Sign in to follow this  
Cowke

Shiikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Recieves Welcoming To Bossaso. Pictures

Recommended Posts

Cowke   

5_44.jpg

 

8_29.jpg

 

1_78.jpg

 

3_70.jpg

 

11_14.jpg

 

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo si aad ah loogu soo dhoweeyay Boosaaso(Sawiro).

 

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo kamid ah culimada Soomaaliya ahaana mid kamid ah aasaasayaashii Jaamacaada Bariga Afrika ayaa maanta barqadii kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Bandar Qasim Airport.

 

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo dadweynaha gacan qaadaya.

 

Waxaana Dr-ka si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha boosaaso dad fara badan oo ay hor kacayeen culima udiin,aqoonyahano,ganacsato iyo wax garad kale oo aad u tira badan,kuwaas oo ay kamid ahaayeen Sheekh Axmad daahi,Dr Yuusuf Cabdi casiis iyo dad kale oo aan ah.

 

Dr Axmed oo Warbaahinta u waramaya.

 

Dr Axmed oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee aadka loo ixtiraamo ayaa kamid ahaa asaasayaashii jaamacada bariga Afrika oo ay ka faaiideysteen ilaa 3,000 oo qof,waxuuna Dr Axmed tobon sano ku dhowaad ahaa gudoomiye ku xigeenka jaamacada,hadana waxuu xubin ka yahay golaha aasaasayaasha iyo la taliyaha gudoonka jaamacada isagoona weli kamid ah macalimiinta jaamacada bariga Afrika ee dhiga Kulliyada Shareecada.

 

Waxaa xusid mudan in uu Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan mudo afar bilood ku dhow in uu dalka Sacuudiga ugu maqnaa xaalado caafimaad,iyadoo halkaas qaliin dhinaca madaxa loogu soo sameeyay.

 

Si kasta oo ay ahaataba waxaa la rajaynayaa hadii uu Rabi idmo in uu Dr-ku dib u bilaabi doono howlihiisii dacwo iyo tacliimeed.

 

Xuseen Xuska

Xuseen2005_88@hotmail.com

SBC International Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this