna sheegay Xildhibaan xasharo in Camadaa ay dan wayn u tahay Qaranka Soomaaliyeed, loona uruurinayo dalka iyo Dadka, mana ahan Ciidan dagaal Meesha la isugu geeyay, waana ka soo horjeednaa eedayntaas aan salka iyo baarka lahayn.

 

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Xaalad dagaal aysan ka jirin Jawhar ee ay tahay xaalada ka jirta mid lagu abuurayo, Dal burburay oo aan lahayn Difaac dibadeed oo xuduudihiisa ilaaliya iyo Mid gudaha ah, oo shacabka Soomaaliyeed ka ilaaliya Maleeshiyaadka dhaca iyo boobka ku haya umada Soomaaliyeed.

 

Xildhibaanada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa 85% waxa ay doonayaan in Dalku uu hagaago, balse waxaa is hortaagaya Danaha Dawlada, xubno iyagu dana gaar ah leh, kuwaasoo doonaya in Shacabka Soomaaliyeed ay lahayste u ahaadaan Hogaamiye Kooxeedyada Magaalada Muqdisho ku sugan.

 

Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Hogaamiya kooxeedyo gashaday Shaar Diimeed, oo uu ugu Horeeyo Xasan Daahir Aways, iyo Hogaamiya Kooxeedyo iyagu Isbaarooyin u dhigtay Shacabkii Soomaaliyeed, ayaa u baahan in laga bad baadiyo Dalka iyo Dadka.

 

Iyaga oo 15kii sano ee la soo dhaafay Shacabku ay la hayste u ahaayeen ayaysan marnaba doonayn in Dawlad Soomaaliyeed Dalku uu yeesho.

 

 

Source: Idimaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this