General Duke Posted November 25, 2006 Golaha Ammaanka ee QM, oo ogolaatay in Ciidamo Nabad-ilaalin ah loo diro Dalka Somalia. Mogadishu , Sabti, Nov 25, 2006 Radio Simba Golaha Ammaanka ee QM, ayaa lagu soo waramay inay isku raaceen Qaraar qabyo ah, kaasi oo oggolaanaya in Ciiddamo Nabad-ilaalin ah oo ka socda Gobalka loo soo daad-gureeyo dalka Somalia. Qaraarkaasi qabyadda ah, oo Dowladda Maraykanka isku soo duwday, ayaa waxa uu sidoo kale qaadayaa Xayiraadda Caalamiga ee hubka ee QM ay saartay dalka Somalia sannadkii 1992-kii. Ansixinta Qaraarkan, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay Kumaanaan Ciiddamo Shisheeye ah oo ka kala socda Dalalka Ethiopia iyo Ugandha ay ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay qeyb ka yihiin Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee Urur-gobaleedka IGAD ee ay ka fulinayaan dalka Somalia . Simba Media Center , Mogadishu Quote Share this post Link to post Share on other sites